04/06/2025
π
πππππππ ππππππππππππ πππππππ πππ ππππππππππ πππππππππ ππ ππππππππππ
π
ππππππ π-πππ πππππ πππππππππππ ππππ/ππππ
____π
πππππππ ππππππππππππ___
ππππππππππ ππππ ππππ πππππππ πππππππ ππππππππππ
1. Aqoonsiga Imtixaanka (Roll Number)
2. Dharka Dugsiga dhexe (Uniform)
3. Qalin Buluug ah
4. Imaanshiyaha Saacadaha Imtixaanka ee jadwalka ku xusan.
5. Xaqiijinta Kursiga uu ku qoran yahay Tirataxanaha Aqoonsigiisa Imtixaanka
6. Joogtaynta ku fariisashada Kursiga uu ku qoran yahay Aqoonsigiisa Imtixaanka
7. Ilaalinta nidaamka iyo u hogaansanaanta tilmaamaha Ilaaliyaasha Xarunta
8. Saxiixidda Warqadda Xaadirinta
ππππππππππ ππ ππππππ πππππππ πππππππ ππππππππππ
1. Qalin noocyo kala duwan leh ama ah nooc ka duwan kan buluuga ah sida afar noocle.
2. U kala gooshidda Xarumo iyo Fasallo kale oo uusan ku qornayn.
3. Fariisashada kursi uusan ku qoronayn Tirataxanaha Aqoonsigiisa Imtixaanka.
4. Ka mid noqoshada baro xiriir oo ka shaqaynayo abaabul qish sida WhatsApp groups.
5. Abuuridda Xasarad, Buuq, Dagaal iyo faafin war been abuur ah.
6. Qaab labis iyo u jarashada madax sifo aanan sharci ahayn.
7. Tuurnaanta ama isku uruursiga bannaanka iyo Gudaha Xarunta Imtixaanka
8. La imaanshiyaha Xarunta Imtixaanka waxyaabaha kala ah:
B. Moobil β Nooc kasta oo uu yahaybo
T. Kaamiro
J. Warqad
X. Buug
Kh. Agabyada xogta kaydiyo sida Tablet, USB ama Flash iyo IWM.
D. Iyo waxkasta oo leh kaamiro ama looga shakin karo ammaano-darro Imtixaan.
ππππππππππ ππππ ππππ ππππππππ πππππππ
1. Ku wacyigelinta ardayda waxyaabaha laga rabo iyo waxyaabaha ka reeban.
2. Guddoonsiinta ardayda Aqoonsiyada Imtixaanka (Roll Number).
3. Xaqiijinta ardayda in ay garanayaan goobta ay ku galayaan Imtixaanka.
ππππππππππ ππ ππππππ ππππππππππ πππππππππ
1. Abuuridda baro xiriir oo loo sameeyay abaabulidda qish iyo faafin been abuur.
2. Abuuridda Abaabul dugsiyo, macallimiin & arday si loo carqaleeyo Hawlaha Imtixaanka.
3. Kala soo daahidda ardayda saacadihi loo muddeeyay gelidda Imtixaanka (Ardayda baabuurta lagu keeno)
4. Ku baakimidda baabuurta ardayda lagu keenay agagaarka Xarunta Imtixaanka
5. Imaanshiyaha Xarunta Imtixaanka lagu galayo.