27/08/2026
🎓 GABAGABADA SIMINARKA TABABARKA MACALLIMIINTA 🎓
📍 Muqdisho, Soomaaliya
Waxaa magaalada Muqdisho si guul leh loogu soo gabagabeeyey siminarkii laba maalmood socday, kaas oo ay soo qabanqaabisay Ururka Muqdisho Private Schools (MPS).
Siminarku wuxuu si gaar ah ugu talagalnaa kor-u-qaadista aqoonta, xirfadaha iyo tayada macallimiinta, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta hababka waxbaridda, maaraynta fasalka, qiimeynta ardayda iyo xirfadaha muhiimka u ah macallinka casriga ah.
📚 Intii uu siminarku socday, macallimiintu waxay heleen fursad ay ku kobciyaan aqoontooda, ku wadaagaan khibradahooda, isla markaana ku bartaan habab cusub oo wax-ku-ool ah oo lagu horumarin karo waxbarashada.
🤝 MPS waxay mar kale muujisay sida ay uga go’an tahay horumarinta macallinka iyo tayeynta waxbarashada, maadaama macallin tayo leh uu yahay saldhigga arday tayo leh iyo bulsho aqoon leh.
👏 Mahad iyo bogaadin dhammaan macallimiintii ka qaybqaadatay, tababarayaashii, iyo cid kasta oo ka shaqeysay hirgelinta siminarkan qiimaha badan.
“Macallin la horumariyey waa jiil la dhisay.” 🌟