20/09/2018
Waa maxay ?
loo isticmaalaa?
Asbestos waa walax kuleyl-difaace ah oo ka sameysan macdan dabiiciya taasoo loo isticmaalo in shayga iyada lagu dahaaray ay ka difaacdo kulka aadka u sarreeya, jajabitaanka, korontada iyo inuu shaygaas mirir yeesho.
Asbestos waxaaa kaloo lagu qasaa marka la sameynayo: dharka, waraaqaha, shamiintada, walxaha balaastiga ah iyo waxyaabo kale oo badan si ay uga dhigto kuwo adag.
Inkastoo liilanka (dunta) ku dhex jira maadadaan asbestos ay yihiin kuwo yaryar oo ilmaqabato ah (microscopic) hadana waa kuwo xoogan oo waqti dheer raaga misana awood u leh inay iska difaacaan dabka iyo falgallada kiimikeed oo ku sababi kara shayga ay ku jirto inuu miriro ama jajabo.
Boqolaal sano ka hor ayaa siyaabo kala duwan loo adeegsan jiray maadadan balse isticmaalkeeda wuxuu si xowli ah suuqyada caalamka u qabsaday xiligasoo ay malaayiin dollar ka sameeyeen ganacsatadii ka shaqeyn jirtay soo saaristeeda .. waxaa milankeeda lagu dahaari jiray qalabka waaweyn ee dhismaha, tubbooyinka kulka qaada ee warshadaha, dhisidda guryaha, biraha iyo qeybo ka mid ah dhalooyinka ..
hayeeshee 20kii sano ee u dambeysay hoos ayuu u dhacay isticmaalka walxaha ay ku jirto maadadaas kadib markii la ogaaday in si tartiib tartiib ah ay u sababto cuduro khatar ah oo uu ka mid yahay kansar-ka nuuca loo yaqaano ( ) oo ku dhaca sambabada .. sida uu sambabada ugu dhaco kansarkaas iyo cudurada kale ay sababto waxaan ka bogan doonnaa - hadduu Alle ina waafajiyo - marka aan gaarno Su'aashii ahayd: Dhibaato caafimaad ma leedahay asbestos?
dhalada darmuuska loo soo galiyay maadadaan asbestos?
Ma inagaa naloogu dan leeyahay inaan cuduro u baaba'no?
Koley qof aan hal ama labo darmuus jabin idinkuma jiree .. waad aragteen dhalada darmuuska waa labo xabo oo isku dhex jirta .. mid hoose oo ah tan shaaxa weelka u ah oo heysa iyo mid iyada ka sareysa oo ay ku dhex jirto difaacna u ah .. maadadan jilicsan ee sidii suufkii camal ah waxay ku jirtaa labadaas dhalo dhexdooda iyadoo u sameysan qaab wareegsan una eg kaniiniga baaristamoolka .. basle saan qoraalkii h**e ku sheegnay ma ahan kaniini iyo wax la cuno toona .. ujeedka loo soo dhex galiyayna waa :
1) In ay kuleelka ku hayso dhalada kana difaacdo falcelinta kulka (heat insulator)
2) In labada dhalo aysan istaaban si uusan qarax uga dhalan keleylka owgiis.
3) In ay dhuuqdo uumiga (evaporation) ama biyaha ka dhasha kuleylka si aysan biyo u fariisan labada dhalo dhexdooda .. waad aragteen marka darmuuska qeybta caaga ah intuu dabco cinjirka ay galaan biyo, waxaa ka dhasha biyahaas qurun, kaasoo mararka qaar badala dhadhanka shaaxa .. hadii biyahaas aan darmuuska laga nadiifin ugu dambeyn waxaa ka abuurma bakteeriyo sababi karta cuduro khatar ah.
Wax tarka ay darmuuska u leedahay horta wakaas .. balse si kastaba haku dhacdee hadii ay dhacdo in (asbestos) oo ah bahashaas kala heysa labada dhalo uu shucaaceeda ama qoyaan iyada ka yimid uu gaaro shaaxa la cabayo shaki kuma jiro in laga qaadayo kansar iyo cuduro kale waayo oo waaweyn .. siyaabo badan ayay ku suuroobi kadhaa inay la falgasho shaaxa ama biyaha darmuuskaas ku jiray; matalan in dhalada ay qafiifto oo sidaas uu shucaadeeda ama qoyaankeeda shaaxa ugu soo gudbo ama darmuus intuu jabo shaaxii ku jiray laga shubto oo aan la daadin.
Intan ayaan ku kaaftoomayaa saakay si uusan qoraalka u dheeraan .. Soomaali maryooley aqriska badan ma jeclee bal la socda qeybta ka harsan su'aalihii .. hadii Ilaahey i karsiiyo waan kasoo jawaabi