20/11/2022
HAMBALYO XIL MAGACAABIS.
Hoggaanka Sare & Goleyaasha kala duwan ee Naadiga Ardaydii Ka qalin jebisay Dugsiga Sare ee Axmed Gurey oo loo soo gaabiyo (NAKADSA), waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan, xubno ka tirsan Naadiga NAKADSA: Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Ciise Maxamuud Guure, oo ka mid noqday Maamulka sare ee Gobolka Banaadir, loona kala magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Nabadgalyada iyo Siyaasadda iyo Gudoomiye kuxigeenka Maamulka & Maaliyadda, Maamulka Gobolka Banaadir.
Gudoomiye Yabooh iyo Gudoomiye Guure, labaduba waxay ka mid yihiin, xubno firfircoonna ka yihiin Naadiga NAKADSA, tan iyo aas-aaskiisii.
Gudoomiyeyaasha ayaa horay ugu soo shaqeeyay bulshada soomaaliyeed, iyaga oo horay uga soo shaqeeyay Maamulka Gobolka Banaadir. Gudoomiye Yabooh, ayaa horay u soo noqday Gudoomiye kuxigeenka Nabadgalyada iyo Siyaasadda gobolka, oo uu markii labaad (2aad) ku soo laabtay. Halka Gudoomiye Ciise Guure, uu horay u soo maamulay degmooyinka Howlwadaag & Deyniile.
Gudoomiye Ciise iyo GudoomiyeYabooh, ayaa bahda ka qalinjebiyeyaasha Axmed Gurey, ka ahaa dufcadda 2-aad (Batch-2). Waxayna gadaal uga biirayaan tiro masuuliyiin bahweynta reer NAKADSA ku abtirsada, kuwaa oo xilal kala duwan horay uga hayay: dowladda dhexe, Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada dalka.
Gudoomiye Guure, waxaa u dheer inuu soo noqday: Gudoomiyihii ugu horreeyay ee NAADIGA NAKADSA SOOMAALIYA iyo mid ka mid ah aas-aasayaashiisii. Halka uu haddaba ka mid ahaa odayaasha geed-fadhiga u ah Naadiga.
Waxaanu u rajeynaynaa guul iyo in Alle la garabgalo, kana soo dhalaalaan masuuliyadda ay dalkooda u qaadeen.
Congratulations Gudoomiyeyaal.