𝗢𝗴𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗢𝗴𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀
Dhammaan Barayaasha, waaliddiinta iyo ardayda iskuulka waxaa la 𝗢𝗴𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝗻𝗮𝗮 in iskuulku fasax yahay laga billaabo maalinta birriya oo taariikhdu ku beeganthy 𝟮𝟭𝗸𝗮 𝗶𝗹𝗮𝗮 𝟮𝟱 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿
Tawakal primary & Secondary School
Tawakal primary And Secondary School waa Machad shaqeeyo Subax, Galab, iyo Khamiis & Jimdo.
شعا? We're formal educational Academy!
23/11/2025
Iskuulka Bari oo axad ah waa fasax
23/11/2025
22/11/2025
Maalinta macalinka 21-ka Nofeembar
22/11/2025
Iskuulka Tawakal ayaa si sharaf leh uga qayb galay Xafladda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, munaasabad qaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna maamuusayey doorka iyo qiimaha macallinka Soomaaliyeed.
Xafladdan oo lagu qabtay , ayaa waxaa si rasmi ah uga soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, taas oo kor u sii qaaday qiimaha iyo muhiimadda munaasabadda.
Hadallo qiimo badan oo ay jeediyeen madaxda qaranku waxay diiradda saareen muhiimadda macallinka, kor u qaadista tayada waxbarashada, iyo sida ay dowladdu u garab taagan tahay horumarinta aqoonta.
Ka-soo-qaybgalka Iskuulka Tawakal ee xafladdan qaran wuxuu caddeyn u yahay sida dugsigu uga go’an tahay dhiirrigelinta waxbarashada, taageeridda macallimiinta, iyo dhismaha jiil leh mustaqbal ifaya.
19/11/2025
Maanta oo Arbaco ah waxaa fagaaraha dugsiga tawakal lagu qabtay munaasabadda Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21-ka November.
Inkasta oo maalinta rasmiga ah ee 21-ka November weli la gaarin oo ay tahay maalin fasax ku aaddan, haddana anagu maalintan waan u sii dabaal-degaynaa si aan u muujinno qadarin, sharaf iyo maamuus gaar ah oo aan u hayno macallimiinta.
18/11/2025
Talaado, 18 November-2025.
Waxaan maanta si qurux badan oo nabad ah noogu soo dhammaaday imtixaan_Bileedkii 1aad ee Sannad Dugsiyeedka 2025-2026 oo isbuucaan xarunta machadka ka socday.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardeydeenna oo si sharaf leh ugu soo idlaaday imtixaanka, waxaana alle uga baryaynaa natiijo ay ku farxaan inay helaan.👏👏
Tawakal primary & Secondary School
Hoyga aqoonta
22/10/2025
Hambalyo waa lagu doortay gudooomiye xilka aad qabatay ilahey hakuu fududeeyo Waxaan rajaynaynaa in aad ka shaqeyn doonto midnimada ardayda iyo danahooda
22/10/2025
Hambalyo Hambalyo 🎊👏
Waxaaan Hambalyo u diraynaa Mahad nuunow oo loo doortay gudoomiyaha midowga ardayda iskuulka Tawakal primary & Secondary School
Sanad dugsiyeedka 2025_2026
Xilka aad qabatay ilahey hakuu fududeeyo
22/10/2025
Sawiro Q4: qaarkamid ah ardayda iskuulka Tawakal primary & Secondary School
Maanta oo taariikhdu tahay 22 October 2025 waxaa iskuulka ka dhacay doorasho qof iyo cod ah oo lagu dooranaayo midowga ardayda iskuulka Tawakal
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Mogadishu
Opening Hours
| Monday | 07:00 - 17:00 |
| Tuesday | 07:00 - 20:00 |
| Wednesday | 07:00 - 20:00 |
| Thursday | 07:00 - 17:00 |
| Friday | 07:00 - 17:00 |
| Saturday | 07:00 - 17:00 |
| Sunday | 07:00 - 20:00 |