Al-fajr Model School

Al-fajr Model School Alfajri Model school.(Lafweyn) waa iskuulkii ugu h**eeyay ee qaata magaca Alfajr kaas oo la'aasaasay ALFAJR MODEL SCHOOL (LAFWEYN)

Qaar kamid ah macallimiinta ka howlgala dugsiga Al-Fajr Model School (Lafweyn) ayaa ka qayb galay aqoon-is-weydaarsi muh...
12/09/2026

Qaar kamid ah macallimiinta ka howlgala dugsiga Al-Fajr Model School (Lafweyn) ayaa ka qayb galay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saaray ilaalinta carruurta (Child Protection) iyo sidii loo xoojin lahaa badbaadada, xuquuqda iyo daryeelka carruurta.

Aqoon-is-weydaarsigan waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Tayo for Education, waxaana lagu bartay aqoon iyo habab muhiim ah oo macallimiintu uga qayb qaadan karaan ilaalinta carruurta iyo abuurista jawi waxbarasho oo ammaan ah.

Al-Fajr Model School (Lafweyn) waxay mar walba muhiimad gaar ah siisaa horumarinta aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta, si ardaydu u helaan waxbarasho tayo leh, ammaan ah, oo ku dhisan daryeel iyo ixtiraam.

1-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA
28/08/2026

1-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA

27/08/2026
2-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA
27/08/2026

2-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA

3-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA
26/08/2026

3-MAALIN OO KALIYA AYAA KA DHIMAN FURITAANKA DUGSIGA

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Dugsigeenna ee Fasalka 12aad, gaar ahaan 3-da arday ee kaalmaha...
18/08/2026

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Dugsigeenna ee Fasalka 12aad, gaar ahaan 3-da arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay Imtixaanka Qaranka marka loo eego ardayda Al Fajr Model School( Lafweyn)

1.Maryan Daahir Osmaan
2.Maryan Ali Hassan
3.Naiimo Weydow Cadow

Guushan waxay ka tarjumaysaa dadaal, adkaysi, karti iyo juhdi ay muujiyeen ardaydu intii ay ku jireen waxbarashadooda.

Waxaan sidoo kale mahad iyo bogaadin u jeedinaynaa waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka dugsiga oo si weyn uga qayb qaatay Guushaan

Mahadsanidiin

17/08/2026

Guul iyo Hiigsi Cusub

Maamulka Dugsiga ayaa ka warbixiyay dadaalkii iyo guulihii waaweynaa ee laga gaaray sanad-dugsiyeedkii soo dhammaaday. Waxaa farxad gaar ah leh in ardaydii labada fasal ee shahaadiga ahaa aysan sanadkan jirin arday ka haray ama ku soo laabtay dugsiga.

Maamulka wuxuu sheegay in sanad-dugsiyeedka cusub la hiigsan doono guulo ka waaweyn kuwii h**e, iyadoo xoogga la saarayo waxbarashada, tayada iyo horumarka ardayda.

Guulihii shalay waa bilowga guulaha berri.

17/08/2026

Mid ka mid ah waalidiinta ardayda dugsiga ayaa sheegay in maanta uu carruurtiisa cusub ku diiwaangeliyay dugsiga, halka carruurtiisii kale ay hadda waxbarashadooda ku gabagabaynayaan dugsigan. Taasi waxay muujinaysaa kalsoonida uu waalidku ku qabo dugsiga iyo tayada waxbarashadiisa.”

16/08/2026

Maamulka dugsiga Al-fajr Model School ayaa ka hadlay *diiwaangalinta ardayda,*. Maamulka ayaa sheegay in diyaar-garowga sannad-dugsiyeedka cusub uu socdo, isla markaana ardayda iyo waalidiinta looga baahan yahay inay raacaan jadwalka iyo ogeysiisyada rasmiga ah.

πŸŽ“πŸŒŸ Hambalyo, hambalyo, hambalyo! πŸŽ‰πŸ‘Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleysta...
15/08/2026

πŸŽ“πŸŒŸ Hambalyo, hambalyo, hambalyo! πŸŽ‰πŸ‘

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay kuna gudbay imtixaanka fasalka 12aad. Guushiinnu waa mid ka dhalatay dadaal, dulqaad, adkaysi iyo juhdi badan. Waxaan idiin rajaynaynaa mustaqbal ifaya iyo guulo ka waaweyn.

Si gaar ah, waxaan hambalyo aan la soo koobi karin u diraynaa ardayda Dugsiga Al-Fajr Model School – Lafweyn ee dhammaantood si guul leh uga gudbay imtixaanka. πŸŽ“πŸ†

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa, waalidiinta, macallimiinta iyo maamulka dugsiga, kuwaas oo door weyn ka qaatay guushan qiimaha badan.

Ardayda Al-Fajr, waxaad maanta tihiin guuleystayaal, berrina waxaad noqon doontaan hoggaamiyeyaasha iyo aqoonyahannada dalka. πŸ‡ΈπŸ‡΄β€οΈ

Hambalyo dhammaantiin!
Guul iyo mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa. πŸŒΉπŸŽ“βœ¨

Al-Fajr Model School Lafweyn: hoyga tacliinta iyo bar baarinta ubad kaaga.

Address

Jidka Soddonka, Agagaarka Ex Hotel Lafweyn
Mogadishu

Opening Hours

Monday 07:00 - 17:00
Tuesday 07:00 - 17:00
Wednesday 07:00 - 17:00
Saturday 07:00 - 17:00
Sunday 07:00 - 17:00

Telephone

+252614799904

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Al-fajr Model School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Al-fajr Model School:

Shortcuts

Share

Category