02/12/2020
Xayawaanka Deerada ama Coowsha la yiraahdo wuxuu gaarayaa Sagaashan kiilomitir Saacaddiiba (90km/h). Halka Xawaaraha Libaaxuna gaarayo 58-kiilomitir Saacaddiiba (58Km/h)
Sida muuqata Deeradu way ka orod badantahay Libaaxa, haddana mar waliba oo uu eryado si fudud ayuu ku ugaarsadaa.
Haddaba waa maxay sababtu? Taas waxaa u wacan labo arrin oo isbiirsaday:
❶ Libaaxa oo ah noole aaminsan awoodda Alle siiyay, aanna ka laba-labeyn kana rumeeya go’aanadiisa.
âť· Deerada oo iyadoo isbarbardhigeysa awooddeeda iyo tan Libaaxa, fikir xun ka qaadatay nafsaddeeda, aamintay in aysan Libaaxa ka fakan karin.
Sidaa aawadeed marwaliba dib ayay soo eegtaa si ay u fiiriso in uu Libaaxu qaban rabo iyo in kale, dib-eegistaasi wuxuu dhimayaa xawaaraheda, wuxuna Libaaxa u suuragelinayaa in uu qabto Deerada.
Haddeysan Deeradu gadaal eegin, Libaaxa uma suura gasheen in si fudud u ugaarsado.
Haddaba sheekadaani maxay inna bareysaa?
❶ Garo oo ka faa’ideyso awoodaha uu Alle ku siiyay.
âť· Dib ha u milicsan oo iska halmaam maalmihii madoobaa ee kusoo maray, hana ka warwarin waxa soo socda Mustaqbalka.
❸ Haka laba-labeyn go’aannada aad qaadato, lana tasho Alle iyo Axsaabta aad ku kalsoontahay.
âťą Si aadan u yasin naftaada, noloshaada ha u barbar-dhigin nolosha dadka kaa sareeya, ogoowna in aad ka nolol ficantahay malaayiin qof.
Mahad Hassan