Abjad Primary & Secondary School

Abjad Primary & Secondary School

Share

Educational institution that gives primary and secondary Education
waa iskuul bixiya adeeg waxbarasho hoose dhexe iyo sare ah.

18/06/2026

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan ardayda Fasalka 8-aad ee Iskuulka Abjad, kuwaas oo maanta si guul leh u soo gabagabeeyey imtixaankoodii.
Waxaan idiin rajaynayaa guul, horumar iyo mustaqbal ifaya. Dadaalkii iyo juhdigii aad muujiseen ha idiin noqdo jaranjaro aad ku gaartaan himilooyinkiinna waxbarasho.


17/06/2026

Ardayda Fasalka 8aad 2025-2026
Imtixaanka shahaadiga Fasalka Ee Agaasinka Gobolka Banaadir

16/06/2026

Fasalka 8 2025-2026
Imtixaanka Qaranka shahaadiga Gobolka

04/06/2026

Waxaan si kal iyo laab ah ugu hambalyeynaynaa Fasalka F2A oo ku guuleystay tartankii ugu dambeeyey ee Xarigga Jiidka ee sanadkan 2026. Sidoo kale waxaan bogaadinaynaa Fasalka 8B oo muujiyey dadaal, geesinimo iyo tartan hufan.

Guushani waa astaan muujinaysa wadajir, adkaysi iyo is-dhexgal wanaagsan oo ardaydeenna lagu barbaarinayo.

Hambalyo mar kale Fasalka F2A! ๐ŸŒŸ
Abjad School: A Source of Knowledge ๐Ÿ“šโœจ



#

31/05/2026

๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฐ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—๐—ฎ๐—ฑ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—œ๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ต๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—™๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿด-๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ ๐—ฒ๐—ฒ ๐—ฆ๐—ฎ๐—ป๐—ป๐—ฎ๐—ฑ-๐—ฑ๐˜‚๐—ด๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ฑ๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ/๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฒ

Dhammaan ardayda Gobolka Banaadir waxaan u rajaynaynaa guul, horumar, iyo natiijooyin wanaagsan oo ay ku farxaan.

30/05/2026

Berito waa maalintii dib loogu soo laaban lahaa fasallada! Waxaan si diirran u soo dhaweynaynaa dhammaan ardaydeenna si ay u sii wataan safarkooda aqooneed.

27/05/2026

โ€œHambalyo Kooxda Kubadda Cagta ee Abjad Football Team โšฝ๐Ÿ†
Guul weyn oo sharaf leh ayay ka gaareen kooxda New Banaadir School kadib ciyaar xiiso badan oo ku dhammaatay 3โ€“0.
Waxaan ku bogaadineynaa dadaalkooda, kartidooda iyo wadajirkooda. Guushu waa bilowga horumar cusub!

27/05/2026

Ciid wanaagsan

25/05/2026

Ogeysiis Muhiim ah
Waxaan halkaan idin kula socodsiinaynaa ardayda, waalidiinta iyo macalimiinta In uu iskuulka Abjad fasax yahay 26-30 May 2026 munaasabadda ciidul adxa awgeed.


.

20/05/2026

Wasaaradda Waxbarashada, waxa ay shaacineysaa Jadwalka rasmiga ah ee lagu gali doono Imtixaanka Qaranka 2026.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu
YAQSHID,MOGADISHUBANAADIR