13/12/2025
Maanta 13/12/2025
waxaa si guul leh loo soo jeediyey muxaadaradii wacyigelinta ardayda.
📌 Mowduuca:
أساليب حل المشكلات
Hababka loo xalliyo mushkiladaha
🎙 Waxaa soo jeediyey:
Ustaad: Cabdikariim Cali Macallin (Akram)
Waxaan u mahadcelinaynaa Ustaadka iyo dhammaan intii kasoo qeyb gashay 🌿
04/12/2025
waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Aisha Mahamuud Ahmed, oo loo magacaabay Madaxa Arrimaha Haweenka ee Ururka Ardayda Kulliyadda Xisaabaadka (FASA) ee SIMAD University.
Waxaan ku faraxsanahay guushaadani, waxaana kuu rajaynaynaa in aad xilkaaga cusub ku gudato dadaal, hufnaan, iyo hoggaan muuqda.
Guushaadu aya sharaf noo wada ah.
Congratulations 🎊
Aisha Mahamuud Ahmed has been appointed as the Head of Women's affairs of Faculty of Accountancy Student's Association-FASA
We wish her success and exceptional performance in her new role.
______________________________________
Faculty of Accountancy - SIMAD University
22/11/2025
Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21ka November.
15/11/2025
🎓 Hambalyo Macallin!
Dhammaystirkaaga jaamacaddu waa guul weyn,
Alle ha kuu xoojiyo aqoontaada, hana kuu noqdo iftiin aad ku barbaariso jiilka cusub.
Hambalyo Macalin🎊🎊❤️
07/11/2025
Hambalyo Hambalyo Mascud Cali Maxamud &Muna Cali Maxamud 🎊🎊
Cilmiga ad barateen Alle ha idin barakeeyo
Guulo intaa iyo in ka badan waan idin rajeynaynaa insha allah
Hambalyo🎊🎊❤️
01/11/2025
Saakay waxa barnaamijka Taabuurka inoogu casuunaa mid ka mid ah ardaydii ka qalin jebisay dugsiga Qoraa Drs Misky Maria
ahna qoraaga Buuga Hiil iyo Hanasho Haween
waxa ay Aradayda halkaas ku siisay Tallooyin iyo dhiirigalin waxa ayna kaga mahad celisay dadaalka ,aqoonta iyo mustaqbalka wanaagsan ee sameynayaan ardayda
Booqashadeedu waxay ahayd mid wacyigelin iyo tusaale wanaagsan u noqotay ardayda dugsiga.
sido kale waxa waxay Dugsiga ugu deeqday qeyb ka mid Buugagta Hiil iyo Hanasho Haween
Daabacdiisa 1aad