๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด ๐—ข๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น

๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด ๐—ข๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น

Share

Galmudug Ogaal

10/03/2026

IRAN: โ€œDagaalka adaa bilaabay, Mareykanoow, laakiin dhammaadkiisa annaga ayaa goโ€™aan ka gaareynaโ€

Xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Mareykanka ayaa sii xoogeysatay saacadihii iyo maalmaha ugu dambeeyey, kadib hadallo kulul iyo weerarro militari oo is-daba joog ah oo ka socda Bariga Dhexe. Dowladda Iran ayaa si cad u sheegtay in aysan aqbali doonin in Mareykanka goโ€™aamiyo dhammaadka dagaalka socda, iyagoo adkeeyey in Tehran ay tahay cidda goโ€™aamin doonta waqtiga iyo sida uu u dhammaanayo dagaalku.

10/03/2026

Hormuud Telecom ayaa ku dhawaaqday in ay bixisay deeq lacageed oo dhan $700,000 (Toddoba boqol oo kun oo doollar) si loogu gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu taageero qoysaska ay dhibaatadu gaartay, iyadoo lagu bixinayo biyo nadiif ah, cunto iyo adeegyada aasaasiga ah ee nolosha, si loo yareeyo saameynta abaarta iyo xaaladaha nololeed ee adag ee ay wajahayaan bulshada.

Gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee shirkaddu ku taageerto bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan xaaladaha baniโ€™aadannimo ee degdegga ah.


10/03/2026

๐Ÿ‘€
Global Partnership for Education
World Bank Group
World Food Programme
Farah Sheikh Abdulkadir
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Galmudug State House
Ali Dahir Eid
Ahmed Abdi Kaarie
Golaha Wakiillada Galmudug
Munasar Maxamed

09/03/2026

This video presents evidence indicating widespread corruption within the Global Partnership for Education (GPE) project implemented under the Ministry of Education of Galmudug State. It also highlights the difficult conditions faced by public schools in Adado District.

The evidence demonstrates that many classrooms are severely overcrowded due to the failure to properly implement planned education infrastructure improvements. Funds that were allocated for the construction of new classrooms, the rehabilitation of existing facilities, and the overall development of school infrastructure appear to have been mismanaged and diverted from their intended purpose. Instead of addressing the urgent needs of schools and students, these resources are alleged to have been used for personal interests.

These issues raise serious concerns about transparency, accountability, and the effective use of international education funding intended to support and improve learning conditions for children.

AgainstCorruption, Fraud, and Misuse of Funds.

Global Partnership for Education
World Bank Group
World Food Programme
Farah Sheikh Abdulkadir
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Ahmed Abdi Kaarie
Ali Dahir Eid

04/02/2026

With Galmudug State House โ€“ I just got recognized as one of their top fans! ๐ŸŽ‰

04/02/2026

With Ahmed Abdi Kaarie โ€“ I just got recognized as one of their top fans! ๐ŸŽ‰

04/02/2026

With Golaha Wakiillada Galmudug โ€“ I just got recognized as one of their top fans! ๐ŸŽ‰

25/01/2026

TRUMP OO ITOOBIYAANKA KASOO TARXIILAYA MAREYKANKA!

Dowladda Mareykanka ayaa goโ€™aansatay in ay joojiso sharcigii ku-meel-gaarka ahaa ee (TPS-ka)ee kahortagayay in muwaadiniinta Itoobiyaanka ah laga masaafuriyo Mareykanka.

TPS waa sharci oggolaanaya in qofku uu Mareykanka ku sii nagaan karo si kumeel gaadh ah, sababa la xidhiidha xaaladaha adag ee ka jira dalkiisa.

Dadka Itoobiyaanka ah ee haysta TPS waxaa lagu wargeliyay in ay dalka Mareykanka ka baxaan 13-ka bisha Febraayo 2026, kadib markii Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Kristi Noem ay si rasmi ah u soo afjartay sharcigii ilaalinayay dadka Itoobiyaankaa. Haddii goโ€™aankani uu dhaqan galana, in ka badan 5,000 oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Mareykanka ayaa wajihi kara masaafuris.

Waxayna tani sababtay in saddex muwaadin oo Itoobiyaan ah oo kaashanaya difaacayaasha xuquuqda muhaajiriinta ay dacwad kusoo oogaan Dowladda Federaalka Mareykanka, iyagoo dalbanaya in maamulka Trump uu ka laabto goโ€™aankan.

Dacwada ayaa loo gudbiyay Maxakamad federal oo ku taala Boston, waxayna dacwad-oogayaashu ku doodayaan in go'aankani yahay mid cadaalad daro ah oo lagu takoorayo dadka madow.

Waxaa xusid mudan in dadka Soomaalida ee haysta sharciga TPS-ka iyo kuwa aan wali helin ee sugaya oo tiradoodu gaadhayso 4000 oo Soomaali ah loo qabtay iney ugu dambeyn dalka Mareykanka ka baxaan 17-ka bisha March, halka Itoobiyaanka oo 5000 gaadhaya la yidhi idinku soomaalida kasii horeeya oo bisha February kasii dareera Mareykanka. (Waa hadii sharcigan dhaqangalo.)

Photos from ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด ๐—ข๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น's post 25/01/2026

GOLAHA WADATASHIGA QARANKA (GWQ)
WAR-MURTIYEED

24-Jannaayo 2026: Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag ah ku yeesheen Xubanaha Golaha, uuna shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxaana kasoo baxay qodobbaadan Hoose.

1. Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.

2. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.

3. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.

4. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.

5. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.

6. Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

DHAMMAAD.

Photos from ๐—š๐—ฎ๐—น๐—บ๐˜‚๐—ฑ๐˜‚๐—ด ๐—ข๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—น's post 25/01/2026

Maamulka Degmada Gerijir oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada, Mudane Zakariye Cabdi Faarax, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay hayโ€™ado samafal oo ka howlgala qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan (Hirshabeelle). Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladaha abaareed ee ka jirta Degmada Gerijir iyo deegaannada hoos yimaada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Dowladda Hoose, iyo Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Degmada, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay saameynta abaarta iyo baahiyaha degdegga ah ee ay wajahayaan bulshada deegaanka.

25/01/2026

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalalkii mudada dheer ku raaxaysanayay juqraafi ammaan ah ay hada markii ugu horeysay wajahayaan xaqiiqda xasiloonida darada ka jirta Dunida.

Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu mudo dheer dhaleecaynayay nidaamka caalamiga ah ee Cadaalad darada ku dhisan, taas badalkeeda ay reer Yurub iyagu xiligaasi dhaleecayn jireen Turkiga balse maanta ay taageersan yihiin oo ay indhahooda ku arkeen xaqiiqda Adduunka taala.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Dhuusamareb
Mogadishu
***