25/06/2023
Mudane Aadan Cabdulle Cismaan Daar waxuu ahaa madaxweynihii ugu h**eeyey ee jamuuriyadda soomaaliya.
Wuxuu kaalin muhiim ah oo aanan la iloobi karin ka soo qaatay halgankii gobonimo doonka ummada soomaaliyeed ee lagu raadinayey xoriyada.
EEBE ha u naxariistee marxuum aadan waxa uu dhashay sanadkii 1908-dii wuxuuna ku dhashay magaaladda Baldweyne ee xarunta gobalka hiiraan, wuxuu wax barashadiisa ku qaatay magaalada Muqdishu iyo dadal dibada ah.
sanadkii 1944-tii waxa uu ku biiray ururkii dhalinyarada ee gobanimadoonka soomaaliyeed ee SYL, wuxuuna ururka ka noqday xubin firfircoon isagoo ka qabtay xilal kala duwan oo sar sare.
1960-kii markii xornimada qaadatey jamhuuriyada soomaaliya ayuu ka noqday madaxweynihii ugu h**eeyey ee dalka soomaaliya oo si dimuqraadiyad ku jirto loo doortay.
Intii uu xilka haayey wuxuu aad ugu dadaalay, si ay xoriyad u heli lahaayeen gobalada kale ee soomaaliyeed ee wali ku jiray gacanta gumeystaha, samaynta shuruucda dalka, sare u qaadista waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada dalka iyo arimo kale.
Madaxweyne Aadan Cabdulle wuxuu xilka madaxweynaha soomaaliya hayey intii u dhaxeysay 1960-kii ilaa 1967-kii wuxuuna noqday madaxweynihii ugu h**eeyey ee afrikaan ah oo si dimuqraadiyad iyo wadaninimo ku jirto uga dagay xilka madaxweynaha.
Dadka yaqaanay madaxweynaha waxay ku tilmaamaan in uu ahaa nin wadani ah oo jecel dadka iyo dalka, sidoo kale aanan waligiis lagu tuhmin kala fogeynta dadka iyo waxa loogu yeero musuqmaasuqa. Alle ha u naxariistee bishii june 8-dii, 2007-dii ayuu mudane Aadan Cabdulle Cismaan Daar madaxweynihii ugu h**eeyey ee jamuuriyadda soomaaliya, ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Xegasho keydka warbaahinta qaranka soomaaliyeed.