11/06/2025
🟢 MUHIIMADDA CUNNO SIINTA GEELA LAMAALO (Geela Xareysan)
Geelu waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo nolol-maalmeedka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed, gaar ahaan marka ay noqoto geela Xeryaha lugu maalo oo Laga helo caano nadiif ah, oo nafaqo leh, isla markaana dhaqaale soo galiya qoysaska.
Wax-soosaarka caanaha iyo caafimaadka Geela lamaalo waxay si toos ah ugu xiran yihiin tayada, Tirada/Qaddarka iyo waqtiga saxda ah ee quudinta maalinwaliba
Geela lamaalo wuxuu u baahan yahay quudin joogto ah oo isku dheellitiran si loo helo:
1-Caano badan oo tayo leh
2-Tamarta iyo difaaca jirka
3-Caafimaadka caloosha iyo heerka dareeraha jirka
Jadwalka quudinta ee Darar Farms wuxuu si cad u muujinayaa sida loogu baahan yahay in si maalinle ah loo siiyo noocyo kala duwan oo ah quudin dabiici ah, kuwaas oo kala ah:
A-Cawska qoyan ee Super Napier silage – tamar iyo fibre(Qoryaha jirku u baahanyahay) aad mumiim ugu ah dheefshiidka
Geela lasiiyay Cawskaan Wuxuu miisaankiisu kor u kacay %40 Caanihiisana Waxey Siyaadeen Ku dhawaad 35%
B-Maankaal – Waa il barootiin sare leh oo kor u qaadda dhalidda caanaha.
C-Bal (qoryaha galley/masago) – Waa xoojiye tamareed Raqiis ah , Haddana buuxiya caloosha.
D-Galley – Dhalin tamar degdeg ah oo muhiim u ah bilowga maalinta.
E-Biyo nadiif ah iyo Milixda –Waxey muhiim u yihiin dheefshiidka, caano-dhalidda iyo caafimaadka guud.
✅ Gunaanad:
Quudinta saxda ah ee geela lamaalo waa halbeeg muhiim ah oo lagu horumarin karo natiijada caanodhalidda iyo caafimaadka xoolaha.
Nidaamka quudinta oo si cilmi ah loo maamulo wuxuu horseedaa waxsoosaar joogto ah, qiimo dhaqaale oo kordha.