09/03/2024
Waxaan halkaan hambalyo ugu diraynaaa wllshyna basmo mohamed ahmed iyo abdikarin ali yusuf oo shalay taariikhda markay ahayd 8march2024 uu meherkoodu ka dhacay magaalada caasimada ah ee muqadishu,waxaan leenahay wada noolaada abidkiin oo ubad kheer qaba kala hela.
02/12/2023
Waxaan halkaan hambalyo ugu diraynaa lamaanaha kala ah zxbkeen wllkeen mashkuur maki iyo dumaashideen faiza omar , waxaan leenahay isku waara ubad kheer qaba kala hela, wiil iyo caano gabar iyo dollar.
21/11/2023
waxaan dhamaan macalimiinta soomaliyeed gaar ahaan macalimiinteenii wax ina soo baray ee reer ahmed gurei primary and secondry school ugu hambalyaynayaa maalinta macalinka soomaaliyeed. waxaan idiin rajaynayaa adinka iyo ehelkiina caafimaad qab insha allh.
10/11/2023
Asxaabta dufcada 18aad ee ahmed gurei primary and secondry school waxay idiin leeyihiin jimco wanaagsan
Waqtiga ha idiin wacnaado.
03/11/2023
Habeen Wanaagsan ,walaalaha ku taxan bartaan.
Galabta waxaa noo dhacay kulan ay soo qaban qaabiyeen ardada qeeb kamid ah oona kasoo qeybgaleen asxaab badan,
Is wareysi kadib waxaan guda galnay Ajandaha aan iskugu imaanay ee ahaa in aan dufcada kor u qaadideeda ka wada hadalno doodo dhaadheeer kadib waxaa kulankeena kasoo baxay:
1. In dufcada gudoomiya doorato waxaana loo doortay Bashiir Abdinuur
2. In dufcada yeelato Guddi la shaqeeya Gudoomiyaha la doortay waxaana la isku raacay in gudigaas laga dhigo 3 qofood oo kala ah:
1. Abdullahi Mohamed Osman Mudei
2. Yacquub Hassan mohamed
3. Leyla Maxamud Yuusuf
Waxii warbixin eh oo looga baahdo Dufcada 18aad lagala soo xariiri doono hada iyo waxii ka danbeeya Gudomiyaha iyo Gudigaas
Kulankeena halkaas ayuu kusoo dhamaaday.
21/04/2020
Innaa Lillaahi Waa Inna Ilayhi Raajicuun.
Waxaan Tacsi Tiiraanyo Leh Walaalkeen Oo Aabihiis Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Mogadishu.
Sidoo Kale Waxaan Tacsi U Diraynaa Walaasheen Oo Ayadane Aabaheed Ku Gooriyooday Isla Magaalada Mogadishu.
Sabar Iyo Imaanna Allah Hanaga Wadasiiyo. 🤲
إن لله ما أخذ وله ما اعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى.
02/02/2019
Innaa Lillaahi Waa Inna Ilayhi Raajicuun.
Waxaan Tacsi Tiiraanyo Leh U Direynaa Dhammaan Dadkii Uu Ka Baxay Walalkeen Oo Maanta Geeriyoday Kana Mid Ahaay ardeyda Rabbi Ha U Naxariisto Janadul Fardowsa Rabbi Haka Abaal Mariyo.
Wuxuu Ahaa Qof Aad U Qiimo Badan.
Sabar Iyo Imaanna Alle Haka Siiyo Ehel Iyo Asxaabba
كل نفس ذائقة الموت.
إن لله ما أخذ وله ما اعطى وكل شيء عنده بأجل مسمى.
22/11/2018
Waxaan Farxada La Qeybsanena Bahweynta Reer
Iyo Naadiga Taas Oo Maanta Loo Dabaaldagay Sanad Guuradii 15aad Ee Aas Aaska Naadiga
04/08/2018
Qurux Badan Iyo Qaar Kamid ah Ardayda Oo Ay Ku Wada Qaateen
.
.
.
11/05/2018
Doorashdii Dhacday shalay oo ay taariikhda aheyd 10/05/2018
Waxaa kasoo qeyb galay Maamulaha Guud ee schoolka Ust. Mohamed Moge Abshir
Iyo Gudomiyaha Ust. Sacdiyo Cabdi Raxman
Xubno kale oo ka socday
Iyo qaar ka tirsan Ardayda Ayaa waxaa Gudoomiye loo doortay
M.ne Maxamed DaahirMuse
Waxaan Rajeynaynaa in Masuuliyadaas Si fiican U gudato
Mahadsanidiin
Gudomiyaha Gudiga
Mudei
18/03/2018
Assalamu Alaykum
Kulamo ay isugu yimaadeen gudiga doorashada tan iyo markii la dortay ayey waxey kawada hadleen arrimo dhawr eh ugu horeyn gudiga waxa codsi usoo gudbistay
qaar kamid eh dadkii lasoo magacabay oo kala eh Faatima Aadam iyo Abdirizak hamze oo shegay inaysan kamid ahan karin xubnaha gudiga sidaas darteed ay isaga
baxaan codsigiina waa laga aqbalay, sidaas darteed xubnaha kuso haray gudiga waxey isla garten in inta soo hartay kaliya ay kamid ahaadan gudiga
Gudiga doorashada ayaa kala qeybsaday xilalka ugu muhiimsan uu gudiga yelan doono waxeyna kala noqdeen
1: Abdullahi Mohamed Osman Mudeii {Gudoomiye}
2:Iidle Osman Farah {Gudomiye ku Xigen}
3:Abdirizak Ali Nor { Madaxa Khalifatka }
4:Zamzam Abubakar Iman {Xoghayeh}
5:Sowda Abdiphitah Mohamed { Madaxa Maaliyada}
* Gudiga doorashada waxey awood u leeyhiin in aqoonsiga musharaxnimo kala laabtan musharaxii fulin wayo Sharudaha musharaxiinta
*Gudiga waxey awood u leeyhiin go'aan ka gaarista xiliyada ay qabanayan doorashada ama shaqoyinka kale ee u yaala gudiyada
*Gudiga waxey awood u leeyhiin inay musharaxiinta weyn diin karan Su'alo ama warbixno
*Gudiga waxey awood u leeyhiin go'aan ka gaarista hanaanka doorashada
* Gudiga waxuu xaq u leeyahy in olalahiisa Musharaxnimo ka joojiyan musharaxii la ogadaa inu dacayaad ka faafinayo Gudiga Doorashda
1. Waraaq Codsi
2. In uu bixiyo lacagta is diiwan galinta oo eh $40
3. Musharax walba waa inuu ilaaliya waqtiyada la qoondeeyay in wax la qabto
4. Waa in uu ilaaliyaa Anshaxa iyo nidamka doorashada
4. Waa inaysan jirin wax cod iskugu shubasho ah
5. Qofkii Musharax eh ee watto Cabasho gaar eh Waa in uu lasoo xariira Madaxa Khilaafaatka Abdirizak Ali Nor
6. Mushaarax walba waa in uu qataa Go'aamada ay so saran gudiga doorashada haduu fahfahin rabo neh waxuu laso xariiri kara Gud. ku xigenka gudiga Iidle
A)Musharax walba waxu xaq u leeyahy ogaanshiyaha howlaha gudiga doorashada
B )Musharax walba waxu xaq u leeyahy la kulanka gudiga doorashada
C)Musharax walba waxuu xaq u leeyahy inoo wato olalahisa doorashada illa xiligii oo rabo
D)Musharax walba waxu xaq u leeyahy ka Tanazulka musharaxnimadiisa Asigo so war galinayo Gudiga Doorashada 48 saac ka hor waqtiga loo qondeeyay doorashada
Waxaa la ogeysiinaa in ay so gudbistan Musharaxiinta Codsiyadooda Ugu danbeyn 30/03/2018
lkn ka hor waa inay laso xariiran Gudomiyaha Gudiga doorashada Mudei
Waxaa laga codsanayaa qof walba oo ka tirsan dufcada inu bixiyo Qarashaadka kaga soo adaya qabsoomida doorashada
Sidoo kale inay kasoo qeyb galaan maalinta ay qabsoomeso doorashada oo Gadaal laga so shacin doono
Gudiga doorashada waxuu soo dhawynayaa qof walba oo dufcada ka tirsan oo wato ama qabo Fikir, warbixin iyo su'aalo Asigo so maraya gudomiyaha gudiga doorashada Mudei
Qof walba oo dufcada ka tirsan waxuu xaq u leeyahy inu ogado halka ay wax marayan lkn waa in uusoo weydiya Xoghayaha Gudiga doorashada Zam zam
Gudiga doorashada waxuu mamnucayaa fara galin ka madax banaan xubnaha dufcada 18aad
Gudiga doorashada waxuu mamnucaya Aflagaado in ay is ku adegsadan Musharaxiinta
Gudiga dorashada waxuu raali galin ka bixinaya qalad walba oo ka dhaca gudiga
Gudiga doorashada waxuu u mahadcelinaya qof kasto oo gacan ka geysta qabsoomida Doorashada Gudomiyaha Dufcada 18aad.
W/Q: Zam zam Abubakar Iimaan
Xoghayaha Gudiga Doorashada
02/03/2018
Kulan ay maanta isugu yimaaden Qaar ka tirsan Xubnaha Dufcada 18aad ee Ahmed Gurey High school ayaa waxey kaga tashanayen Aayatiinka Dufcada ayey waxey go'aan ku gaaren In Hogaan Cusub loo doorto Dufcada hadaba ayadoo taash laga shidaaal qadanaayo ayeey Xubnaha Waxey diyaariyeen Guddi Doorasho oo Masuul ka noqdo Doorashada Gudomiyaha Dufcada 18aad waxeyna Iska soo dhax xulen 7 qofood oo Matala Gudigaas Waxeyna kala yihiin:
1:Abdirisaaq Ali nur
2:Abdirisaaq Hamza Abdalla
3:Iidle Osman Farah
4:Abdullahi Mohamed Osman Mudei
5:Phatma Aadam
6:Zamzam Abubakar Iimaan
7;Sowda Abdiphitah Mohamed
Dhamaan Asxaabta kale hala gaarsiiyo
Mahadsandiin