30/04/2026
Jaamacadda Sombridge waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Faysal Maxamed Xuseen oo loo magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Tani waa guul mudan sharaf iyo aqoonsi muujinaysa karti, hufnaan iyo dadaal joogto ah. Waxaan kuu rajaynaynaa guul, horumar iyo inaad si hufan ugu adeegto bulshada iyo qarankaba.
Hambalyo mar kale! ๐
22/04/2026
๐ Hambalyo dhammaan ardayda guuleystay!
Sombridge University waxay si sharaf leh ugu hambalyaynaysaa dhammaan ardayda dhammeysatay difaacashada Thesis-ka โ Class of 2026. Tani waa guul weyn oo muujinaysa dadaal, dulqaad iyo aqoon dhab ah.
Mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa! ๐
18/02/2026
๐ฅ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐ธ!
โูู ุนุงู
ูุงููุชู
ุจุฎูุฑ
Maamulka Jaamacadda Sombridge, iyo dhammaan shaqaalaha jaamacaddu waxay ugu hambalyeynayaan ardayda, waalidiinta, iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta ah bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Allah ha naga aqbalo cibaadadeena, soonkeena, iyo ducadeena. ๐๐๐ฆ๐๐๐๐๐ง ๐๐ฎ๐๐๐ซ๐๐ค!
15/12/2025
Waxaa si rasmi ah loo daah-furay barnaamijka Professional Computer Training Program for Health Sciences
Munaasabadda furitaanka waxaa daah-furay Agaasimaha Admission Jaamacadda Sombridge University ahna Madaxa Kuliyadda Caafimaadka
Dr. Faysal Mohamed Daleel,
Isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-darka aqoonta kombiyuutarka iyo culuumta caafimaadka si loo horumariyo xirfadaha ardayda iyo tayada adeegyada caafimaad ee mustaqbalka.
Barnaamijkan cusub wuxuu diiradda saaraya kor u qaadidda awoodda xirfadeed ee BahdaCaafimaad - Health Sciences, gaar ahaan adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah oo door weyn ka qaata badbaadada Xogta Saxda ah ee bukaanka iyo horumarinta daryeelka caafimaadka.
20/11/2025
Seminar ku Saabsan Caafimaadka Maskaxda Hooyada iyo Murugada Ka Dhalata Dhalmada (Postpartum Depression, PPD)
Bishii 19-ka November, 2025, Jaamacadda Sombrige waxay martigelisay seminar ardayda caafimaadka lo qabtay oo diiradda lagu saaray Caafimaadka Maskaxda Hooyada iyo Murugada Ka Dhalata Dhalmada (PPD). Madashan waxay ardayda siisay fursad ku faa'iideystaan cilmi oo ay ku fahmaan caafimaadka maskaxda inta lagu jiro iyo ka dib uurka, iyadoo xoogga la saarayo ogaanshaha h**e iyo caawinta hooyooyinka.
Seminarka waxaa si qoto dheer uga hadlay Dr. Faysal M. Daleel, khabiir ku xeel dheer arrimaha caafimaadka maskaxda hooyada, isaga oo iftiimiyay muhiimadda wacyigelinta, ka hortaga xanuunka iyo waqtiyada ugu habboon, iyo caawinta hooyooyinka dhalmada ka dib.
Jaamacadda Sombrige waxay ku faantaa dhiirrigelinta aqoonta caafimaadka maskaxda hooyada iyo abuurista jawi waxbarasho oo dhiirrigeliya cilmi-baarista iyo wacyigelinta bulshada.
07/10/2025
Ka Qaybgal Seminar-ka โProject Managementโ ๐ฏ
Ma rabtaa inaad barato sida loo qorsheeyo, loo maamulo, loona hirgeliyo mashruuc si guul leh?
Ha moogaanin fursaddan!
Waxaan qaban doonaa seminar gaar ah maalinta Arabacada, kaas oo lagu baran doono xirfadaha muhiimka ah ee Project Management โ xirfadaha kaa caawinaya inaad ku guulaysato shaqadaada iyo ganacsigaaga.
๐ Si aad uga qayb gasho, fadlan iska diiwaan geli linkiga hoose:
๐ https://form.svhrt.com/68e62f8c5da088bf3730d8be
Mahadsanid, waxaan rajaynaynaa inaan kulanka kugu aragno! ๐
24/09/2025
60 DEEQ WAXBARASHO
Jaamacadda Sombridge oo kaashaneysa hey'adda 'SLRO' waxa ay bixineysaa 60 kursi deeq waxbarasho oo 100% ah.
Ardayda ku guuleysata waxa ay fursad u heli doonaan in ay dhigtaan takhasusyada kala duwan ee Jaamacadda Sombridge, iyada oo qarashka oo dhammeystiran ay ka bixineyso hey'adda SLRO.
Haddii aad daniinayso in aad ka faa'iideysato fursadan, fadlan iska diiwaangeli link-gan: https://docs.google.com/forms/d/16JlRw4EtOj5QmZE1wAZrNYnGHx-vdInXHl-HUncH8m8/edit?pli=1&pli=1