09/10/2025
Warbixin Kooban: Kulanka Waalidiinta iyo Maamulka Dugsiyada Imam-Malik – Laanta Tareedisho (KM13)
Galabnimadii maanta ayaa lagu qabtay laanta dugsiyada Imam-Malik ee deegaanka Tareedisho (KM13) kulan muhiim ah oo lagu xoojinayay iskaashiga waalidiinta iyo maamulka si kor loogu qaado tayada waxbarashada iyo tarbiyada ardayda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee mu’asasadda Imam-Malik ku horumarinayso heerka waxbarasho iyo tarbiyeed ee ardayda, iyadoo kulammo la mid ah todobaadkii h**e lagu qabtay laamaha Kaamil iyo Dibileey ee degmada Dayniile.
Waxaa kulanka ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Mu’asasada Imam-Malik, Guddiga Tacliinta, maamulka laanta Tareedisho, iyo waalidiin badan oo si firfircoon uga qayb qaatay kulanka.
Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu lafa-guray doorka muhiimka ah ee waalidka ee kor u qaadista akhlaaqda iyo waxbarashada ilmaha, sida iyo waqtiga ay tahay in waalidiintu ula socdaan waxbarashada carruurtooda, iyo sida loo xoojin karo xiriirka u dhaxeysa waalidka iyo dugsiga.
Gebagebadii, masuuliyiinta dugsiga iyo guddiga tacliinta ayaa uga mahadceliyay waalidiinta ka soo qeybgalka, iyagoo ku boorriyay in iskaashigan uu noqdo mid joogto ah si loo gaaro hadafka ah in ardayda Imam-Malik ay noqdaan kuwo aqoon, akhlaaq iyo karti leh.