18/06/2023
𝐏𝐫𝐨𝐟. 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐨𝐚𝐥𝐥𝐢𝐧 𝐊𝐮𝐭𝐮𝐛 (𝐏𝐡𝐃) oo ah khabiir dhanka Xanaanada Xoolaha ayaa siin doona Ardayda kulliyadda Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha tababar ku saabsan " 𝐂𝐚𝐦𝐞𝐥 𝐃𝐢𝐬𝐞𝐚𝐬𝐞."
Tababarka waxaa la qaban doonaa Isniinta oo ay taariikhdu ku beegantahay 19 ka Juun 2023.
31/05/2023
Ardey kamid ah Kulliyada Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo Tababar ku Qaadanaya Beer ku taala Afgooye.
29/05/2023
Tababar ku saabsan Daaweynta Xoolaha iyo Talaalka Mooska ayaa Ardeyda Kulliyadda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) loo geeyey Beer ku taalla Afgooye oo ka kooban Qeyb Xoolo ku xareysanyihin iyo Qeyb beer weyn ah.
27/05/2023
Maamulka sare ee Jaamacaddda Soomaaliya (UNISO) oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Jaamacadda Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama ayaa ka qeyb galay munaasabadda furitaanka iyo xarig jarka sheybaarka cusub ee kulliyadda Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha (Agro - Veterinary Lab).
Hormuudka Kulliyadda, Prof. Dr. Mohamed Ahmed Kullane, ayaa maamulka iyo ardayda la wadaagay ahmiyadda uu sheybaarkan u leeyahay ardayda iyo bulshada gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed.
27/10/2021
Ardayda Semister-ka koowaad ee kuliyadda Cilmiga Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha ee jamacadda Somalia (Uniso), Ayaa maanta Loo qabtay Seminar Ciwaankiisu ahaa Fursadaha iyo Muhiimada Culuumta Beeraha iyo Xoolaha.
24/10/2021
Ardayda Kuliyada Beeraha Jamacada Somalia(Uniso) Ayaa maanta (Internship) uga Bilowday Xarunta Tababarada Beeraha ee SOMALI AGRICULTURAL RESEARCH AND TECHNOLOGY CENTRE,kaas oo Soconayo Muddo 4 Bil ah.
AGRI INTERNSHIP 2021.
03/01/2021
Agri-Students
Survey for Agricultural Engineering 🌴🌻🌾🍉