𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟭𝟮-𝗮𝗮𝗱 ee 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ayaa si firfircoon uga qayb qaatay tijaabo la xiriirta barashada 𝗢𝗿𝗴𝗮𝗻𝗶𝗰 𝗔𝗰𝗶𝗱𝘀, iyaga oo kaashanaya macallinkooda.
Tijaabadan waxay ahayd mid ka mid ah hababka waxbarasho ee dugsigu adeegsado si loo xoojiyo fahamka ardayda ee maaddooyinka 𝗦𝗰𝗶𝗲𝗻𝗰𝗲.
Hanaanka waxbarasho ee ku dhisan baraatikada (𝗟𝗲𝗮𝗿𝗻𝗶𝗻𝗴 𝗯𝘆 𝗗𝗼𝗶𝗻𝗴) ayaa ardayda siinaya fursad ay ku arkaan, ku taabtaan, kuna fahmaan si dhab ah fikradaha ay fasalka ku bartaan — taas oo kobcinaysa 𝘅𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮 iyo 𝗸𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱.
Waxbarashadu ma aha keliya wax-akhris, waa faham, waayo-aragnimo, iyo hal-abuur.
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
Taysiir International School
Tacliim Sare Iyo Aqoon Tayo leh
Waxaan bogaadinaynaa ardaydeena oo si ficil iyo baraatiko ah u soo bandhigay mashaariicdooda maadada 𝗕𝗶𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆.
Koox ka tirsan ardayda ayaa sameeyay model aad u qurux badan oo ay ku sharxayaan noocyada kala duwan ee unugyada jirka, gaar ahaan 𝗧𝘆𝗽𝗲𝘀 𝗼𝗳 𝗘𝗽𝗶𝘁𝗵𝗲𝗹𝗶𝗮𝗹 𝗧𝗶𝘀𝘀𝘂𝗲:
🔹 Squamous Epithelial Tissue
🔹 Columnar Epithelial Tissue
🔹 Ciliated Columnar Epithelial Tissue
🔹 Cuboidal Epithelial Tissue
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
🔬 𝗛𝗔𝗟-𝗔𝗕𝗨𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗔𝗥𝗗𝗘𝗬𝗗𝗔 – 𝗧𝗔𝗬𝗦𝗜𝗜𝗥 𝗜𝗡𝗧𝗘𝗥𝗡𝗔𝗧𝗜𝗢𝗡𝗔𝗟 𝗦𝗖𝗛𝗢𝗢𝗟
Waxaa farxad iyo guul inoo ah in ardayda 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟵-𝗮𝗮𝗱 (𝗙𝗼𝗿𝗺 𝟭) ee dugsiga 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ay muujiyeen kartidooda hal-abuur, iyagoo si wadajir ah u sameeyay aaladda 𝗠𝗶𝗰𝗿𝗼𝘀𝗰𝗼𝗽𝗲-𝗸𝗮 —iyagoo adeegsanaya aqoontii ay ka barteen maadada 𝗕𝗶𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆.
Tani ma aha oo kaliya cashar la bartay, waa aqoon la dhaqan geliyay.
Waxaan aaminsanahay in waxbarashada dhabta ah aysan ku koobneyn aragtiyada ku qoran buugga — balsa ay tahay mida ardeyda ka dhigta cilmibaarayaal hal abuur leh.
✨ Hamigeennu waa inaan soo saarno jiil aqoonyahanno ah oo dunida wax ku soo kordhiya.
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
Nala daawo mid ka mid ah ardeydeena dugsiga sare oo si baraatiko ah u soo bandhigaya 𝗖𝗵𝗿𝗼𝗺𝗼𝘀𝗼𝗺𝗲 𝗠𝗼𝗱𝗲𝗹 iyo qeybihiisa (Long Arm, short arm, telomere, Centromere & Chromatid).
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 waa goob lagu dhiso aqoonyahannada mustaqbalka ee hormuud ka noqon doona 𝗵𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘀𝗮𝘆𝗻𝗶𝘀𝗸𝗮 iyo 𝘁𝗶𝗸𝗻𝗼𝗼𝗹𝗮𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 ee dalkeenna Insha Allah.
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
𝗤𝗮𝗮𝗯𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 𝗗𝗡𝗔-𝗱𝗮 (𝗗𝗲𝗼𝘅𝘆𝗿𝗶𝗯𝗼𝗻𝘂𝗰𝗹𝗲𝗶𝗰 𝗔𝗰𝗶𝗱)
Ardayda 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟭𝟮-𝗮𝗮𝗱 (𝗙𝗼𝗿𝗺 𝟰) ee dugsiga 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ayaa soo bandhigay baraatiko la xiriirta maadada 𝗕𝗶𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆-𝗴𝗮 oo ku saabsaneyd qaabdhismeedka 𝗗𝗡𝗔-𝗱𝗮 (𝗗𝗲𝗼𝘅𝘆𝗿𝗶𝗯𝗼𝗻𝘂𝗰𝗹𝗲𝗶𝗰 𝗔𝗰𝗶𝗱).
Dadaalkan waxa uu ardayda ka caawinayaa inay si dhab ah u fahmaan casharrada, iyagoo ka gudbaya akhris kaliya una gudbaya khibrad guul leh oo dhanka sayniska ah.
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 waxay had iyo jeer mudnaanta siisaa in ardaydu helaan aqoon ku dhisan indha-indhayn iyo khibrad dhab ah.
Waxaan rumeysannahay in sayniska aan lagu baran buugga dushiisa oo kaliya, balse loo baahan yahay in lagu tijaabiyo shaybaarka.
Iskaashiga macallimiinta iyo ardayda ayaa suurtagaliyay in si qoto dheer loo fahmo farqiga u dhexeeya labada nooc ee neefsashada unugyada (𝗖𝗲𝗹𝗹𝘂𝗹𝗮𝗿 𝗥𝗲𝘀𝗽𝗶𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻):
𝗔𝗲𝗿𝗼𝗯𝗶𝗰: Neefsashada u baahan hawada (𝗢𝘅𝘆𝗴𝗲𝗻).
𝗔𝗻𝗮𝗲𝗿𝗼𝗯𝗶𝗰: Neefsashada ka dhacda heerka unugga ee aan u baahnayn wax hawo ah.
Si gaar ah, ardaydu waxay sameeyeen tijaabada "𝗬𝗲𝗮𝘀𝘁 𝗙𝗲𝗿𝗺𝗲𝗻𝘁𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻," iyagoo indhahooda ku arkay sida khamiirku u beddelo sonkorta, isagoo soo saaraya gaaska 𝗖𝗮𝗿𝗯𝗼𝗻 𝗗𝗶𝗼𝘅𝗶𝗱𝗲 iyo 𝗘𝘁𝗵𝗮𝗻𝗼𝗹 isagoon isticmaalin wax oksajiin ah.
Tani waa habka aan ku dhiirrigelinno in ardaydeennu noqdaan cilmi-baarayaashii berrito, iyagoo fahmaya kimisteriga nolosha ee ka dhacaya deegaankeenna.
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
𝗕𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗕𝗶𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆-𝗴𝗮: 𝗙𝗮𝗵𝗮𝗺𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗞𝗮𝗹𝗮 𝗗𝘂𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻𝘀𝗵𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗠𝘂𝗿𝘂𝗾𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗝𝗶𝗿𝗸𝗮!
Ardayda 𝗙𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟵-𝗮𝗮𝗱 (𝗙𝗼𝗿𝗺 𝟭) ee dugsiga 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ayaa soo bandhigay baraatiko la xiriirta maadada 𝗕𝗶𝗼𝗹𝗼𝗴𝘆-𝗴𝗮 oo ku saabsaneyd 𝗡𝗼𝗼𝗰𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗨𝗻𝘂𝗴𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗠𝘂𝗿𝗾𝗮𝗵𝗮; 𝗧𝘆𝗽𝗲𝘀 𝗼𝗳 𝗠𝘂𝘀𝗰𝘂𝗹𝗮𝗿 𝗧𝗶𝘀𝘀𝘂𝗲:
1. Skeletal Muscular Tissue
2. Smooth Muscular Tissue
3. Cardiag Muscular Tissue
Ardaydu waxay si qoto dheer u barteen qaab-dhismeedka iyo shaqada saddexda nooc ee unugyada muruqa (𝗠𝘂𝘀𝗰𝘂𝗹𝗮𝗿 𝗧𝗶𝘀𝘀𝘂𝗲𝘀).
Hadafkaynu waa in ardaygu uusan kaliya akhrin casharka, balse uu si muuqaal iyo ficil ah u fahmo waxa uu baranayo, taasoo kor u qaadaysa hal-abuurka iyo fahamka sayniska.
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
Munaasabadda dhalashada bisha 𝗦𝗼𝗼𝗻𝗳𝘂𝗿 (𝗦𝗵𝗮𝘄𝗮𝗮𝗹 𝟭𝟰𝟰𝟳𝗛) awgeed, Maamulka, macallimiinta iyo ardayda 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 waxay hambalyo u dirayaan ummadda Muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Ciidu waa xilli farxad, isxiriirin iyo xoojinta qiyamka wanaagsan — waxaan rajaynaynaa inay idiin noqoto mid aad ku heshaan barwaaqo, horumar iyo farxad.
𝗕𝗮𝘀𝗵-𝗯𝗮𝘀𝗵 𝗶𝘆𝗼 𝗯𝗮𝗿𝘄𝗮𝗮𝗾𝗼 𝗸𝘂 𝗰𝗶𝗶𝗱𝗮.
𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸 🌙
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال، وكل عام وأنتم بخير
19/03/2026
𝗖𝗶𝗶𝗱 𝗠𝘂𝗯𝗮𝗮𝗿𝗮𝗸 🌙
Maamulka iyo macallimiinta 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 waxay munaasabadda 𝗖𝗶𝗶𝗱𝘂𝗹 𝗙𝗶𝗱𝗿𝗶𝗴𝗮 awgeed hambalyo sharaf leh u dirayaan dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee ku sugan dunida daafaheeda.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
🔭 𝗔𝗿𝗮𝗴𝘁𝗶𝗱𝗮 𝗦𝗮𝘆𝗻𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗮𝗹-𝗮𝗯𝘂𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗔𝗿𝗱𝗮𝘆𝗱𝗮 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿!
Ardayda 𝗳𝗮𝘀𝗮𝗹𝗸𝗮 𝟭𝟮-𝗮𝗮𝗱 (𝗙𝗼𝗿𝗺 𝟰) ee dugsiga 𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹 ayaa soo bandhigey baraatiko la xiriirta maadada Physics-ka oo ku saabsaneyd 𝗥𝗲𝗳𝗹𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗼𝗳 𝗟𝗶𝗴𝗵𝘁 (𝗠𝗶𝗹𝗶𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗜𝗳𝘁𝗶𝗶𝗻𝗸𝗮).
Waxbarashada ardayda kuma koobno buugga kaliya, balse waxaa la socoto baraatiko joogta ah iyo tilmaamid qaabka ay waxbarashadu u saameeneyso noloshooda maalinlaha ah
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa marti-sharaf kala duwan, oo uu ka mid yahay 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗡𝗼𝗿 𝗬𝘂𝘀𝘂𝗳, Maamulaha MIMA School.
𝗪𝘂𝘅𝘂𝘂 𝘀𝗶 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵 𝘂 𝗱𝗵𝗶𝗶𝗿𝗶𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗮𝗿𝗱𝗲𝘆𝗱𝗮, 𝗶𝘀𝗮𝗴𝗼𝗼 𝘆𝗶𝗿𝗶:
"Waxaa si gaar ah ii soo jiitay in ardaydu garteen inay ka qayb qaataan tabarucaadda dadka ay abaartu saameysay."
𝗧𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹
𝗡𝗮𝗴𝗮𝗹𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿:
📞 +252 618 118 464
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Jungal
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 17:00 |
| Tuesday | 07:00 - 17:00 |
| Wednesday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 17:00 |
| Sunday | 07:00 - 17:00 |