23/09/2026
๐๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐๐ข๐ซ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก๐๐ฎ๐ซ๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐
๐ข๐ข๐๐ค๐ข๐ข
Jaamacadda Benadir oo maanta si rasmi ah u daahfurtay Barnaamijyada Waxbarashada Fiidkii (Evening Programs), munaasabad ka dhacday Xarunta Prof. Cadoow ee Jaamacadda Benadir.
Munaasabadda daahfurka waxaa kalmado ka jeediyay Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda, Hormuudyada Kuliyadaha iyo Agaasimaha Xarunta Luuqadaha, kuwaa oo ka hadlay muhiimadda ay barnaamijyadani u leeyihiin kordhinta fursadaha waxbarasho ee bulshada.
Barnaamijyada Fiidkii la baran doono waxaa ay kala yihiin:
๐น Xarunta Luuqadaha
โข English for Academic Purpose (EAP)
โข English for Communication Purpose (ECP)
๐น Kuliyadda Waxbarashada
โข English Literature
๐น Kuliyadda Shareecada iyo Sharciga
โข Bachelor of Shariโa & Law
โข Bachelor of Law in English (LLB)
โข Bachelor of Principles of Islamic Jurisprudence
โข Bachelor of Islamic Studies
๐น Kuliyadda Maamulka & Dhaqaalaha
โข Bachelor of Business Administration
โข Bachelor of Economics
โข Bachelor of Banking and Finance
โข Bachelor of Accounting
โข Bachelor of Procurement and Logistics
โข Bachelor of Statistics and Planning
โข Bachelor of Human Resource Management
๐น Kuliyadda Culuumta Bulshada
โข Bachelor of Political Science and International Relations
โข Bachelor of Public Administration
โข Bachelor of Social Work
Barnaamijyadan waxaa lagu qaadan doonaa isla Xarunta Prof. Cadoow, oo ku taalla dhabarka dambe ee dhismaha Saybiyaano, deegaanka Soonikeey, taas oo fursad waxbarasho u abuureysa dadka jaanis u heleen inay maalintii wax ku bartaan iyo bulshada doonaysa inay waxbartaan fiidkii.
Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa soo xiray Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir, Prof. Mohamed Mohamud Hassan (Bidya), isagoo bogaadiyay dadaallada lagu ballaarinayo fursadaha waxbarasho iyo adeegyada ay Jaamacaddu u fidiso bulshada.
Jaamacadda Benadir โ Kobcinta Hibada Aadanaha.