06/02/2026
Waxa si guul leh inoogu soo idlaaday tababarkeenii ku saabsanaa ๐๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ - ๐๐ข๐ฌ๐๐ฌ๐ญ๐๐ซ ๐๐๐ง๐๐ ๐๐ฆ๐๐ง๐ญ, isla markaana ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Ururkani SOSTA iyo Akadhamiyadda Qarni.
Tababarka waxa jeedinayay, ๐๐ซ. ๐๐๐ฌ๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ง๐จ๐ฐ PhD, waxana aan uga mahadcelineynaa soojeedintiisa qiimaha badan ee mowduuca.
Tababarka waxa ka qeyb galay arday heerarka kala duwan ee waxbarashadda ah iyo daneyayal mowduuca tababarka ah.
Tababarka waa martigeliyay machadka tabaradda injineeriyadda iyo Tiknoolajiyadda ee SkillLab, waxana uu tababarku inoogu soo idlaaday jawi qurux badan.
SOSTA, waxa ay diiradda saareysa hormarinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda si ay uga guul gaaraan safaradooda tacliinta iyo ka qeybqaadashooda hormarimta iyo hagaajinta arimaha bulshadda.
SOSTA - Saaxiibka ardayda.
01/02/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐๐
Waxa aan si sharaf leh idinku casuunnaynaa ka-qaybgalka Barnaamij tababar hal maalin ah oo ku saabsan Maareynta Musiibooyinka(Disaster Management), kaasi oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Ururka Tababarada Ardayda Soomaaliyeed ee SOSTA iyo Akadeemiyadda Qarni.
Tababarkani waxa uu diiradda saari doonaa kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha ka-qaybgalayaasha ee la xiriira fahamka, u-diyaargarowga, ka-hortagga, iyo ka-jawaabista musiibooyinka kala duwan, si loo yareeyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhasha musiibooyinka.
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐:
โ
๏ธFahamka noocyada kala duwan ee musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadane sameega ah
โ
๏ธBarashadda hababka u-diyaargarowga iyo yareynta halista musiibooyinka
โ
๏ธHelitaanka aqoon ku saabsan hababka degdegga ah ee wax looga qabto musiibooyinka marka ay dhacaan
โ
๏ธFahamka doorka bulshada, hayโadaha dowladda, iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku aaddan maareynta musiibooyinka iwm.
๐
๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐:
๐๐ฎ๐๐๐๐๐: Hal maalin
๐๐๐๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก: 5ta Febraayo, 2026
๐๐๐ช๐ญ๐ข๐ ๐: 2:00pm - 4:00pm
๐๐จ๐จ๐๐ญ๐: SkillLab Institute of Engineering & Technology, Isgoyska Hawlwadaag, Mogadishu.
๐๐-๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐: Arday, dhalinyaro, iyo xubno ka socda bulshada.
Ka-qaybgalka tababarkani waa fursad muhiim ah oo gacan ka geysanaysa dhisidda bulsho u diyaarsan ka hortagga iyo ka jawaabista musiibooyinka.
๐
๐: Ka qeyb-galka tababarku waa BILAASH, waxa uuna leeyahay shahaado.
Si aad uga qeyb gasho tababarka kusoo biir Groupka ka qeyb galayaasha tababarka adiga oo gujinaya lifaaqaan(link) hoose: ๐
https://chat.whatsapp.com/K51kcdx7oDb1ArA5p0jxPt
Sidoo kale buuxi FOOMKAAN HOOSE si aad u xajisato booskaada ka qeyb galka tababarka. ๐๐
https://forms.gle/nEo8z8HWkGEyNq4H9
Ka qeybgal wacan inshaa allah.
15/09/2025
Ururka Tababaradda Ardayda Soomaaliyeed ee SOSTA, oo ah hay'ad waxbarsho oo u jeedkeedu yahay hormarinta iyo sare uqaadista aqoonta ardayda Soomaaliyeed ee gudaha dalka, dalalka deriska iyo dunidaba, waxa uu aad uga xunyahay natiijada imtixaanka Ardayda Dowladd Deegaanka Somali State ee uu shaaciyay Xafiiska Waxbarashada DDS.
Ururka SOSTA, waxa uu aqoonyahanka, bahda waxbarashadda iyo dowladdaba usoo jeedinayaa in arintani fadhiyo ka yeeshaan, la garto halka fashilka uu ka jiro iyo cida dayacday masuuliyadeeda si loo badbaadiyo mustaqbalka jiilka Soomaaliyeed ee deegaanka niyad ahaan iyo waxbarasho ahaan.
08/09/2025
Haddi aad qorsheysay in aad ku biirto Kuliyadda Daweynta iyo Culuumta Caafimaad (Faculty of Medicine & Health Sciences), waxa aan kuu heynaa fursado waxbarasho heerka koowaad ah. Wixi faahfaahin ah nagala soo xirir 0618558456 ama WhatsAppka hoose๐
08/09/2025
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐:
Halkani, SOSTA waxa ay kugula wadaageysaa Kuliyadaha kala duwan ee heerka jaamacadeed iyo taqasusyadda hoos yimaadda si aad u dooratid taqasuska iyo kuliyadda kugu habboon, isla markaana aad usii ambaqaadid safarkaadda waxbarashadda tacliinta sarre. La wadaag fariintaan saaxiibkaadda, si uu udoorto kuliyadda ku habboon.
FG: Kuliyaddaha iyo Taqasusyadda halkaan ku xusan waa kuwa ugu badan ee ay badi Jaamacaddaha dalku bixiyaan. Waxa jira kuliyaddo iyo taqasusyo intaan ka badan oo weli dalkeena aysan ka hirgelin culeysyadda iyo marxaladdaha dagaal ee dalkeenu soo maray darteed.
๐๐๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐ฝ๐๐๐๐ผ๐๐ผ & ๐๐ผ๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐๐๐๐๐ผ๐๐ผ (๐๐ผ๐พ๐๐๐๐ ๐๐ ๐ผ๐๐๐๐พ๐๐๐๐๐๐ & ๐๐ผ๐๐๐๐๐๐ผ๐๐ ๐๐พ๐๐๐๐พ๐), ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐๐๐ ๐๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ๐ผ๐ (๐ฟ๐๐๐ผ๐๐๐๐๐๐๐):
1. Department of Agriculture(Beeraha)
2. Department of Veterinary(Xanaanadda Xoolaha)
3. Department of Plant protection(Ilaalinta dhirta)
4. Department of Horticulture(Culumta naqshadeynta iyo korinta dhirta)
5. Department of Agronomy
๐๐๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐พ๐๐๐๐๐๐๐ผ ๐ฟ๐๐๐๐๐ผ, ๐๐ผ๐พ๐ฟ๐ผ๐๐๐ผ & ๐ฟ๐๐๐๐ผ๐ผ๐๐๐ผ (๐๐ผ๐พ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐พ๐๐๐๐พ๐ & ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐) ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐๐๐ ๐๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ๐ (๐ฟ๐๐๐ผ๐๐๐๐๐๐๐):
1. Department of Geology(Dhulka & Macdanta)
2. Department of Enivornment & Climate Change(Deegaanka & Isbadalka Cimiladda)
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐
๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐), ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐):
1. Department of Sharia & Law
๐๐๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐๐ผ๐๐ฝ๐ผ๐๐ผ๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ (๐๐ผ๐พ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฟ๐๐พ๐ผ๐๐๐๐), ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐๐๐ ๐๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ (๐ฟ๐๐๐ผ๐๐๐๐๐๐๐):
1. Bachelor of Educational Administration(Maamulka waxbarashadda)
2. Bachelor of Math & Physics(Xisaab & Fiisigis)
3. Bachelor of Bio & Chemistry
๐๐จ๐๐๐ฌ๐๐๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐จ๐ ๐ง๐ ๐๐๐๐๐๐ & ๐๐๐๐จ๐จ๐ ๐๐ฌ๐ฆ๐๐๐ (๐๐๐๐จ๐๐ง๐ฌ ๐ข๐ ๐ ๐๐ฅ๐๐ง๐๐ ๐ ๐ฆ๐ง๐จ๐๐๐๐ฆ & ๐ ๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐ฆ๐๐๐ก๐๐๐), ๐ช๐๐ซ๐ ๐๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ ๐๐๐ก๐๐ฌ๐ ๐ช๐๐๐ซ๐ฌ๐๐๐๐๐ก (๐๐๐ฃ๐๐ฅ๐ง๐ ๐๐ก๐ง๐ฆ):
1. Department of Maritime management(Maareynta howlaha marinadda badda/marakibta)
2. Department of Fishery(Kalluumeysiga)
3. Department of Nautical Science and Maritime Transportation
๐๐๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐ฟ๐๐ผ๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐๐ผ & ๐๐ผ๐ผ๐๐๐๐๐ผ (๐๐ผ๐พ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐พ๐๐๐๐๐๐พ๐ & ๐๐ผ๐๐ผ๐๐๐๐๐๐), ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐๐๐ ๐๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ๐ (๐ฟ๐๐๐ผ๐๐๐๐๐๐๐):
1. Department of Accounting (Xisaabiyanimadda)
2. Department of Economics(Dhaqaalaha)
3. Department of Business Administration(Maamulka Ganacsiyada)
4. Department of Business Information Technology(Ganacsiga tiknolojiyadda)
5. Department of Public Administration(Maamulka Guud/Hayadaha Dowladda)
6. Department of Banking & Finance(Bangiyadda & Maaliyadda)
7. Department of International Relations & Diplomacy(Xiriirada Caalamiga & Diblomaasiyada)
8. Department of Project Managements(Maareynta Mashaariicda)
9. Department of Procurement & Logistics(Lojistikadda)
10. Department of Social Work(Addeegga Bulshada)
๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐I๐UT๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐
๐๐๐๐๐๐ ๐๐
๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ & ๐๐) ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐) ๐๐๐ ๐๐๐๐๐:
1. Department of Civil Engineering (Dhismaha ayaa lagu bartaa)
2. Department of Electrical & Electronics Engineering(Korantada & Qalabka kushaqeya)
3. Department of Mechanical Engineering(Makaanikadda iyo Mashiinada)
4. Department of Telecommunication Engineering(Isgaarsiinta)
5. Department of Computer Sciences (Culuumta Kombiyuutarka & Sooftuweerada)
6. Department of Information Technology(Tiknoolojiyadda & Ablikayshinada)
๐๐๐๐๐๐ผ๐ฟ๐ฟ๐ผ ๐ฟ๐ผ๐๐๐๐๐๐ผ & ๐พ๐๐๐๐๐๐๐ผ ๐พ๐ผ๐ผ๐๐๐๐ผ๐ผ๐ฟ๐๐ผ(๐๐ผ๐พ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ฟ๐๐พ๐๐๐ & ๐๐๐ผ๐๐๐ ๐๐พ๐๐๐๐พ๐๐), ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐๐๐ ๐๐๐ผ๐ผ๐๐ผ๐๐ผ ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ผ๐๐ผ๐ผ๐ (๐ฟ๐๐๐ผ๐๐๐๐๐๐๐) ๐๐๐ ๐๐๐พ๐ฟ๐ผ:
1. Department of Medicine & Surgery(Dhaqtarnimadda)
2. Bachelor of Medical Laboratory (Shaybaarka)
3. Department of Public Health(Faya-dhowrka)
4. Department of Midwifery(Umulisanimadda)
5. Department of Nursing (Kaalkaaliye-nimada)
6. Department of Nutrition(Nafaqada)
7. Department of Pharmacy(Daawooyinka)
8. Department of Optometry(Taqasuska Indhaha)
9. Department of Dental sciences(Culuumta Ilkaha).
Dhamaan kuliyadahaas iyo taqasusyadda hoos imaanaya, waxa si rasmi ah u bixiya jaamacaddo kala duwan oo dalka ah. Sidoo kale waxa jira kara, taqasusyo dheeri ah oo aynaan halkaan ku xusin. Haddaba, xogta aan halkani idinkula wadaageyno waa mid aan in badan hubinay sidaa daraadeed ardayda iyo daneeyayaasha kale oo kuliyadaha iyo taqasusyadda kala duwan daneynaya waxa aan rajeyneynaa in xogtani ay caawin doonto.
Waxa aan idiin rajeyneynaa xulasho wacan iyo safar waxbarasho oo guuleysta inshaa allah. Guuleysta i.a
Somali Students Training Association - SOSTA .
24/08/2025
Waxa ay hambalyo hawada u marineysaa dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee kasoo gudubtay dugsiga sare isla markaana helay natiijooyinka imtixaankii qaran ee ay galeen.
Waxa aan si gaar ah hambalyo u leenahay ardayda kaalmaha sare ka galay imtixaanka qaran. Dhamaan ardayda iyo waalidiinta waxa aan ugu hambalyeyneynaa guusha iyo dadaalka ay ardaydu bixiyeen, waxana ardayda u rajeyneynaa in eebbe u sahlo safarada waxbarasho ee xiga iyo umuurahooda.
SOSTA, waxa ay dhiirigelineysa ardayda waxa ayna fursad siineysaa sidii ay usii wadan lahaayeen safarkooda tacliinta sare, waxa aan lagarab istaageynaa talo, tusaaleyn iyo fursado waxbarasho oo gudaha ah.
Markale hambalyo dhamaan ardayda, waxa aan idin rajeyneynaa guulo waxbarasho iyo hormar waara. Guuleysta idam alle.
Hambalyo ๐๐.
21/07/2025
Ogeysiis Ogeysiis
Dhamaan ardayda kaso qalin jabisay dugsiyadda sare, ardayda caafimadka iyo cidkasta oo daneyneysaa waxa aan ku wargelineynaa in aan qabaneyno tababar ku saabsan daryeel ufidinta bukaanadda caawimadda caafimaad oo degdeg ah ubaahan "BASIC LIFE SUPPORT". Tababarka Khamiis 24, July 2025 saacduna tahay 2:00 duhurnimo ka qabsomaya xarunta Jamacadda Salaam ee Taleeh, Degmada Hodan.
Tababarku shahado ayuu leyahay, si aad isku diwangelisana nagala so xirir 0618558456 ama Whatsappka hoose๐.
15/07/2025
Waxa aan bilaabeynaa dufcad cusub oo koorsadda XIRFADAHA XOGHEYNTA IYO MAAREYNTA SHAQOOYINKA XAFIISYADDA AH, taas oo aanu u diyaarinay si casri ah isla markaana ay ka faa'iideysan karaan ardayda, shaqalaha xafiisyadda shirkadaha, hayadaha, wasaaraddaha iyo cidkasta oo daneyneysa iney sare u qaado xirfadahoda xogheynta iyo maareynta shaqooyinka xafiisyadda.
Wixi faahfaahin dheeri ah, nagala so xirir
๐ https://wa.me/252618558456
03/07/2025
Sawiro: Munaasabadda furitaanka Hay'adda Caalamiyeynta waxbarashadda Soomaaliya - IEASO.
.
03/07/2025
Waxaa si rasmi ah u socda munaasabadda furintaanka Hay'adda Caalamiyeynta Waxbarashadda Soomaaliya ee IEASO.
Munaasabadda waxa furitaankeedda qeyb ka ah, aqoonyahanno iyo xeel dheerayaal waxbarasho oo ka kala socda dalalka Koonfur Afrika ๐ฟ๐ฆ, Kenya ๐ฐ๐ช iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ๐ธ๐ด oo matalaya Jaamacadda Umadda, Jaamacaddaha gaarka loo leeyahay iyo Ururadda waxbarashadda.
Gudoomiyaha Ururkani SOSTA, ๐๐ซ. ๐๐๐๐ข๐ก๐๐ค๐ข๐ฆ ๐๐๐๐ฎ๐ฅ๐ฅ๐๐ก๐ข ayaa kamid ah xubnaha qeybta ka ah munaasabadda furitaanka Hay'adda Caalamiyeynta Waxbarashadda Soomaaliya ee IEASO.
Ujeedadda hay'adani waxbarasho ayaa ah sidii waxbarashadda Soomaaliya loogu xiri lahaa mida caalamiga ah isla markaana ardayda iyo aqoonyahanadda Soomaaliyeed ay sare ugu qaadi lahaayeen hormarinta waxbarashadda, cilmibaarista iyo tababaradda aqooneed si loo helo hayaddo waxbarasho oo soo saara aqoonyahanno iyo arday la jaanqaadda waxbarashadda caalamiga.
.