19/08/2022
Nolol ma jirto salaad la'aanteed
ku soo dhawoow gacmo furan
19/08/2022
Nolol ma jirto salaad la'aanteed
01/04/2022
Wadankee taageri doonta koobka aduunka ee lagu qaban doono Qatar sanadkan
⚽️⚽️⚽️⚽️⚽️
19/03/2022
Munni , waa gabadh muslimada, oo hadalku ku adag yahay. Waxay ku nooshahay tuulada Sultanpur ee dalka Bakistaan, ka mana qasna nolol ahaan, laakin, weligeedba noloshu dhammays ma noqoto ee hadal la’aanta Munni, hoyadeed Razia ayaa culeys Ku qabta, riyadeeda u waynna waa in ay mar uun aragto gabadheeda oo hadlaysa. Maamma Razia iyada oo gabadheeda xambarsan ayey imaanaysaa xarunta ugu wayn Suufiyada ee Delhi ku taalla, si loogu duceeyo gabadheeda.
Ducada markay soo afmeertana waxay soo racaysaa tareen, laakiin, gabadha yar ayaa ka lumaysa. Ilma yarood dhashay, oo aan hadli karin, inay kaa lunto waa dareen xanuun badan!
Razia xanuunkaasay maraysaa. Munni oo ah cunug yar oo aan hadli karin waxay ku dhex dalambaabiyaysaa maalmo guddaha Delhi!!! nasiib wanaagse waxay gacanta u galaysaa Pawan Kumar oo ku caana magaca Bajrangi Bhaijaan. Bajrangi waa nin aad daacad ugu ah Hindusimka, oo ah diinta uu aaminsan yahay, laakiin leh qiyam shaqsiyadeed iyo akhlaaq qofeed.
Bajrangi markuu sooryeeyo nuunnada aad bay ugu adkanaysaa in uu aqoonsado ehelkeeda, maadaama aysan hadli karin, laakin, dhowr tilmaamood oo ay ka mid tahay; 1- In ay hilibka jeceshahay. 2- Ciyaar Cricketa oo dhexmaraysa Bakistan iyo Hindiya ayey Bakistaan u sacab tumaysaa. Labada arrimood ayaa u iftiiminaysa inay gabadhu 'Diin' ahaan muslimad tahay, dal ahaanna Bakistaniyad. Howsha qoyskiisa oo Hindusimka ku adag, nacayb badanna u haya muslimiinta ayey ku kala foganayaan, se uma joojinayo.
Qolyo 'Laansocdaal' haysta ayuu u gaynayaa gabadhii, si ay dalkeeda ugu celiyaan, balse, qolyihii ayaa gabadhii yareyd gaynaya goobaha hablaha lagu koriyo, mustaqalkana jirkooda looga beecmushtaro, taas oo ku keenaysa in uusan cidna ku aaminin ee uu isagu Bakistaan geeyo.
Muwaaddin Hindiya inuu Bakistan tago sida caadiga aheyd markaas howl sahlan ma aha, maalmahaasna qalaalase xun ayaa ka dhex aloosanaa labada dal, waa Hindiya iyo Bakistaane, Diblumasiyad ahanna xiriirka dalkugalka ee labada dal way ka la goosteen.
Pawan wuxuu qaadanaya halis wayn, waxa uuna go’aansanaa in uu tahriibbo, oo uu sharci darro ku galo guddaha Bakistaan.
Socdaalkiisa inta h**e ayaa u hirgalaysa, laakiin, guddaha Bakistan markuu galo waxuu yeelanaya waji kale oo ah in lagu tuhmo inuu yahay 'Basaas Hindiya' oo tayar gabbaad ka dhiganaya, ilaa heer uu ku sigto in unuunka la jaro dib se gobannimo badan ayuu ka dhaxlayaa, waxaana loo aqoonsanayaa halyeey weyn oo astaan u ah Insaaniyadda iyo damiirka damqada.
Sheekada niinkan Odayga ah Waxaa Laga matalay film uu Xidig (Actor) kayahay Jilaaga caanka ah ee salmaan Khan.
Waa filim aad u dareen badan ganacsi ahaanna cirka tagay. Waxaa la rumaysan yahay inuu yahay filimkii ugu fiicnaa ee Salman khan uu matalo. Dadka qalbiga fiican ee filimaanta aan u daawan filim ahaan ee dareennada la falgala, waa film indhahooda ilin ka keenay.
WD; Amiir .
W/Q Amiir Sheeno
19/03/2022
SHEEKADAN XIGMADA KU JIRTAA WAA DHACDOOYINKA WAKHTIGAN AAN JOOGNO😥
Charlie Chaplin (1889 – 1977) waxa uu ahaa hal-abuur, majaajilayste, jilaa iyo filim soosaare Ingiriis ah. Marar badan ayaanu ku guulaystay abaalmarinno kala duwan oo dalkiisa iyo kuwo caalamiya isugu jira.
Chaplin waxa uu sheegay in beri uu isaga oo dhuumanaya ka qaygalay tartan loo qabtay dhalinyaro laga rabay in ay isu ekeysiiyaan Charlie Chaplin, si ka ugu dhow abaalmarin loo siiyo. Tartankaas waxa uu kala kulmay arrin ka yaabisay, isaga oo ka sheekeeyeyna waxa uu yidhi,
“Mar ayaa aniga oo is qarinaya aan ka qaybgalay tartan la doonayey qofka ugu fiican ee isu ekeysiin kara Charlie Chaplin, tartankii kaalinta labaad ayaa aan galay. Kaalintii koowaadna waxaa galay wiil uu dhalay guddoomiyaha guddida maamulaysay tartanka”
Xigasho
Lawadaag walalkaa🙏
23/01/2022
Cilmi-baaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar ku takhasusay sida uu u shaqeeyo jirka aadanuhu ayuu ku ogaaday in markuu qofku gaajoodo uu jirkiisu bilaabayo inuu cuno Carbohydrates-ka iyo Dufanka ku keydsan Unugyada jirka, taas oo keeneysa inuu jirku iska nadiifiyo iskana saaro Unugyada keeno Kansarka, Duqnimada, Asaasaqa, Sokorta, Cadaadiska-dhiigga, iyo Cudurada ku dhaca Wadnaha, iyo in jirka laga saaro Cholesterol-ka iyo Cusbooyinka aan loo baanheyn ee dheeraadka ku ah jirka.
Iscunidda jirka (Autophagy) waxay bilaabaneysaa haddii uu qofku shaqeeyo Sideed Saacadood xiriir ah isaga oo aan wax cunin, uuna sidaas joogteeyo maalmo badan, si aysan unugyadii dhintay fursad ugu helin inay dib usoo noolaadaan.
Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa inuu qofku is gaajeysiiyo oo uusan wax cunin ugu yaraan 8 ilaa 16-Saacadood Labo ilaa Saddex Maalmood todobaadkiiba, wuxuuna sidoo kale soo jeediyay inuu sidaan qofku sameeyo ugu yaraan hal bil Sanadkiiba.
Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan, waxna ka dhiga machadka diraasaaadka hal-abuurka Jaamacadda Tokyo ee dalka Japan wuxuu Cilmi-baaristaan Sannadkii 2016-kii ku mudeystay Shahaadada Caalamiga ah ee Nobel Prize-ka ee dhanka Caafimaadka.
Cilmi-Baarista dhaqtarkaan lagu abaal-mariyay 2-Sano kahor waxay diinteenna Islaamku na fartay 1437-Sano kahor, oo Tiirarka Islaamka ayayba kamid tahay inuu qofku 30-Maalmood oo xiriir ah ka Soomo Sanad kasta, Nabigeenuna Sallallaahu Calayhi Wasallam wuxuu jideeyay inuu qofku Soomo Labo Maalmood Todobaaakiiba (Isniin iyo Khamiis).
Ramadaankaani waa fursad dambi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn, waana fursad uu Alle dad badan uga xoreynayo Naarta iyo Kuleylkeeda. Ramadaankan waa fursad Caafimaad oo ay dad badan uga badbaadayaan Cudurro haya ama kusoo fool-leh.
Eebe ha inooga dhigo maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon. Allow nagu dar kuwa Soonkaan ka faa’iideysta, aadna ugu deeqdo Raxmaddaada, dambi-dhaafkaada, iyo naar-ka-xoreyn.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale...
Xigasho...
16/09/2021
Halkani waa beerta timirta ee ugu wayn dunida taaso ku taala magalada buraida ee wadank sacuudi carabia taasoo uu milkiyadeeda leeyahay ganacsadaha caanka ee lagu magacaabo Salah Al-Rajhi.
Buuga sanadlaha ah ee lagu magacaabo "Guinness Book of World Record" kaaso lagu qoro waxayabaha cajiibka ah ayaa lagu daray beertaan taaso ku fadhida dhul cabirkiisu yahay 5466 hecters.
Sidookale beertaan ayaa soo saarta 45 nuuc oo kala duwan oo timir ah.
Tobanan tan oo timir ah oo beertan laga qaado ayaa la geeya magaalada barakaysan makka al mukarama inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadaan taaso si bilaash ah loogu qaybiyo dadka sooman ee ku nool magaladaas.
Xigasho
22/08/2021
Maxay tahay sababta aad uga cabsanayso guuldarada adigoo og in guuldaradu tahay cashar kuu kordhay ✍✍✍