من جد وجد
Dugsiga Hoose Dhexe Iyo Sare Ee IFTIINRaadeer
IFTIIN waa iftiimiyaha aqoonta
25/11/2025
Munaasabad heerkeedu sareeyo oo lagu xusayay maalinta macallinka soomaaliyeed ayaa maalinki shalay ka qabsoontay xarunta dugsiga.
Munaasabadaan waxaa soo agaasimay ardayda dugsiga Iftiin iyaga oo muujiyay qadarinta, mahadnaqa iyo maamuuska ay u hayaan macallimiintooda.
12/10/2025
Hampalyo Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Calanku maaha keliya maro la lulo ee waa astaanta midaysa dhammaan ummadda soomaaliyeed, waa astaan ka tarjumaysa sharafkeenna iyo karaamadeenna.
Munaasabadan qiimaha badan awgeed Waxaan dhammaan ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu hampalyaynaa munaasabadda maalinta calanka.
Waxaan Eebe wayne naxariistiisa u waydiinaynaa dhammaan geesiyaashii naftooda u huray difaaca sharafka, karaamadda iyo midnimadda ummadda soomaaliyeed.
HAMPALYO MAR KALE.
Xeerarka fasalka
Dugsigu wuu furmay casharaduna waa ay socdaan.
05/09/2025
Jimca wanaagsan
03/09/2025
Dhammaan maamulka, macalimiinta,ardayda iyo bahda waxbarashada ee dugsiga H/Dhexe iyo sare ee IFTIIN waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ustaad Maxamed Siidoow Axmed, oo ka mid ah macalimiinta dugsiga, kuna guulaystay dhammaystirka Heerka Koowaad (batchki labaad) ee tacliinta sare.
Guushan muhiimka ah waa astaan muujinaysa dadaal, dulqaad iyo halgan waxbarasho. Waxayna dhiirigelin u tahay ardayda iyo dhammaan bahda waxbarashada.
Waxaan u rajaynaynaa guulo iyo himilooyin
Ka sii sareeya kuwan.
HAMPALYO
29/08/2025
🥇🥈🥉 TOP 3 BOYS – 2024/2025
HAMPALYO IYO BOGAADIN
Waxaan si diirran u hambalyaynaynaa saddexda wiil ee ugu sarreeya wiilasha dugsiga H/Dh iyo sare ee IFTIIN sanad dugsiyeedka 2024–2025.
Kartidooda, dadaalkooda iyo go’aankooda ayaa horseeday guushan. Waxaan u rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo kale oo waaweyn.
29/08/2025
🥇🥈🥉 TOP 3 GIRLS – 2024/2025
HAMPALYO IYO BOGAADIN
Waxaan si diirran u hambalyaynaynaa saddexda gabdhood ee ugu sarreeya gabdhaha dugsiga H/Dh iyo sare ee IFTIIN sanad dugsiyeedka 2024–2025.
Kartidooda, dadaalkooda iyo go’aankooda ayaa horseeday guushan. Waxaan u rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo kale oo waaweyn.
26/08/2025
NATIIJADA IMTIXAANKA FINALKA SANAD DUGSIYEEDKA 2024-2025
Mar kale dhammaan maamulka, macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda dugsiga H/Dh iyo sare Iftiin waxay hampalyo iyo bogaadin u dirayaan 10ka arday ee ugu dhibcaha sareeya qaybta diyaarinta ( Khamiis iyo Jimco) sanad waxbarasheedka 2024-2025.
Dhab ahaantii waxay bixiyeen dadaal fara badan, waxayna muujiyeen karti iyo dulqaaad badan.
HAMPALYO! Waxa idiin rajaynaynaa guulo ka waawayn kuwaan mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.
25/08/2025
NATIIJADA IMTIXAANKA FINALKA SANAD DUGSIYEEDKA 2024-2025
Dhammaan maamulka, macallimiinta, waalidiinta iyo ardayda dugsiga H/Dh iyo sare Iftiin waxay hampalyo iyo bogaadin u dirayaan 10ka arday ee ugu dhibcaha sareeya qaybta full-timeka (subax iyo galab) sanad waxbarasheedka 2024-2025.
Dhab ahaantii waxay bixiyeen dadaal fara badan, waxayna muujiyeen karti iyo dulqaaad badan.
HAMPALYO! Waxa idiin rajaynaynaa guulo ka waawayn kuwaan mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
JAAYGA 1aad ISGOYSKA MADBACADDA BULSHO
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 09:00 - 17:00 |
| Tuesday | 09:00 - 17:00 |
| Wednesday | 09:00 - 17:00 |
| Thursday | 09:00 - 17:00 |
| Saturday | 09:00 - 17:00 |
| Sunday | 09:00 - 17:00 |