27/08/2025
Somali Insights
A peaceful Mogadishu Morning — Where Life, Hope, and Natural beauty intertwine.
Mogadishu iyo Subax deggan —Waxa halkaan ku Nool, Rajo iyo Qurux dabiici ah ay isku dhex milmeen.
10/05/2019
SHEEKO FANEED: WAXBARASHO HAWEEN, WAA LAGU BADHAADHAA.
Waa xili h**e oo hada ayuu waagu baryay, cadceedu weli ma soo bixin iftiin badana majiro, waxaa jirta daruur dagaal kula jirta iftiinka waa berriga. cirku waa qam oo waxa uu umuuqdaa mid roob cukan.majiraan dabeeylihii boorka watay ee xiliyada rooboowga. markiiba neecaaw dabacsan ayaa soo dhacday.waxa xigay Roob xoog leh oo saameeyn ku yeeshay Dadka tabarta daran ee magaalada. Bulshada inteeda badan waxa eey isugu soo baxeeyn buundo liiqliiqato oo ah bartamaha magaalada Beledweyn. Waxa eey Kuwaa bariisteen bullada iyo ciyaaraha, iyaga oo soo dhaweeynaya curashada gugga cusub. Saakayna Siraad sida maalmaheeda caadiga ah waxa eey u kalaheeysaa iskuulka. Siraad waa gabadh dheer oo midabkeedu maariin yahay hilib buurni xiga ayaa eey leedahay, sanqaroorka dheer ee gamaanka lamoodo, indhaha iyo suniyaasha isku ladhan, afka culayga ah iyo ilkaha dhuuxa u'eg ayaa badh ka ah quruxda Rabi Ku galladay.Siraad ma aha dadka turukada badan oo saacad labista saacad kalana muraayada isku eega. sodon mirir kadib waxa eey ka siibaxday albaabka gurigooda iyada oo garabka Ku sidata boorso dheer oo eey Uga buuxaan buugaag. Dhexda dhuuban ee taako qabadka ah iyo socodkeeda dheeliga tiran ayaa dhameystiraya quruxdeeda.
Siraad hada waxa eey dhigataa dugsiga sare. waxa eey mareeysaa fasalkii ugu dambeeyay ee dugsiga sare. Waa 18 jir. Waana Agoon aabaheed uu geeriyooday iyada oo sagaal jir ah kagadaal markii mudo shan sanadood ah uu Ladagaalamayay xanuun daran oo ugu dambeeyntii geeri u horseeday.
Iyada iyo labo walaalaheed ahba, wiil iyo gabadh kale, waxa soo korisay oo Ku cidiyo muruxday hooyadood Suuban oo inta qof nolasha dhib Ku muteeysto La soo martay. Labada caruur ee kale wax ma bartaan, waa tan koobaadee hooyadood ayaa xoogooda ka maarmi weeysay ; mida xigta Suuban ma heli karto dhaqaalo eey dhamaan ubadka waxbarasho kaga bixiso, sidaa darteed ayeey Siraad nasiib u yeeelatay in eey noqoto qofka qura ee qooyskooda wax u barta. Siraad gelinka h**e ayeey aadaa dugsiga, gelinka eey fursada heeysana waxa eey caawisaa hooyadeed Suuban oo shidaal Ku iibiso mid kamid ah isgooysyada magaalada. Siraad waxa eey ka fikireeysaa waxa eey sameeyn doonto dhoowr bil kadib marka eey idleeyso wax barashada dugsiga sare, waayo waxa eey garawsantahay in dhaqaalaha qooyskoodu uusan ka badneeyn nolal maalmeedkooda. Taasi ayaa ah waxa eey ka jiifsanweeyday. Waa inan Hanweeyn oo caashaq mug weeyn u qabta waxbarashada; waxa eey aaminsantahay hadii eey Jaamacad Ku biiri weeydo in hamigeedu moodku ka adeegan doono!
Waxuu waqtigu is guraba Waxaa La gaaray maalintii lawada sugayay ee qalin jebinta dugsiga sare. Farxada xaflada waxa uga labo naxdin badan waxa dhici doono mustaqbalka iyo Halka uu Ku dambeyn doono ayaaheeda waxbarasho.
Hooyo Suuban ayaa waxa eey u ambabaxday guriga walaasheed ka weeyn iyo guryo kale oo eey daganaayeen haween eey saaxiibo aad isugu dhaw ahaayeen Si eey uga talo weeydiiso arin maskaxdeeda ka guuxeeysay oo aheeyd in gabadheeda Siraad eey u iibiso booska kaliya ee uu aabahood kaga geeriyooday Si eey waxbarasho dibada ugu dirto.
Dumarkii ayaa si wada jir ah Ku qeeyliyay
Na maad waalatay mise waad soo wadataa!
Na miyaadan ogeeyn in jaamacad gabdheed jiko u dambeeyso ayeey u raaciyeen
Suuban ayaa ugu jawaabtay hablihii, inanteeyda Aniga ayaa xog ogaal u ah hamiga iyo jaceeylka eey u qabto waxbarashada oowgeed habeenkii xitaa ma gama'do.
Mar kale ayaa waxa eey Ku yiraahdeen; naa Adhi waa isku xeer oo hantidan maguurtada ah ha is dhaafinin oo adiga iyo caruurtaadana dayac ha is dhigina inantu waa dumar oo waxaaba laga yaabaa in eey beriba nin iska raacdo sidii hablaha kalaba weligood lagu yaqaanay. Hasa yeeshee Hooyo Suuban dhamaan hadaladaas dhag jalaq umeeysansiin. waxa eeyna go'aansatay in eey inanteeda ka ilaaliso Han jab iyo wax kasta oo dib u dhigi kara.
Habeenkii marka uu qooysku wada casheeyay ee ay caruurta kale seexdeen ayaa eey Hooyo Suuban gabadheeda Siraad war uga bilawday.
-beri baasaboor soo sameeyso.
Sabab Hooyo ayeey Ku war celisay siraad?
-waxbarasho dibad ayaan kuu dirayaa.
ma kaftameeysaa Hooyo sideey wax u jiraan ?
-Waxa aan iibiyay booskii dhaxalka ee aabahaa ka geeriyooday.
Walaalaheey miyaan laga talo gelin Hooyo?
-Talo eeynan iyaga ogeeyn lama keliyoobin.
Labo bilood iyo maalmo ka bacdi siraad waxa eey ka dhooftay garoonka dayuuradaha ee magaalada, iyada oo usocota safar waxbarasho oo dibada ah. waxa eey ka walaacsaneeyd laqabsiga dhaqanka iyo cunada wadankaas ajnabiga ah, balse nasiib Wanaag waxa eey Siraad halkaa kula kulantay wiilal iyo hablo soomaaliyeed oo iyaguna halkaa safar waxbarasho u joogay oo si heer Sara ah u soo dhaweeyay.
Waxa eey halkaa Ku Maqneeyd muddo afar sano ah iyada oo kala soo laabatay Cilmi eey abidkeed caashaqsaneeyd, waa culuumta Maamulka ganacsiga "business adminstration".
Siraad markii eey dalka Ku soo laabatay waxa eey isla markiiba Si dhib yar shaqo kaga heshay Heey'ado gacan Saar La leh umadaha midoowbay. afafkii qalaad ee eey soo baratay ayaa u sahlay shaqada nuucan ah.Waxa eey taasi horseeday in nolasheedii iyo tan qooyskeedii tayo ahaan eey wanaagsanaato.
In kasta oo eey kamid aheeyd facii Ku soo barbaaray saban uu dhaqaalaha dalka aad u yaraa hadana waxa uu ilaahay qadaray in eey noolaato xili eey Soomaalida dhaqaalaheedu kobcay. Hada Waxa eey Soomaaliya kamid tahay Wadamada barwaaqa soo ranka ee ceeynaanka u haya dhaqaalaha aduunka. Ku noolaanshiya labadaa xili oo aadka u kala fog sida cirka iyo dhulka oo kale, ayaa Siraad u horseeday in eey latimaado halabuur ganacsi oo leh macaash badan. Hooyo Suubantii cidiyuhu murxeena waxa eey hada Ku Soo cumreeysataa sanad walba magaalada barakeeysan ee Maka iyada oo halkaa Ku soo soonta shan iyo tabanka dambe ee bisha barakeeysan ee Ramadan. Siraad waxa eey reerkoodii u horseeday Liibaan aduunyo, barwaaqo iyo badhaadho nolaleed oo qof kastaayi majeerto.
W/q: Cabdicasiis Axmed Cali
[email protected]
06/04/2019
Waxay ahayd galab kale oo qurxoon oo ay tariikhdu ku begneyd 04 april- 2019 oo ahayd maalin Khamis ah waxa si habsami leh nogu qabsomay seminarkii uu ciwankisu ahaa oo uu bixinayay Dr Shaagici Abdiaziz Xaajo Dhafe.
machadka
Waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayna Dr shaafici oo doowr weyn kulahaa in uu noqdo tababarka mid araydu eey ka dhaxlaan khibrad iyo aqoon waafi ah.
28/03/2019
TABABBAR LAGU QAADANAYO WAX KHRISKA TOOLMOON.
Waxaa jira Dhallin badan oo wax akhrisa jecel laakiin u baahan jihayn iyo wax-la-toosin. Waxaa jira kuwo u baahan habka wax loo akhriyo iyo hannaanka wax loo dhiraandhiriyo waxaa jira dhalinyaro badan oo hada wax akhriya oo uu laabtoodu kukula firiir-sanyahay waxii eey akhriyeen oo qaabkii la isugu soo duwi lahaa waxa eey akhriyeen u hamuun qaba.
Hadaba Machadka SISPA isaga oo ka falcelinaya baahiyaas jira waxa uu idiin qabanayaa tababarr lagu xoojinayo xirfada wax akhriska.
Tababarrkan waxaa jeedin doono .
Waxii macluumaad dheeri ah fadlan ka akhri sawirka hoose ama la xiriir
Tell or what up: 0612909017
15/03/2019
Waxay ahayd galab kale oo qurxoon oo ay tariikhdu ku begneyd 14/03/2019 oo ahayd maalin Khamis ah waxa si habsami leh nogu qabsomay seminarkii uu ciwankisu ahaay
.
Waxa ay guul u ahyd machadka iyo dhaman ardadi ka fa'ideysatay.
Waxan si gaar ah ugu mahadcelinayna soo jediyaha semknarka oo ah
12/03/2019
Machadka SISPA waxa uu idiin qabanayaa Workshop ciwaankiisu yahay
Goobta: *Al Xayaad Medical University
Goorta: 14- 03-2019, 3:00-5:00 PM galabnimo
Registration fee+ certificate = $5
Waxii macluumaad dheeri ah nagala soo xiriir
Tell: 0612909017/ 0615130251
20/02/2019
Maanta oo maalin Arbaco ahayd waxaa si qurxoon inoogu qabsoomay tababarkii aan ku balansanayn ee ciwaankiisu ahaa "personal strategic plan'
Waxa aan u mahadcelinaynaa qof kasta oo gacan ka gaystay qabsoomida howshan,
Waxa aan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Dr. Abdiwali Sheikh Hassan oo fududeeyay qabsoomida tababarkii maanta.
13/02/2019
Qofka in uu yeesho qorsho nololeed waxa eey ka caawineysaa in uu si fududud ku hirgeliyo hiraalkiisa ama hadafkiisa, sidaa darteed machadka waxa uu idiin qabanayaa Workshop ciwaankiisu yahay oo loogu talagalay in lagu gacan qabto qof kasta oo doonayo in uu kobciyo xirfadiisa.
Macluumaadka Seminarka oo dhameystiran fadlan ka akhri Sawirka hoose.
Si aad isaga diiwaangelisid seminarka nagala soo xiriir
Whats up Tell: 0612909017
08/02/2019
Somali Institute of Social Progress and Arts (SISPA) seeks to develop and empower the student's creativity and talents to turn into real career through training service.