Mohamed Said Aarka

Mohamed Said Aarka

Share

Qalinkaa Wax Suureeya Kugu Sima Halkad Doonto Saaxib Kal Furan Weye Sunto Fara Ku Heyntiisa Waligaa

06/09/2017

Ururka Alshabaab ayaa beeniyay in sarkaal ka tirsanaa ururka ONLF oo ay dhowaan dowlada Soomaaliya ku wareejisay dowlada Itoobiya inuu xiriir la lahaa, iyadoo maanta kulan ay yeesheen golaha wasiirada go’aanadii ka soo baxay ay ka mid ahayd inuu xiriir la lahaa Cabdikarin Qalbi dhagax ururka Alshabaab.

Sida ay daabaceen warbaahinta taageerta Alshabaab qoraal uu soo saaray ururka ayay isaga fogeeyeen inay wax xiriir ah la lahaayeen Qalbidhagax. “Al-Shabaab waxay si adag iskaga fogeynayaan hadal kasoo yeeray maamulka Farmaajo oo lagu sheegay in Shaqsiga lagu magacaabo Cabdi Kariim Sheekh Muuse “Qalbidhagax” kana tirsan jabhada ONLF uu iskaashi la lahaa Al-Shabaab”.ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Alshabaab.

Warkan ka soo baxay ururka Alshabaab ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo qaar kamid ah mas’uuliyiin lagu xusay qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirada ee maanta Muqdisho ka dhacay ay beeniyeen in heshiis uu dhex maray dowlada federalka soomaaliya iyo dowlada Itoobiya kaasoo fasaxaya in la isku wareejin karo dadka dambiyada ka gala labada dal.

Waxaa isa soo taraya walaaca ku saabsan go’aanka rasmiga ah ee dowladu ka soo saartay arrinta Qalbi dhagax oo maalmihii la soo dhaafay kan ugu hadal haynta badan baraha bulshada iyo warbaahinta maxaliga ah.
Xigasho. Jowhar.com

Photos from Mohamed Said Aarka's post 31/07/2016

Illaa 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday Xarunta CID-da ee dambi baarista Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyadoo weerarkaas uu ku bilowday qarax laga soo buuxiyay labo gaari oo lagu dhiftay afaafka h**e ee xarunta iyo gidaarka dhismaha.

Ciidamada Booliska ee ku sugnaa xarunta ayaa toogasho ku dilay illaa labo ruux oo hubeysneyd, oo xarunta gudaha u soo galay, markii uu qaraxa dhacay.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo ay wehliyeen Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ayaa goobta gaaray, waxaana uu sheegay in ciidamada ay ka hor-tageen kooxihii doonayay inay gudaha xarunta u soo galaan

Wasiirka ayaa sheegay in illaa 7 ruux ay ahaayeen kooxaha hubeysan ee soo weeraray xarunta CID, kuwaasoo uu xusay in saddex ka mid ah ay toogteen ciidamada, halka afar kalena isku qarxisay labada baabuur sida uu yiri.

“Ciidamada Ilaalada CID ayaa mid mid u toogtay kooxdii weerarka soo qaaday, Hal Askari ayaa ka geeriyooday Booliska, 5 ruux waxa ay ahaayeen dadkii shacabka ahaa ee Wadada marayay, 7 waxa ay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday”ayuu yiri Wasiirka Amniga.



Xarunta CID-da ayaa ku dhow isgoyska KM4 oo ah mid mashquul badan, sidoo kale waxaa ka soo hor-jeeda Hotelka Saxafi, xarunta ayaa waxaa maalin walba taga dad kala duwan oo u aada arrimo dacwo iyo in faraha baasaboorka laga qaado.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ay ku dishay 12 askari iyo saraakiil, sida lagu qoray baraha Internet-ka ee taageera kooxda

Waa weerarkii labaad oo Al-Shabaab ka geysato magaalada Muqdisho muddo shan maalmood gudahood, iyadoo Talaadadii la soo dhaafay qaraxyo ismiidaamin ay ka dhaceen agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

26/04/2016

guulaystaa waxay arkaan midhaha guusha waxaanay ilaabaan rafaadka loo marayo
taaa liddigeedana guul darraystayaashu ay arkaan kaliya rafaadka iyo xanuunka hawsha balse aanay arkin midhaha guusha.
Noqo

24/04/2016

Ikraan carale abdi khaliq Abdi Holland iyo hani uk heesta tahriibka
Lawadaag asxbtada

Photos 20/04/2016

Hormuud Meel Aad u Tahay
Halyeey Meel Aad Ka Tahay
Ku Tahay Hodan Aad Ku Tahay
Qof Haybad Leh Aad Ku Tahay
Dalkaaga Laga Helaaa
Tahriibka Dalkaa kuu baahan Wall

16/04/2016

Imtixaan kastoo nolosha ah wuxuu ku tusaa wel wel ama rajo wanaagsan

Dhib kastoo kusoo marana wuxuu kaa dhigaa qof jaba, ama qof sii jira oo ad adag.

Si kastaba, qadarta ilaah waa mid mar walba jirta, doorashaduse waa dhankaada, hadii aad noqon laheyd qof guul wade ah, ama guul dareyste.

Habeen Wangsan Intasamaha Jecel.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Socdaal1267@hotmail. Com
Mogadishu
1235