23/05/2026
Guddiga Doorashada ayaa si rasmi ah u gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo dhammaan musharaxiinta isu soo sharaxday xilka Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Golaha Ardayda Jaamacadda Zamzam ee Culuumta iyo Teknoolajiyada.
Doorashada wax aay dhici doontaa 25 May 2026.
23/05/2026
Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Mohamud Mohamed Hassan Harbi, ayaa xarunta dhexe ee Jaamacadda ee ku taalla Tabeelaha Sheekh Ibraahim ku soo dhaweeyay Agaasimaha Xafiiska TİKA ee Muqdisho, Mudane Zafer EKŞİ.
Booqashada Agaasimaha ayaa diiradda lagu saaray qiimeyn guud oo ku saabsan mashaariicdii horey ay TİKA uga hirgelisay Jaamacadda, iyo sidoo kale ka wada-hadalka iyo qiimeynta mashaariic cusub oo fulintoodu dhowaan bilaaban doonto.
Kulanka ayaa sidoo kale muujinaya xiriirka iskaashi ee miro-dhalka ah ee ka dhexeeya ZUST iyo TİKA, kaas oo door muhiim ah ka qaadanaya horumarinta waxbarashada, cilmi-baarista, beeraha, iyo hal-abuurka teknoolojiyadda ee Jaamacadda.
Türk İşbirliği ve Koordinasyon Ajansı Başkanlığı - TİKA
20/05/2026
The Faculty of Computer and Information Science (CIS) successfully conducted an insightful session on “Building Powerful Prompts for Generative AI.”
The session provided students with practical knowledge and hands-on understanding of how effective prompting can unlock the true potential of Generative AI tools for learning, research, and innovation.
Thank you to everyone who participated and contributed to making the event a great success. Together, we continue exploring the future of AI and digital innovation
18/05/2026
A delegation from Zamzam University of Science and Technology (ZUST), led by Rector Dr. Mohamud Mohamed Hassan Harbi, paid an official visit to Çankırı Karatekin University in Türkiye and was received by Rector Prof. Dr. Mevlüt Karataş.
The visit focused on strengthening academic and institutional cooperation through student and faculty exchange, joint research, and international collaboration. During the meeting, both universities signed a Memorandum of Understanding (MoU) to advance cooperation in education, research, and academic development.
The engagement reflects ZUST’s ongoing commitment to expanding global academic partnerships and fostering higher education collaboration between Somalia and Türkiye.
18/05/2026
Codkaagu waa mustaqbalka matalaadda ardayda.
Waxaa dhammaan ardayda Jaamacadda lagu wargelinayaa in Doorashada Guddoonka Golaha Ardayda ay qabsoomi doonto:
📅 25 May 2026
📍 Xarunta Weyn ee Jaamacadda
14/05/2026
Heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya jaamacadda Zamzam iyo Sakarya University of Applied Sciences.
Sakarya, Türkiye - Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam Dr. Mohamud Hassan iyo Guddoomiyaha jaamacadda Sakarya University of Applied Sciences Prof. Dr. Mehmet Sarıbıyık ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis iskaashi, kadib kulan ay labada dhinac yeesheen.
Heshiiskani waxa uu dejinayaa qaab-dhismeed ay labada jaamacadood uga wadashaqeynayaan ujeeddooyinkooda wadaagga ah ee waxbarashada ku salleysan tijaabada, iskaashiga cilmi-baarista, iyo is-dhaafiga ardayda.
https://bit.ly/4fqRqrg
13/05/2026
Booqasho rasmi ah oo guddoomiyaha Jaamacadda Dr. Mohamud Hassan iyo wafdigiisu ay ku tagaeen Jaamacadda Anadolu Üniversitesi ee dalka Turkiga ayaa kusoo soo dhamaatay saxiixa heshiis iskaashi (MoU) - ballanqaad rasmi ah oo ay labada hay'adood ku doonayaan in ay xoojiyaan xiriirka waxbarashada, cilmi-baarista, iyo is-weydaarsiga tacliinta.
Wafdiga waxaa qaabilay guddoomiyaha jaamacadda Anadolu Üniversitesi Prof. Dr. Yusuf Adıgüzel, iyada oo labada dhinac ay yeesheen wadahadallo miro-dhal ah oo diirada lagu saaray sidii heshiiskan loogu bedeli lahaa waxqabad, iyada oo mudnaanta la siinayo danaha ay wadaagaan labada jaamacadood ee dhinacyada heshiisakni uu taabanayo.
https://zust.edu.so/a-new-era-of-academic-collaboration-zust-signs-mou-with-anadolu-university/
12/05/2026
On this World Nurses Day, we proudly celebrate the dedication, compassion, and professionalism of nurses who remain at the heart of healthcare delivery, patient safety, and community wellbeing.
As a university, we recognize the vital role of nursing education in shaping competent, ethical, and compassionate future health professionals. Today, we honor all nurses, nursing students, educators, and clinical mentors for their commitment to saving lives and serving humanity with dignity.
11/05/2026
Tallaabo kale oo lagu ballaarinayo xiriirada caalamiga ah ee Jaamacadda Zamzam.
Zamzam University of Science and Technology iyo Necmettin Erbakan Üniversitesi ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga waxbarashada, cilmi-baarista wadajirka ah, iyo is-dhaafsiga ardayda iyo macallimiinta ee labada jaamacadood. Iskaashigan waxa uu ka tarjumayaa aragtida Jaamacadda Zamzam ee taageeridda ardayda Soomaaliyeed iyada oo loo marayo xiriir tacliimeed iyo iskaashi hay’adeed oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
http://bit.ly/432z2xy
11/05/2026
Xubno matalayay ardayda kasoo qalinjebineysa iskuulada hay’adda TAYO iyo maamulka jaamacadda Zamzam ayaa yeeshay kulan lagu iftiiminayay haggitaanka iyo tallooyinka ay u baahan yihiin ardaydu si ay tallaabada xigta ee safarkooda waxbarasho ugu galaan kalsooni iyo himillo.
Kulanka oo lagu wadaagay aragtiyo ku saabsan sida loo kobcin karo xirafadaha dhallinyarada, looguna abuuri karo fursado ay ku gaaraan mustaqbal ifaya, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa maamulka hay’adda Waxbarashada ee TAYO.
10/05/2026
Jaamacadda Zamzam oo Heshiis la Saxiixatay Jaamacadda Selçuk Üniversitesi.
Dr. Mohamud Hassan, Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqday jaamacadda Selçuk Üniversitesi, ee dalka Turkiga, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay guddoomiyaha Jaamacadda Selçuk, Prof. Dr. Hüseyin Yılmaz.
Madaxda labada jaamacadood oo yeeshay kulan miro-dhal ah ayaa wada saxiixday heshiis wadashaqeyn cilmibaarista, iyo is-dhaafsiga ardayda iyo macalimiinta.
https://zust.edu.so/zust-and-selcuk-university-signed-academic-cooperation-protocol-forging-a-new-partnership-in-education-and-research/