Dowladda Ardayda Jaamacadda City

Dowladda Ardayda Jaamacadda City

Share

"DAJCI — the official voice of City University students. Committed to leadership, fair representation & growth in academics, culture & society.

We foster creativity, knowledge & unity to shape future leaders for a brighter tomorrow."

09/08/2026

Muqdisho, Agoosto 09, 2026 – Dowladda Ardayda Jaamacadda City (DAJCI) waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Mudane Omar Abdullahi Abdi, oo loo doortay Guddoomiyaha Midowga Guddoomiyeyaasha Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir (MGAJGB).

DAJCI waxay Guddoomiyaha cusub ugu hambalyaynaysaa xilka loo doortay, iyadoo Alle uga baryaysa inuu ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, una fududeeyo gudashada waajibaadkiisa hoggaamineed.

Dowladda Ardayda Jaamacadda City (DAJCI) waxay u rajaynaysaa Guddoomiyaha cusub guul, hoggaan hufan iyo mustaqbal wanaagsan.

Hambalyo Guddoomiye Omar Abdullahi Abdi!




15/07/2026

It was such an enthralling experience as a youth to get invited to the somali development forum by the Heritage institute and City university which it significantly enlightened me on how we can plausibly address to the on going political issues in our country.

Omar Abdullahi Abdinoor ,
General secretary of city student government.

15/07/2026

Waxaan ku faraxsannahay in aan ka soo qeybgelo, shirkaan ay soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage iyo Jaamacadda City, ka dhallinyaro ahaan. Shirka oo lagu qaadaa dhigayay halka ay taagan tahay siyaasadda iyo xalka, xaaladda.

Asnisa Dhiiley, Madaxa Arrimaha Dibadda iyo Xiriirrada Caalamiga ah ee Dowladda Ardayda Jaamacadda City (DAJCI), kana mid ah ka qeybgalayaasha Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF2026).

14/07/2026

Shirku wuxuu muujinayaa in ay aad muhiim u tahay in la helo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu jaangooyo mustaqbalka Soomaaliya, laguna mideeyo aragti ku saabsan jihada uu dalku u socdo.”

Cabdiraxmaan Caseyr, Madaxweynaha Dowladda Ardayda Jaamacadda City, kana hadlay Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026).

Photos from Dowladda Ardayda Jaamacadda City's post 14/07/2026

Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026)

Machadka 𝐇𝐞𝐫𝐢𝐭𝐚𝐠𝐞 ee Daraasaadka Siyaasadda (HIPS) iyo Jaamacadda City University ayaa si wadajir ah u qabanaya Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026), oo ka socota magaalada Muqdisho inta u dhaxaysa 14–15 Luulyo 2026.

Madashan ayaa isu keentay madaxda dowladda, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan xaaladda dalka, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu horumarin karo Soomaaliya.

Dowladda Ardayda Jaamacadda City University ayaa sanadkan door muuqda ka qaadanaysa hirgelinta iyo habsami-u-socodka madasha, taas oo ka tarjumaysa kaalinta firfircoon ee ardayda jaamacaddu ku leeyihiin adeegga bulshada, hormarinta aqoonta, iyo taageeridda madalaha qaran ee muhiimka ah.

Waxaan u rajaynaynaa in Madasha 3-aad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026) ay ku soo dhammaato guul, isla markaana ay kasoo baxaan talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo gacan ka geysan doona horumarka, nabadda, iyo mustaqbalka Soomaaliya.

03/07/2026

𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐚𝐧𝐧𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫𝐞𝐞𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐢𝐢 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐪𝐨𝐨𝐲𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐊𝐨𝐨𝐧𝐟𝐮𝐫 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐬𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

Mudane Cabdiraxman Caseyr, Guddoomiyaha KMG ee Midowga Guddoomiyeyaasha Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir ah neh Madaxweynaha Dowaladda Ardayda Jaamacadda City ayaa oo kusoo dhoweeyay kasoo qeyb galayaasha goobta xafladda.

Photos from Dowladda Ardayda Jaamacadda City's post 29/05/2026

Maalinta 3-aad ee Ciidul Adxaa, xarunta Km9 ee Jaamacadda City waxaa ka qabsoomay kulan wadar-ciideed oo ay soo qabanqaabisay Dowladda Ardayda Jaamacadda City.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka, wadajirka iyo is-dhexgalka ardayda jaamacadda.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen ardayda jaamacadda, ayaa lagu wada qaatay waqti farxad iyo damaashaad leh, iyagoo si wadajir ah ugu dalxiisay campus-ka weyn ee jaamacadda.

29/04/2026

Waxaan halkaan hambalyo iyo duco ugu direynaa Guddiga Dib-u-eegista Manhajka Qaranka, oo ay maanta si rasmi ah u magacaawday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si gaar ah, waxaan hambalyo ugu direynaa Madaxweynaha Jaamacadda City, Prof. Abdullahi Ahmed Bariise, oo loo doortay inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Dib-u-eegista Manhajka Qaranka.

Waxaan Alle uga baryeynaa in Prof. Abdullahi Ahmed Bariise iyo guud ahaan Guddiga uu ka midka yahayba, uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kana dhigo mid ay si hufan oo guul leh uga soo baxaan waajibaadkooda qaran.

27/04/2026

NAADIGA MASKAX IYO MADADAALLO OO QABTAY KULAN CIYAAREED CHESS AH OO KA DHACAY JAAMACADDA CITY

Muqdisho, Abriil 27, 2025 – Naadiga Maskax iyo Madadaallo ee Dowladda Ardayda Jaamacadda City (DAJCI) ayaa maanta qabtay kulan ciyaareed Chess ah, kaas oo ay ka soo qayb galeen arday badan oo ka kala socday kulliyadaha jaamacadda.

Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojinayo hal-abuurka, isdhexgalka ardayda, iyo in waxbarashada lagu lamaaneeyo madadaallo wax-ku-ool ah.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Naadiyada Dowladda Ardayda Jaamacadda City,Mudane Abdirahman Abdinour Jama oo door muuqda ka qaatay dar-dargelinta, hagidda iyo hirgelinta barnaamijyada naadiyada, isaga oo mar walba u taagan horumarinta hibada, hal abuurka iyo kartida ardayda.

Ugu dambeyn, ardaydii ka soo qayb gashay kulankan ayaa si weyn ugu mahadceliyay Agaasimaha Guud ee Naadiyada iyo guud ahaan Dowladda Ardayda Jaamacadda City dadaallada joogtada ah ee ay ku bixinayaan horumarinta barnaamijyada ardayda, iyagoo ku boorriyay in la sii xoojiyo qabashada madallo noocan oo kale ah oo kor u qaadaya aqoonta iyo madadaallada.

Photos from Dowladda Ardayda Jaamacadda City's post 25/03/2026

Gaba-gabada iyo gunaanadka booqashada, labada dhinac ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis Is-afgarad iyo wadashaqeyn (MoU), kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada urur. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta hoggaanka ardayda, is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, abaabulka barnaamijyo iyo munaasabado wadajir ah, iyo xoojinta ka qeybgalka ardayda ee adeegga bulshada.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Address


3 Maka-Al/mukarama K-4 Square
Mogadishu