NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA

NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA

Share

Naadiga Ardaydii Ka qalin jebisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey (NAKADSA), waa Naadi ay ku bohoobeen;

21/06/2025

Dhammaan maamulka sare, goleyaasha fulinta, shuurada iyo xubnaha goleweynaha guud ee Naadiga Ardaydii Ka qalinjebisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey, oo loo soo gaabiyo (NAKADSA), waxay tacsiyo tiiraanyo leh la qeybsanayaan Ustaad Xasan Sheikh Axmed (Badawi), Agaasimaha Hay’adda Somalia, oo ay xaaskiisii Marxuumad Sahro Yuusuf ka xijaabatay.

Alle ha u naxariisto, su'aalaha iyo siraadkana Alle ha u fududeeyo. Ehelka uu Ustaad Xasan ugu horreeyana Alle haka siiyo samir iyo iimaan buuxa.

Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun.

06/02/2024

(لله ما أخذ، وله ما أعطى، وكل شيء عنده بأجل مسمى، فاصبر واحتسب).

Guddoonka, Goleyaasha kala duwan ee Naadiga NAKADSA iyo guud ahaan bahweynta NAKADSA Family, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan, Maamulihii h**e ee Dugsiga Sare ee Axmed Gurey, Ustaad Maxamed Abshir Mooge, oo Aabihiis Abshir, uu xalay ku geeriyooday Magaalada Baydhaba ee maamulka koofur galbeed.

Alle waxa aan uga baryeynaa Aabbe Abshir, inuu jannadiisa ku casuumo, qabriga u waasiciyo, su'aalaha iyo siraadkana u fududeeyo. Macallin mooge, awlaaddiisa kale iyo ehelka guud ahaanna, samir iyo iimaan buuxa ayaan Alle u weydiineynaa. Dhammaan qaraabadiisa iyo saaxiibadiisiiba, qalbiga Alle ha u qaboojiyo.

"إنا لله وإنا إليه راجعون"

28/10/2023

Warbixin: aqbalaad Codsi.

Hoggaanka Naadiga NAKADSA, wuxuu horay uga ashtakooday (si public ah) xubno ka mid ah Naadiga, oo ku kacay falal liddu ku ah curfiga iyo xeerarka naadiga u degsan labadaba.

Intaa kaddib, waxaa arrintii soo dhexgalay oo ku soo baxay, odayaal Naadiga dhexdiisa sumcad iyo heybad ba ku leh, oo aan Codsigooda la dhaafi karin. Sidaa awgeed, warqaddii 'Wargelinta' aheyd ee dhowaan halkaan aan ku baahiyay waan hakinnay, waana ka saarnay bogga Naadiga: CODSI ka yimid Gudoomiyii h**e ee Naadiga ahna Gudoomiyaha Golaha Sare ee Naadiga Md. Ciise Maxamuud Guure, oo runtii kamid ah tiirdhexaadyada odaynimo oo Naadigu wada ixtiraamo.

Waxaa loo ballamay wada hadal la xiriira wixii kheyru-nidaamiga ahaa ee aan ka cabannay kalh**e, in si dhab ah oo dhaqsi leh looga wada hadlo, loona dhameeyo. Marna dhankeenna wax culeys ah k**a jiraan, aan ka aheyn in wax la saxo oo sharciyadda iyo kala dambeynta loo hoggaansamo. Wixii natiijo ah ee ka soo baxana, halkaan ayaan kula soo wadaagi doonnaa bahweynta Naadiga NAKADSA.

Wa Billaahi Towfiiq.

24/10/2023

Iyada oo uu dhawrmar dib u dhac ku yimid, hannaanka doorashada iyo kala wareejinta hoggaanka Naadiga, ayaa Gudoomiyaha Guud ahna Gudoomiyaha Golaha fulinta Naadiga NAKADSA, kadib markii uu arkay muhiimada ay leedahay in la gabto doorashada Naadiga taas oo marar badan dib udhacyo farsamo ku yimaadeen, sidoo kalena wadatashi la sameeyay xubnaha Golaha Fulinta waxa uu soo magacaabay guddiga doorashada ee magacyadoodu hoos ku xusan yihiin...

F. G: Guddigaani wuxuu mari doonaa dhammaan habraacyada dastuuriga ah ee doorashooyinka Naadiga NAKADSA u degsan, haddii Eebbe qadaro.

Mahadsanidiin.

01/09/2023

DUGSIGA SARE EE AXMED GUREY OO 25 SANO JIRSADAY.

Dugsiga sare ee Imaamu Axmed Gurey, waxaa la asaasay 1997-kii, muddo haatan laga joogo 25 sano, taasoo ka dhigan in Dugsigu shaqeeynayay muddo Rubac Qarni ah oo xariir ah (25 sano), isaga oo soo saaray 25 horin/horimood, oo marnaba aysan kala go'in tababarka iyo taciinta Jiilasha, xitaa xilliyadii uu dalku qalalaasaha galay.

Mudadaas Rubac Qarniga ah (25ka sano) Dugsiga Imaamu Axmed Gurey waxaa ka aflaxay kumanaan aqoonyahanna ah, kuwaasoo isugu jira: Parofasoorro, Garyaqaanno, Ganacsato, Dhaqaatiir, Injineerro, Saxafiyiin, Hogaamiyayaal Bulsho iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray, iyadoo haatanna ay mas'uuliyiin ka soo aflaxay Dugsiga Sare ee Imaamu Axmed Gurey ay sidoo kale xubno ka yihiin labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Doowlad Gobaleedyada iyo Waliba Maamulka Gobalka Banaadir.

Hadaba Ujeedada loo aas-aasay Dugsiga Sare ee Imaamu Axmed Gurey waxa ay aheyd soo saaridda Jiilal Tababaran oo ay tacliintoodu dhisantahay.

HALKU-DHIGGA DABAALDAGGA RUBCU QARNIGANI JIRSIGA DUGSIGU WAA:

"25-Sano oo Tababar iyo Taliin ah."




14/05/2023

Maamulka sare, goleyaasha kala duwan ee NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA iyo dhammaan ka bahda reer axmed gurey, waxa ay hambalyo diirran hawada u marinayaan xubin ka mid ah naadiga NAKADSA: Yaasiin Nuur Ciise, oo loo magacaabay agaasimaha cusub ee waaxda farsamada dhulalka dowladda hoose ee xamar iyo maamulka gobolka banaadir.

Yaasiin nur, ayaa horay uga soo shaqeeyay hay'adaha dowladda, isaga oo soo noqday gudoomiyaha degmada warta-nabadda gobolka banaadir. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay odayaasha mus-dambeedka u ah naadiga NAKADSA ee faca weyn.

Agaasime Yaasiin ayaa ka tirsan dufcaddii 6aad ee iskuulka axmed gurey ka qalinjebisay.

Waxaan ugu duceyneynaa inuu Alle u fududeeyo masuuliyadda cusub ee loo igmaday.

Hambalyo markale.

Photos from NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA's post 17/02/2023

Hanbalyo Bahda Dugsiga Ahmed Gurey.

Maamulka Naadiga Ardaydii Ka qalin jebisay Dugsiga ee Ahmed Gurey ( NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA ), iyo golayaashiisuba waxay hanbalyo iyo Bogaadin la wadaagayaan dhamaan bahda Naadiga NAKADSA iyo taageeriyaasha xulka Dugsiga Axmed Gurey, kaddib guushii taariikhiga aheyd ee uu ka soo hooyay tartanka K
Kubbadda Cagta ee dugsiyada GOBOLKA BANAADIR ee sanadkaan oo kuu kaalinta koowaad ka galay, kuna guuleystay koobaka tartanka dugsiyada gobolka banaadir.

Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayanaa Maamulka GOBOLKA BANAADIR oo juhdi badan geliyay is dhex galka dugsiyada gobolka Banaadir iyo taabbo-gelinta tartantaan xiisaha iyo xamaasadda lahaa.

Hambalyo xulka dugsiga sare ee Axmed Gurey.

16/02/2023

Iskuuleynoow guuleyso Ahmed Gurey High school 👏🏾👏🏾

Ahmed Gurey High school V.S Mogadishu
Maalinta: jimcah
Tariikhda : 17/2/2023
Garoonka: Eng Yarisow Stadium
saacada: @3:30Pm
Guul wacan insha Allah
Finalka Tartanka Kubadda Cagta Dugsiyada Gobolka Benaadir
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. AWGB

Photos from NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA's post 06/02/2023

HAMBALYO XIL MAGACAABIS.

Hoggaanka Sare & Goleyaasha kala duwan ee Naadiga Ardaydii Ka qalin jebisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey oo loo soo gaabiyo (NAKADSA), waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan, xubin ka tirsan Naadiga NAKADSA; Mudane Mahdi Sheikh Cabdullahi Cumar , oo loo magacaabay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Howlaha guud iyo Guryeeynta JFS.

Agaasime Mahdi , ayaa waxa uu xubin ka yahay bahda ka qalinjebiyeyaasha Axmed Gurey, Wuxuuna kusoo biirayaa tiro masuuliyiin bahweynta reer NAKADSA ku abtirsada, kuwaa oo xilal kala duwan horay uga hayay: dowladda dhexe, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.

Agaasime Mahdi, ayaa horay uga soo noqday Gudoomiyaha guud ahaana Gudoomiyaha Golaha Fulinta NAADIGA NAKADSA 2009/2011, waxaana bahweynta reer NAKADSA ku xasuustan isbadalkii iyo dib u habeyntii uu naadiga ku sameyay.

Waxaanu u rajeynaynaa guul iyo in Alle la garabgalo, uuna ka soo dhalaalo masuuliyadda uu dalkiisa u qaaday,Maanta ayuuna si rami ah ula wareegay xilka loo magcabay.

Hambalyo Mudane Agaasime.

28/01/2023

إنا لله وانا اليه راجعون

Bahweynta Naadiga NAKADSA uu ugu h**eeyo Hogaanka naadiga iyo Dhamaan Golayaasha Naadiga waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u diraayan Allaha u naxariisto Ustaad Abubakar Sheikh Mohamed Samatar ”Ustaad Samatari” oo caawa fiidkii tii Alle u timid, ustaadku waxa uu ahaa Macalin kamida macalimiinta Dugsiga Sare ee Ahmed Gurey High school, macalin soo saaray jiil aad u tira badan oo maanta wadanka hogaan u ah.
Ustaad Samatari wuxuu ahaa Barbaariye, Waalid, wuxuu waqtigiisa ku qaatay barbaarinta ubadka soomaaliyeed.

Waxaan xanuunka la qeybsaneyna Dhamaan ehelka , caruurtiisa iyo macalimiinta guud ahaan Samir iyo imaan Allaha naga siiyo janatul firdowsana Allaha ka yeelo hoygiisa.

Aamiin.

البقاء لله 😥

22/11/2022

HAMBALYO XIL MAGACAABIS.

Hoggaanka Sare & Goleyaasha kala duwan ee Naadiga Ardaydii Ka qalin jebisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey oo loo soo gaabiyo (NAKADSA), waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan, xubin ka tirsan Naadiga NAKADSA: Mustafa Yaasiin, oo loo magacaabay maareeyaha guud ee Hay'adda Isgaarsiinta Qaranka soomaaliyeed.

Maareeye Mustafa, ayaa waxa uu xubin ka yahay bahda ka qalinjebiyeyaasha Axmed Gurey, isaga oo ka mid ahaa dufcadda 5-aad (Batch-5). Wuxuuna gadaal kaga biirayaa tiro masuuliyiin bahweynta reer NAKADSA ku abtirsada, kuwaa oo xilal kala duwan horay uga hayay: dowladda dhexe, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.

Maareeye Mustafa, ayaa horay uga soo shaqeeyay hay'adaha dowladda, isaga oo horay u soo noqday maareeye kuxigeenka isla hay'adda hadda uu madaxda ka noqday ee Isgaarsiinta Qaranka.

Waxaanu u rajeynaynaa guul iyo in Alle la garabgalo, uuna ka soo dhalaalo masuuliyadda uu dalkiisa u qaaday.

Congratulations.

20/11/2022

HAMBALYO XIL MAGACAABIS.

Hoggaanka Sare & Goleyaasha kala duwan ee Naadiga Ardaydii Ka qalin jebisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey oo loo soo gaabiyo (NAKADSA), waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan, xubno ka tirsan Naadiga NAKADSA: Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Ciise Maxamuud Guure, oo ka mid noqday Maamulka sare ee Gobolka Banaadir, loona kala magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Nabadgalyada iyo Siyaasadda iyo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda, Maamulka Gobolka Banaadir.

Gudoomiye Yabooh iyo Gudoomiye Guure, labaduba waxay ka mid yihiin, xubno firfircoonna ka yihiin Naadiga NAKADSA, tan iyo aas-aaskiisii.

Gudoomiyeyaasha ayaa horay ugu soo shaqeeyay bulshada soomaaliyeed, iyaga oo horay uga soo shaqeeyay Maamulka Gobolka Banaadir. Gudoomiye Yabooh, ayaa horay u soo noqday Gudoomiye kuxigeenka Nabadgalyada iyo Siyaasadda gobolka, oo uu markii labaad (2aad) ku soo laabtay. Halka Gudoomiye Ciise Guure, uu horay u soo maamulay degmooyinka Howlwadaag & Deyniile.

Gudoomiye Ciise iyo GudoomiyeYabooh, ayaa bahda ka qalinjebiyeyaasha Axmed Gurey, ka ahaa dufcadda 2-aad (Batch-2). Waxayna gadaal uga biirayaan tiro masuuliyiin bahweynta reer NAKADSA ku abtirsada, kuwaa oo xilal kala duwan horay uga hayay: dowladda dhexe, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.

Gudoomiye Guure, waxaa u dheer inuu soo noqday: Gudoomiyihii ugu horreeyay ee NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA iyo mid ka mid ah aas-aasayaashiisii. Halka uu haddaba ka mid ahaa odayaasha geed-fadhiga u ah Naadiga.

Waxaanu u rajeynaynaa guul iyo in Alle la garabgalo, kana soo dhalaalaan masuuliyadda ay dalkooda u qaadeen.

Congratulations Gudoomiyeyaal.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Maka Al-mukaramah, Isgoyska Shaqaalaha/Via Liberia, Degmada Waaberi
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00