20/08/2024
Qofku markuu meel muhim ah u socdo isagoo aanay waxba ka qaldanayn ayuu haddana kolba dib isu fiiriyaa, bal inuu wax illaawayo, ama ay wax ka si' yihiin.
Annaguna annagoo dembiyo la tiicayna oo isku HUBNA ayaan xag Alle u soconnaa, wax DAREEN ah oo badanna naguma hayso, NATIIJADUNA waxay noqon kartaa:
وَبَدَا لَهُم مِّنَ اللَّهِ مَا لَمْ يَكُونُوا يَحْتَسِبُونَ
Waxaa xag Alle ugasoo muuqday wax aysan malaysanayn/ aysan filanayn.
07/08/2024
Sabar: macnihiisu waa nafta oo la qasbo ama la celiyo, waxa uuna u qaybsamaa sadex-daan qodob
1. Nafta oo lagu qasbo inay Allaah caabudo oo adeecdo, si qofku u fuliyo wixii Allaah ku waajib yeelay sida salaadii, soonkii iyo waajibaadkii kale
2. Nafta oo lagu qasbo inay xumaanta isaga harto oo ka joogto; sida cibaada la,aanta, dhiiga muslimka oo la daadiyo, beenta iyo wixii la mid ah waayo Allaah ayaa sidaas amray
3. Nafta oo lagu qasbo inay u adkaysato Qadarta Allaah mideeda xanuunka badan sida xanuunada, faqriga iyo wixii la mid ah
Hassan Abdullahi Aweys
Allaah oo loo mahadnaqo Nicmooyinka aad haysato ayaa lagu ilaaliyaa si aysan kaaga baxsan.
kuwa kaa maqanna waa lagu Raadiyaa
الشكر: قيد الموجود ، وصيد المفقود
04/08/2024
In badan ayuu Allaah Qur’anka ku sheegay in dadka Allaah rumeeyay camal saalix ah (wanaagsan) la yimid in ay janaga galayaan Allaah ayaan ka baryaynaa janadiisa iyo naxariistiisa
Walaalka qaaliga ahow si camalkeenu saalix u noqdo waa in labadaan qodob laga helaa.
1. Cibaada kasta oo aad samaynaysid waa in Allaah dartii aad u samaysaa (الإخلاص) oo is tus tus iyo shirki laga ilaaliyo
2. Cibaada kasta oo aad samaynaysid waa in aad Rasuulka صلى الله عليه وسلَّم uga dayatid, (المتابعة)
Ha u cibaadaysan sidii kula quman oo kula qurxoon ama sidii naftaadu jeceshahay, si kasta oo ay kuula qurxoontahay cibaadadu baadil ayay noqonee hadii aadan nabiga صلى الله عليه وسلَّم ku raacin
فَمَنْ كَانَ يَرْجُو لِقَاءَ رَبِّهِ فَلْيَعْمَلْ عَمَلًا صَالِحًا وَلَا يُشْرِكْ بِعِبَادَةِ رَبِّهِ أَحَدًا
Hassan Abdullahi Aweys
Allaah oo loo mahadnaqo Nicmooyinka aad haysato ayaa lagu ilaaliyaa si aysan kaaga baxsan.
kuwa kaa maqanna waa lagu Raadiyaa
الشكر: قيد الموجود ، وصيد المفقود
30/07/2024
Irsaaqad uu qofku heli lahaa ayuu ku waynaa danbiga uu galayo dartiis
إنَّ العَبدَ ليُحرَمُ الرِّزقَ بالذَّنبِ يُصيبُه... الحديث
Walaalka muslimka ahow ogow danbigu wuxuu sabab u noqdaa cariiri aduunyo iyo cadaab aakhiro
Walaal dunuubta ka dheerow oo adeecida Allaah u dag dag.
26/07/2024
وَمَنْ يَعْشُ عَنْ ذِكْرِ الرَّحْمَنِ نُقَيِّضْ لَهُ شَيْطَانًا فَهُوَ لَهُ قَرِينٌ * وَإِنَّهُمْ لَيَصُدُّونَهُمْ عَنِ السَّبِيلِ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ مُهْتَدُونَ.
Allaah wuxuu Qur’anka ku yiri:
Qofkii iska indha tira Allaha Naxariista balaaran xuskiisa waxaan u qoondaynaynaa Shaydaan, markaas ayuu noqonaa shaydaanku mid ku lamaan qofkaas.
Shayaadiintuna waa jeedinayaa dadka iska indha tira inay Qur’an-ka fahmaan iyo kuwa halmaansan Allaah xuskiisa oo dariiqa xaqa ah ayay ka jeedinayaan waxayna isku moodaan dadkii shaydaanku faraha ku dhigay kuwa hanuunsan.
Walaal xuska Allaah ha iloobin oo Qur’anka fahamkiisa ku dadaal Allaah Qur’anka wuxuu usoo dajiyay in la fahmo oo lagu camal falo.