13/05/2026
Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta | 12 May 2026
Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta ( Plant Health Day) oo ku beegan 12-ka May ayaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay, taas oo ay soo qaban qaabiysay Badbaadada Dhirta ee Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) oo kaashanaysa ’adda Sharciyaynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS). Munaasabaddan muhiimka ah waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socday Dowladda, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), FAO Soomaaliya, ganacsatada beeraha, aqoonyahanno, arday, xirfadlayaal, iskaashatooyin iyo beeraley Soomaaliyeed.
Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Maareeyaha Guud ee Hay’adda SARIS, halka uu soo xiray Maareeye Kuxigeenka Hay’adda, iyagoo labaduba carrabka ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta caafimaadka dhirta iyo xoojinta wada shaqeynta daneeyayaasha beeraha.Waxa sidookale ka hadalay Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga degaanka, JUS oo ku nuux nuuxsaday ahmiyadda maalintani leedahay iyo doorka JUS.
Maalintan caalamiga ah waxay muhiim u tahay kor u qaadidda wacyiga ku saabsan doorka ay leedahay ilaalinta caafimaadka dhirta, taas oo ah laf-dhabarta sugnaanta cuntada, ilaalinta deegaanka, koboca dhaqaalaha, iyo horumarinta ganacsiga beeraha gudaha iyo dibadda.
Munaasabaddan oo ahayd tii 4-aad ee noocan ah ayaa muujisay kororka wacyiga daneeyayaasha iyo horumarka laga gaaray arrimaha caafimaadka dhirta, iyadoo si gaar ah loo iftiimiyay doorka hoggaamineed ee Hay’adda SARIS iyo iskaashiga ay la leedahay Ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha ka dhasha cudurrada iyo cayayaanka dhirta, iyo saameyntooda wax soo saarka beeraha, iyadoo lagu baaqay in la xoojiyo hirgelinta shuruucda beeraha, cilmi-baarista, tababarrada, iyo iskaashiga qaran iyo caalami, si loo xaqiijiyo mustaqbal cagaaran iyo sugnaan cunto oo waarta.
04/05/2026
Ardayda Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka, gaar ahaan Bad-baadada (Plant protection department) oo ay hoggaaminayeen macallimiinta waaxda, ayaa booqasho baraatika ku tagay beero ku yaalla Degmada .
Safarkan cilmiyeed wuxuu ujeeddadiisu ahayd in ardayda si toos ah u soo arkaan aqoonta ay bartaan ee cilmiga beeraha, iyagoo ka faa’iidaystay hababka wax loogu beero beeraha aseendooyinka, qalabka loo adeegsado, iyo aqoonsiga iyo saameeya dalagyada kala duwan sida khudradda, geed midhoodyada iyo dalagya kale oo badan.
Booqashadani waxay xoojineysaa fahamka ardayda ee cilmiga Beeraha si guud si gaar ah -baadada Dhirta iyo doorka ay ku leedahay sare u qaadida wax soo saarka beeraha tira iyo taya ahaanba.
Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka – Waaxdeeda Bad-baadada Dhirta (JUS) – waxay si joogto ah ugu dadaashaa soo saarista khubaro aqoon iyo xirfad sare u leh Bad-baada dhirta , si loo helo wax-soo-saar tayo iyo tiro leh oo waara.
03/01/2026
🌿 Waxaa sharaf weyn u ah Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka Waaxdeeda Badbaadada Dhirta* ee JUS oo kaashaneysa Ururka Bad-baadada Dhirta Soomaaliyeed(SPPS) oo ah madal ay ku midaysan yihiin khubarada baratay Cilmiga Bad-baadada Dhirta guud ahaan wadanka inay martigeliso madal aqoon-is-weydaarsi sannadle ah, taasoo ka mid ah qorshaha waaxda isla markaana waafaqsan ujeedooyinka Kulliyadda iyo Jaamacadda.
Madashan waxaa loogu talagalay in lagu gorfeeyo xaaladaha kajira wadanka ee laxiriira abaaraha kuwaa oo kadhasha 2 waxyaabood muhiim ah oo kala ah *Cudurrada iyo Cayayaanda Beeraha ee aadka u faafa iyo *Biyo yarida ,* sidookale madashu waxay xanbaarsantahay dhiirrigalin loosameynayo ardeyda , laguna siinayo fursad ay khibrad uga helaan khubaro Soomaaliyeed oo kucasuuman madasha.
Taariikha: 4 January, 2025
Goobta: SNU - Gaheyr Campus
18/10/2025
Booqasho Shaqo oo Uu maanta Inoogu Yimid Gudoomiyaha Jaamacadda.
�Waxaan maanta boosqasho shaqo inooga yimid Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, oo booqasho rasmi ah ku yimid Kulliyadda Beeraha iyo cilmiga deegaanka.🌿
Intii uu booqashada ku guda jiray, Dr. Maxamed wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Hormuudka Kuliyadda Proff. Dr. Maxamed Rasheed Sh. Cabdisamad iyo Madax qeybeedyadda kala duwan (head of departments) si ay iskaga wareeystaan habsami u socodka shaqo ee kulliyadda iyo horumarinta waxbarashada, caqabadaha jira, iyo fursadaha kor loogu qaadi karo tayada waxbarashada iyo cilmi-baarista.
Sidoo kale, wuxuu booqday xarumaha kuliyadda, la kulmay ardayda iyo shaqaalaha, isagoo dhiirrigelin iyo taageero la wadaagay dhammaan bahda Kuliyadda.
Mahadsanid Dr. Maxamed hogaamintaada muuqata iyo dhiirrigelinta aad na siisay! 🙏
Ummadda Soomaaliyeed
& Cilmiga Deegaanka
07/09/2025
Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka
Waxay Ugu hambalyaynaysaa Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, oo loo magacaabay Guddoomiyaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed. Soo dhowow guddoomiye
Kulliyadda beeraha Maamulkeeda iyo Bareyaasheeduba waxay Alle kaaga baryayaan inuu kuu fududeeyo mas'uuliyadda culus, kuguna asturo dadaalka horumarinta waxbarashada sare ee dalka. Hambalyo mar kale!
23/07/2025
BARNAAMIJYADA HEERKA 2AAD (Graduate Programs)
WARGELIN:
Furitaanka isdiiwaangelinta Ardayda Cusub ee barnaamijyada takhasusaatka Jaamacadda, Sannad Tacliimeedka 2025-2026.
Waxaa la ogaysiinayaa Ardayda danaynaysa in ay ku soo biiraan barnaamijyada takhasusaatka JUS (SNU Postgraduate Programs) in qabashada Araajida ay bilaabanayso 26-Luulyo-2025, Hadii Alle idmo, diiwaangelinta waxay ka dhacaysaa Xarunta JUS ee Xamarweyne, Saacadaha Shaqadu waa 8:30 Subaxnimo ilaa 03:30 Galabnimo.
Shuruudaha laga rabo Ardayga waa :-
1. Shahaadadada Jaamacada oo ka tasdiiqsan Wasaaradda Waxbarashada, Asal iyo Koobi.
2. Warqadda Dhalashada, Aqoonsiga NIRA ama Passport.
3. Laba (2) Sawir nooca Teesaraha ah oo Daaha dambe uu cadaan yahay (Background).
4. Warqad codsi ah.
5. Gal bir leh (File).
Wixii faahfaahin dheeri ah waxaad ka heli kartaa : gsr.edu.so
ama la xariir mobile no: +252771268888
25/05/2025
Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka, gaar ahaan Bad-baadada dhirta, waxaa sharaf weyn u aheyd maanta in ay kaqeyb gasho Daahfurka 'adda Sharceyenta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed ee marka lasoogaabiyo looyaqaano (Somali Agriculture Regulatory and inspection Services).
Hay'addan oo kashaqeyndoonto tayada Sumaha , bacrimiyaasha iyo abuurada lasoodhoofiyo ama laga dhoofiyo wadanka, iyo dhowrka dhirta (Phytosanitary or plant Quarantine) si caafimaadka dhirta lasoo galinaya ama laga dhoofinaya wadanka loolasocdo.
Hay'adda waxaa si rasmi ah udaahfuray, wasaare kuxigeenka dalka iyo Beeraha iyo Waraabka JFS.
Ugu danbeyn, Hay'addan ayaa fursad weyn u ah barata si guud cilmiga beeraha- si gaar ah Bad-baadada dhirta.
Hay'adda Sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed- SARIS
13/05/2025
Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay laguna Xusayey Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhirta taas oo Hay,adda qaramada Midoobay u asteysay 12 maayo: oo ay soo qabanqaabiyeen Badbaadada Dhirta Soomaaliyeed (Somali Plant Protection Society) oo kaashanaya Badbaadada Dhirta ee Kulliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), kana helaya teegeero Bank ayaa shay magaalada Muqdisho ku qabtay ; Munaasabadan oo ah tii 3 xaad oo xiriir ah taas oo si gaar ah u muujisay taariikh cusub oo ku saabsan horumarka dalka, iyadoo ay qalin jebiyeen ugu horreysay ee dalka gudihiisa si rasmi ah uga barata Badbaadada Dhirta. Tani waxay caddeyn u tahay dadaalka ay Ummadda Soomaaliyeed ugu jirto sidii loo heli lahaa khubaro Soomaaliyeed oo u heellan ilaalinta caafimaadka dhirta iyo xoojinta wax-soosaarka Beeraha.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa noqotay jaamacaddii ugu horeysay kudhiirata hirgalinta Bad-baadada Dhirta si loo soo saaro -saraakiil caafimaadka dhirta wax kaqabta, taa oo tusineysa tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo awoodda dalka ee la tacaalka cudurrada iyo cayayaanada hoos u dhiga wax soo saarka beeraha.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay:
• Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
• ka socday Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
• Cilmiga caafimaadka oo kasocday Hay,adda Cuntada Aduunka ( FAO).
• Xarunta Dhalreeb
• ku takhasustay cilmiga caafimaadka dhirta
•
• ka ganacsada agabka beeraha
• , macallimiin, maamulka Kulliyadda Beeraha ee JUS Iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu dhiirrigelinayey ardayda iyo beeraleyda Soomaaliyeed si ay door muuqda uga qaataan ilaalinta caafimaadka dhirta, la tacaalidda cudurrada iyo cayayaanka halista ku ah wax-soosaarka dalagga. Waxaana si weyn loogu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo -baaris xooggan, joogto ah, iyo dhexmara hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga, si loo dhiso mustaqbal cagaaran oo adkaysi u leh isbeddelka cimilada loona gaaro Cunto.