21/05/2022
Waa maxay cudurka Monkeypox ?
Monkeypox (Furuqa daanyeerrada), waa cudur uu keeno il-ma'aragga viruska oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan famil-ka Poxviridae. Monkeypox Waa cudur virus ah oo ku dhaca xayawaaanka, u na gudba banii-aadamka (zoonotic disease). Waxaa badanaana lagu arkay keymaha Afrikada dhexe iyo Afrikada galbeed.
Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, nabarro afka biyo iyo malax ku sita iyo qanjirro-barar (fever, rash and swollen lymph nodes). Monkeypox badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 toddobaad gudahood ah (self-limited disease with the symptoms lasting from 2 to 4 weeks).
Xaalado aad u daran ayaa dhici kara mararka qaarkood oo dhimasho keeni kara (Severe complicated cases can occur). Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xayawaan qaba cudurka. Calaamadaha lagu garto waxay u eg yihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hadda ka hor laga dabarjaray, iyada oo la isticmaalay Tallaal, xaaladdii ugu danbaysay ee cudurka furuqa guud ahaan caalamka waxaa lagu arkay soomaaliya gaar ahaan Shabeelada Hoose.
Monkeypox waa ka faafid yar yahay, waana ka dhimasho yar yahay marka loo eego cudurkii furuqa ( smallpox). Monkeypox Waxaa looga hortagaa Tallaalkii cudurka furuqa lagu dabarjaray, kuwa cusubna hadda ayaa loo helay. Sidoo kale waxaa dhowaan la helay daawooyin la gu la tacaalo xaaladaha cudurkaan uu soo rito.
Fadlan aan feerjignaan muujinno si aan uga badbaadno cudurkaan oo maalmahaan dunida aadka ugu faaafay.
Xigasho: WHO
https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/monkeypox
08/03/2022
03/01/2022
03/01/2022
16/11/2021