13/06/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ
๐๐ซ. Abdifatah Abdi Ali oo ka mid ah ๐พ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐ท๐ฎ๐ฏ๐ถ๐๐ฎ๐๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฑ๐๐ณ๐ฐ๐ฎ๐ฑii 5๐ฎ๐ฎ๐ฑ ee kuliyadda Daaweynta iyo Qaliimada Guud ayaa soo diyaariyay ๐๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ ๐๐๐ ๐ซ๐๐ ๐จ๐ General Surgery from Kampala International University
๐๐ซ Abdifatah waxaan u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan insha Allah.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐.
22/05/2026
Hayโadda Caafimaadka Adduunka ee World Health Organization (WHO) ayaa 17-ka bisha May u asteeysay maalinta wacyigelinta cudurka dhiigkarka (World Hypertension Day).
Jaamacadda Somalia ((UNISO), gaar ahaan Kulliyadda Daawada iyo Qaliinka Guud (Faculty of Medicine & Surgery), xarunteeda dhexe ee OGR Campus, ayaa qabatay kulan isugu jiray tababar iyo wacyigelin loogu talagalay ardayda kuliyadda qaybahoodda kala duwan, si kor loogu qaado fahamka iyo wacyiga bulshada ee cudurka dhiigkarka oo loo yaqaan โdilaa aamusanโ.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in ardayda lagu baro habka saxda ah ee loo cabbiro cadaadiska dhiigga (blood pressure) iyo sida ay iskood ugu sameyn karaan baaritaan sax ah iyagoo jooga guryahooda.
Tababarka iyo wacyigelinta waxaa soo jeediyay Dr. Esmail Husein Feyte oo ka mid ah macallimiinta jaamacadda. Sidoo kale waxaa kasoo qayb galay maamulka iyo qaar kamid ah macallimiinta kulliyadda, waxaana ugu horreeyay Prof. Dr. Mohamed Amin, Hormuudka Kulliyadda Daawada iyo Qaliinka Guud.
17/05/2026
Ardayda sanadka 5aad ee Kulliyadda Daawada & Qaliimada Guud (Faculty of Medicine & Surgery) ee Jaamacadda Soomalia (UNISO) ayaa tababar loogu qabtay xarunta (HQ Campus ee Degamada Hodan )
tababarka ayaa kahadalaayey โNeonatal Resuscitation Workshopโ, oo ah tababar muhiim ah oo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha baxnaanada degdegga ah ee dhallaanka cusub (Neonatal Resuscitation).
Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo tayada ardayda kuliyadda caafimaadka iyo badbaadinta nolosha dhallaanka cusub ee u baahan gargaar caafimaad daqiiqadaha ugu horeeya ee noloshooda.
Tababarkan waxaa daahfuray Hormuudka Kuliyadda Caafimaada *Prof-Dr. Mohamed Amin Abdikarin Nur* oo bogaadiyay dadaalka lagu horumarinayo aqoonta ardayda caafimaadka iyo tayda waxbarashada ee kuliyadda.
Tababarka waxaa bixiyay :
Dr.Mohamed Abdullahi (Dr.Ozil) iyo
Dr.Jibril Hassan Awale .
13/05/2026
Ardayda sanadka 4aad iyo 5aad ee Kulliyadda Daawada & Qaliimada Guud (Faculty of Medicine & Surgery) ee Jaamacadda Soomalia (UNISO) ayaa seminaar loogu qabtay xarunta (OGR Campus H/wadaag ).
Seminarka waxa uu ku saabsanaa sida looga hortagi lahaa loona daaweeyo cudurada ku dhaca Maskaxda iyo Dhimirka.
Seminaarka waxaa iska kaashaday kulliyadda Iyo Muqdishu Neuropsychiatric Clinic .
Seminarka waxaana bixiyey :
Dr. Ahmed Mohamed Hussein.
30/04/2026
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Dhammaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) gaar ahaan Kulliyada Caafimaadka Faculty Of Medicine & Surgery waxay u hambalyeeynayaan
Dr. Mowlid mohamud hassan oo ka mid ahaay qalinjabiyasha Jaamacdda dufcada 5aad ee kuliyadda caafimaagka, Dhakharka ayaa mudo 5 sano ka diyaarinaayey (Master degree of Urology specialization) Isbitaalka takhasuska caafimaadka Mogadishu Somali Turkey Training and Reseach Hospital (Residency Program), waxa una kusoo gabagabeeyay waxbarashada Takhasuska Isbitaalka BAลAKลEHIR รAM ve SAKURA ลEHIR HASTANESฤฐ ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Dr-Mowlid waxaan u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan insha Allah.
MAHADSANIDIIN .
30/04/2026
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Dhammaan Maamulka, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) gaar ahaan Kulliyada Caafimaadka Faculty Of Medicine & Surgery waxay u hambalyeeynayaan
Dr. Mohamed Nur Ali oo ka mid ahaay qalinjabiyasha Jaamacdda dufcada 5aad ee kuliyadda caafimaagka, Dhaqtarka ayaa 4 sano ka diyaarinaayey (Master degree of Pediatrics and Child Health ee Isbitaalka takhasuska caafimaadka Mogadishu Somali Turkey Training and Reseach Hospital (Residency Program), waxa una kusoo gabagabeeyay waxbarashada Takhasuska Isbitaalka รMRANฤฐYE EฤฤฐTฤฐM VE ARAลTIRMA HASTANESฤฐ oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Dr-Mohamed waxaan u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan insha Allah.
MAHADSANIDIIN .
28/02/2026
Faculty of Medicine and General Surgery, would like to give huge congratulation to our esteemed medical students for their successful publication on the risk factors of the Diphtheria Outbreak in Mogadishu.
Dear Saciid A.hi Abshir, Ibrahim M. Mohamud, and Faduma A.Mohamud
Congratulations on your publication regarding the Diphtheria outbreak in Mogadishu. Research focusing on risk factors in vulnerable populations like children under 5 is vital for improving healthcare strategies in Somalia. This is excellent work, especially for medical students, and it sets a strong foundation for your careers in medicine and public health. https://doi.org/10.11648/j.sdmed.20260101.11
fans
17/02/2026
Maamulka Kuliyadda Daaweynta Iyo Qaliima guud Faculty of Medicine & Surgery ee Jaaamcadda Soomaliya (UNISO) ayaa booqasho ku maray qaar ka mid ah isbitaalada ardayda ay ku maraan internshipka.
Isbitaalka Demartino Hospital oo ka mid ah Isbitaaladaas ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Maamulka isbitaalka , Waxa ayna kawada hadleen sidii loo sii xoojin lahaay xiriirka kawada dhaxeeya Isbitaalka Iyo Jaamcada (UNISO) .
16/02/2026
Waxaan markale hambalyo udireynaa dhamaan guuleestayasha UNISO si gaar ah Dr. Anas Abdi Fiqi oo kaalinta 1aad kagalay imtixaanka ay ufadhiisteen 457 dhaqtar ee (Medical Residency Entrance Exam โ MREE) 2026, ee lagu qabtay Isbitaalka weyn ee Erdoฤan (Ex-Digfeer).
Dr. Anas oo ka mid ah qalin-jebiyeyaasha Kulliyadda Daaweynta iyo Qalliinka Guud Batch 12 Ms19 (Faculty of Medicine & Surgery) ee Jaamacadda Soomaaliya โ UNISO, kaas oo mar kale muujiyey karti, dadaal iyo heer aqooneed sare.
Guushan qiimaha leh waxay astaan u tahay tayada waxbarasho ee UNISO iyo doorka ay ku leedahay soo saaridda xirfadlayaal caafimaad oo u adeega bulshada iyo qaranka.
Dr.Anas waxaan urajaynayaan guulo waaweyn, mustaqbal ifaya, iyo horumar xirfadeed oo joogto ah insha Allah Mahadsenidiin.