20/08/2024
Qofku markuu meel muhim ah u socdo isagoo aanay waxba ka qaldanayn ayuu haddana kolba dib isu fiiriyaa, bal inuu wax illaawayo, ama ay wax ka si' yihiin.
Annaguna annagoo dembiyo la tiicayna oo isku HUBNA ayaan xag Alle u soconnaa, wax DAREEN ah oo badanna naguma hayso, NATIIJADUNA waxay noqon kartaa:
وَبَدَا لَهُم مِّنَ اللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا يَحْتَسِبُونَ
Waxaa xag Alle ugasoo muuqday wax aysan malaysanayn/ aysan filanayn.