Darar Farms

Darar Farms

Share

Calaf Xoolaad Iyo Caano Geel oo Saafi
Beyond Fresh, Beyond Compare.

22/06/2025

14/06/2025

Tayo Ayaan Sameynaa
Taladuna Adiga Ayey Kaa Go'daa

11/06/2025

🟢 MUHIIMADDA CUNNO SIINTA GEELA LAMAALO (Geela Xareysan)

Geelu waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay noqoto geela Xeryaha lugu maalo oo Laga helo caano nadiif ah, oo nafaqo leh, isla markaana dhaqaale soo galiya qoysaska.
Wax-soosaarka caanaha iyo caafimaadka Geela lamaalo waxay si toos ah ugu xiran yihiin tayada, Tirada/Qaddarka iyo waqtiga saxda ah ee quudinta maalinwaliba

Geela lamaalo wuxuu u baahan yahay quudin joogto ah oo isku dheellitiran si loo helo:

1-Caano badan oo tayo leh

2-Tamarta iyo difaaca jirka

3-Caafimaadka caloosha iyo heerka dareeraha jirka

Jadwalka quudinta ee Darar Farms wuxuu si cad u muujinayaa sida loogu baahan yahay in si maalinle ah loo siiyo noocyo kala duwan oo ah quudin dabiici ah, kuwaas oo kala ah:

A-Cawska qoyan ee Super Napier silage – tamar iyo fibre(Qoryaha jirku u baahanyahay) aad mumiim ugu ah dheefshiidka
Geela lasiiyay Cawskaan Wuxuu miisaankiisu kor u kacay %40 Caanihiisana Waxey Siyaadeen Ku dhawaad 35%

B-Maankaal – Waa il barootiin sare leh oo kor u qaadda dhalidda caanaha.

C-Bal (qoryaha galley/masago) – Waa xoojiye tamareed Raqiis ah , Haddana buuxiya caloosha.

D-Galley – Dhalin tamar degdeg ah oo muhiim u ah bilowga maalinta.

E-Biyo nadiif ah iyo Milixda –Waxey muhiim u yihiin dheefshiidka, caano-dhalidda iyo caafimaadka guud.

✅ Gunaanad:
Quudinta saxda ah ee geela lamaalo waa halbeeg muhiim ah oo lagu horumarin karo natiijada caanodhalidda iyo caafimaadka xoolaha.
Nidaamka quudinta oo si cilmi ah loo maamulo wuxuu horseedaa waxsoosaar joogto ah, qiimo dhaqaale oo kordha.

11/06/2025

Dalagyada la beerto waxay u qaybsamaan seddex qeybood oo kala ah :
1- kuwa lagu cuno guriga oo Aan kayd lahayn
dhaqaale badanna Uusan kasoo Xaroon Sida Qudaarta Caggaaran iyo Tan Digsiga lugu Shubo
2- kuwa laga helo faa'iido dhaqaale Sida Sisinta Salbukada Suufka , iyo
3- kuwa saldhig u ah nolosha dadka Soomaaliyeed oo lakaydsado Qaarkoodna lagato Sida Galleyda Masagada ...iwm
Jadwalkani wuxuu si kooban u muujinayaa 30-ka dalag ee ugu muhiimsan, kuwaasoo loo kala saaray
Darar Farms ayaa Diyaarisay Shaxdaan Asaasiga u ah Dadka si kor loogu qaado wacyiga beeraleyda iyo qorsheynta wax-soo-saarka Dalka

09/06/2025

Waxaan Soo Saarnaa Calaf Tayadiisa lahubo & Caano Nadaafaddooda Lahubo

08/06/2025
07/06/2025

Caws Super Napier Oo ah leh protein 15-18% sifiicanna loo keydiyay

06/06/2025

Ciid Wanaagsan Dhammaan Beeraleyda & Xoola dhaqatada Soomaaliyeed

27/01/2025

Caano Geel Nadiif ah oo Sajjal ah
حليب إبل طازج
Fresh Camel Milk

Darar Farms

Photos from Darar Farms's post 17/01/2025

Ku Dhammaan Akhyaartii iyo Asxaabtii ku Xirneed page-ka *Generation Feeders*

Waxaan Muddo 3 Sano sh Maalinba Dhinac yar oo Beeraha Kamida Wada Baraneynaba Hadda Waxaan u Guurnay Inaan Tallaabooyin lataaban karo Horay ugu Qaadno Dhanka Wax Soo Saarka Dalka
Waxaan u Guurnay Inaan Aaminno Hantideena Dalkeenna iyo Xooleheenna

Darar Farms Waxey Idiinla taagantahay Sidii ay idinkaga Caawin leheed Wax Soo Saarka Calafka iyo Caanaha Xoolaha
Sidoo kalena Suuqyada Casriga Hoteelada,& Muqaayadaha ay uga Haqabtiri Leheed Baahiyohooda Caanaha Geela.

Shalay Haddaan Generation Feeders ahayn Maantana Darar Farms Ayaan Nahay
Walina Waan Idinla Joognaa anakoo Intii H**e Ka Khibrad Badan Talooyin Bixin karna Suuqana Joogna
Guuleysta Marwaliba
Wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka JFS
Abdurrahman Ahmed Hassan

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 19:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Thursday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00