19/03/2022
Munni , waa gabadh muslimada, oo hadalku ku adag yahay. Waxay ku nooshahay tuulada Sultanpur ee dalka Bakistaan, ka mana qasna nolol ahaan, laakin, weligeedba noloshu dhammays ma noqoto ee hadal la’aanta Munni, hoyadeed Razia ayaa culeys Ku qabta, riyadeeda u waynna waa in ay mar uun aragto gabadheeda oo hadlaysa. Maamma Razia iyada oo gabadheeda xambarsan ayey imaanaysaa xarunta ugu wayn Suufiyada ee Delhi ku taalla, si loogu duceeyo gabadheeda.
Ducada markay soo afmeertana waxay soo racaysaa tareen, laakiin, gabadha yar ayaa ka lumaysa. Ilma yarood dhashay, oo aan hadli karin, inay kaa lunto waa dareen xanuun badan!
Razia xanuunkaasay maraysaa. Munni oo ah cunug yar oo aan hadli karin waxay ku dhex dalambaabiyaysaa maalmo guddaha Delhi!!! nasiib wanaagse waxay gacanta u galaysaa Pawan Kumar oo ku caana magaca Bajrangi Bhaijaan. Bajrangi waa nin aad daacad ugu ah Hindusimka, oo ah diinta uu aaminsan yahay, laakiin leh qiyam shaqsiyadeed iyo akhlaaq qofeed.
Bajrangi markuu sooryeeyo nuunnada aad bay ugu adkanaysaa in uu aqoonsado ehelkeeda, maadaama aysan hadli karin, laakin, dhowr tilmaamood oo ay ka mid tahay; 1- In ay hilibka jeceshahay. 2- Ciyaar Cricketa oo dhexmaraysa Bakistan iyo Hindiya ayey Bakistaan u sacab tumaysaa. Labada arrimood ayaa u iftiiminaysa inay gabadhu 'Diin' ahaan muslimad tahay, dal ahaanna Bakistaniyad. Howsha qoyskiisa oo Hindusimka ku adag, nacayb badanna u haya muslimiinta ayey ku kala foganayaan, se uma joojinayo.
Qolyo 'Laansocdaal' haysta ayuu u gaynayaa gabadhii, si ay dalkeeda ugu celiyaan, balse, qolyihii ayaa gabadhii yareyd gaynaya goobaha hablaha lagu koriyo, mustaqalkana jirkooda looga beecmushtaro, taas oo ku keenaysa in uusan cidna ku aaminin ee uu isagu Bakistaan geeyo.
Muwaaddin Hindiya inuu Bakistan tago sida caadiga aheyd markaas howl sahlan ma aha, maalmahaasna qalaalase xun ayaa ka dhex aloosanaa labada dal, waa Hindiya iyo Bakistaane, Diblumasiyad ahanna xiriirka dalkugalka ee labada dal way ka la goosteen.
Pawan wuxuu qaadanaya halis wayn, waxa uuna go’aansanaa in uu tahriibbo, oo uu sharci darro ku galo guddaha Bakistaan.
Socdaalkiisa inta h**e ayaa u hirgalaysa, laakiin, guddaha Bakistan markuu galo waxuu yeelanaya waji kale oo ah in lagu tuhmo inuu yahay 'Basaas Hindiya' oo tayar gabbaad ka dhiganaya, ilaa heer uu ku sigto in unuunka la jaro dib se gobannimo badan ayuu ka dhaxlayaa, waxaana loo aqoonsanayaa halyeey weyn oo astaan u ah Insaaniyadda iyo damiirka damqada.
Sheekada niinkan Odayga ah Waxaa Laga matalay film uu Xidig (Actor) kayahay Jilaaga caanka ah ee salmaan Khan.
Waa filim aad u dareen badan ganacsi ahaanna cirka tagay. Waxaa la rumaysan yahay inuu yahay filimkii ugu fiicnaa ee Salman khan uu matalo. Dadka qalbiga fiican ee filimaanta aan u daawan filim ahaan ee dareennada la falgala, waa film indhahooda ilin ka keenay.
WD; Amiir .
W/Q Amiir Sheeno