Somali youth futures association development

Somali youth futures association development

Share

SOYFAD SCHOOL waa goob wax barasho lehna heerer kala duwan waxayna u tagan tahay koncin aqoonta dhalinyarada .

13/03/2026
21/08/2025

Good

09/04/2024

Hambalyo ciid FIDRIYA wanaagsan dhamaan umada muslimiinta inta samaha jecel waxaa inoo soo gaba gaboowbay bishii barakesneed ee ramadan allaha haniga aqballo acmasha , soonkaani sokiisuna allaha nagu garsiiyo cafimaad taam ah ,cimri dheer, cibaado toosan , wadankoo nabad iyo barwaaqo ah

15/03/2024

arsenal have never played champions league for the last 14 years but Madrid played every time nd now you're telling us you will beat Madrid

12/01/2024

Waxaan guul aheen galabta kuma qanacno
KGS 3 VS 0 GALMUDUG.

08/01/2024

Galmudug bye-bye

16/11/2023

Welcome back

15/05/2022

Geesiyaddii SYL:
Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay maanta oo kale 15-kii may 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe. maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta. W.Q ustad yusuf cirro

03/11/2020

#1.4. Qeexida Dhalinyaro
Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada waxaa ay diiradda
saareysaa in da’da u dhexeyso 15 ilaa 40 sano jir loo
aqoonsaday in ay yihiin dhalinyaro taas oo ka soo
baxday talooyinkii iyo xog ururintii la sameeyey.
Da’dani waa marxalad muhiim u ah mansabka
heerarka nolosha – qofku waxaa u ugdbay qaangaar,
shaqaynaya oo madax banaan. Waa qayb muhiim ah
oo bulshada ka mid ah oo u baahan feejignaan iyo wax-
u-qabasho gaar ah si loo xaqiijiyo in marxaladahaasi
kala guurka ay u noqodaan kuwo taabagal u ah qof
kaste oo dhalinyaro ah oo Soomaaliya ku nool.
Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa ay la kulmaan
xaalado adag oo kala duwan iyo fursado ku xiran
xaaladdahooda dhaqan-dhaqaale, kartidooda iyo
deegaankooda. Iyadoo siyaasadani ay awooda saari
doonto diyaarinta barnaamij hawleed iyo talaabooyin
lama huraan ah in la qaado, si loo horumariyo
dhalinyarada da’doodu u dhaxayso 15 - 40 sano jirka.
Siyaasaddani waxaa ay garowsan tahay in dhalinta
qaar ay u baahan yihiin in il gooni ah loo yeesho
sida dhalinta naafada ah; dhalinyarada la nool HIV/
AIDS-ka, agoomaha iyo dhalinta nugul; dhalinta la
hab-sooco; dhalinta barakacayaasha ah; dhalinta reer
miyiga ah iyo dhalinta shaqo la’aanta ah.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Mogadishu