Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe

Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe

Share

Hoyga Aqoonta Iyo barbaarinta Barbaarta Soo kooreysa. ee Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe ๐Ÿซ hadda soo gaar si aad u Hesho aqoon tayo sare leh.

17/08/2026

๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐›, ๐Ÿ๐Ÿ• ๐€๐ ๐จ๐จ๐ฌ๐ญ๐จ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Waxaa lagu casuumayaa ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bulshada inay kasoo qayb galaan xafladda lagu shaacinayo natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe, sanad-dugsiyeedka 2025โ€“2026.

๐Ÿ“… Taariikh: 17 Agoosto 2026
โฐ Waqtiga: 7:00-da Habeenimo
๐Ÿ“ Goobta: Xarunta Golaha Wakiillada Dowlada Galmudug.

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WAXBARASHADA DOWLADDA GALMUDUG.

T (Tiktok):https://www.tiktok.com/

X(Twitter):https://x.com/MoECHEGalmudug

16/08/2026

๐–๐š๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง

Shaacinta Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Dhexe, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Photos from Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe's post 15/08/2026

๐ŸŽ“โœจ HAMBALYO IYO BOGAADIN AAN LA QIYAASI KARIN! โœจ๐ŸŽ“
๐Ÿ’ Maamulka, Macallimiinta, Waalidiinta iyo dhammaan REER WAABERI waxay si kal iyo laab ah ugu hambalyeynayaan dhammaan ardayda fasalka F4 ee maanta helay natiijada imtixaankooda. ๐ŸŽ‰๐Ÿ“š
๐ŸŒŸ Maanta ma aha oo keliya maalin natiijo la helay, ee waa maalin lagu miro dhalay dadaal, dulqaad, hurdo laโ€™aan, juhdi iyo rajo badan oo ay ardaydu soo mareen.
๐Ÿ‘ Macallimiintu waxay ku faraxsan yihiin miro-dhalkii dadaalkooda iyo aqoontii ay idinla wadaageen.
โค๏ธ Waalidiintu waxay ku faraxsan yihiin guusha iyo horumarka ubadkooda.
๐Ÿซ Dhammaan Reer Waaberi waxay idinla wadaagayaan farxadda iyo guusha maanta.
๐ŸŽ“ Ardayda F4 ee Waaberi Primary and Secondary School โ€“ Godinlabe, waxaad tihiin sharaf iyo rajada mustaqbalka. Guusha aad maanta gaadheen ha noqoto bilowga guulo ka waaweyn oo mustaqbalka idin sugaya. ๐ŸŒโœจ
๐Ÿคฒ Alle ha idiin barakeeyo aqoontiinna, ha idiin furo albaab kasta oo kheyr leh, hana idiin fududeeyo waxbarashada iyo mustaqbalkiinna.
๐Ÿ’ซ HAMBALYO F4! HAMBALYO WAABERI! ๐Ÿ’ซ
๐ŸŽ‰โค๏ธ Hambalyo waxaa idin diraya:
๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿซ Macallimiinta Waaberi
๐Ÿ‘จโ€๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿ‘งโ€๐Ÿ‘ฆ Waalidiinta Ardayda
๐Ÿซ Maamulka iyo Shaqaalaha Dugsiga
โค๏ธ Iyo dhammaan Reer Waaberi
๐ŸŒน Maanta waa farxaddiinna, berri waa guushiinna! ๐ŸŒน
๐Ÿซ WAABERI PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL โ€“ GODINLABE
๐Ÿ“š โ€œAqoontu waa furaha mustaqbalka.โ€ ๐Ÿ”‘โœจ

Photos from Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe's post 17/06/2026

Maanta waxaa si rasmi ah ugu soo gabagaboobay Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasalka 8-aad ee Ardayda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waaberi โ€“ Godinlabe, kaas oo ay qaadaysay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug.

Ardayda Waaberi ayaa muujiyey dadaal, adkaysi iyo karti ay ku wajahayeen imtixaankan muhiimka ah ee lagu qiimeynayo heerka aqoontooda, kadib muddo dheer oo ay ku jireen waxbarasho iyo diyaar-garow joogto ah. Maanta waxay soo afmeereen marxalad muhiim ah oo ka mid ah safarkooda waxbarasho, taas oo u gogol xaaraysa heerarka waxbarasho ee ka sarreeya.

Maamulka, macallimiinta iyo bahda Dugsiga Waaberi waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ardayda fasalka 8-aad ee si guul leh u dhammaystiray imtixaankooda, iyagoo Alle uga baryaya inuu ku guuleeyo dadaalkoodii, kuna mannaysto natiijooyin wanaagsan oo ka turjumaya juhdigii iyo waqtigii ay geliyeen waxbarashadooda.

Sidoo kale, maamulka dugsigu wuxuu mahadnaq u jeedinayaa Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, waalidiinta iyo macallimiinta oo door muhiim ah ka qaatay diyaarinta iyo dhiirrigelinta ardayda, si ay ugu gudbaan imtixaankan qaran ee muhiimka ah.

Ardaydeena qaaliga ahow, guusha dhabta ahi waxay ku timaaddaa dadaal, samir iyo kalsooni. Waxaan idiin rajaynaynaa natiijooyin farxad leh, horumar joogto ah iyo mustaqbal ifaya oo aad ku gaartaan himilooyinkiinna waxbarasho.

Hambalyo Ardayda Fasalka 8-aad ee Dugsiga Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe ee maanta soo gabagabeeyey Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee ay qaadaysay Wasaaradda Waxbarashada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug . Guul iyo gobannimo ayaan idiin rajaynaynaa.

Photos from Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe's post 13/06/2026



Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waaberi ayaa munaasabad sagootin ah u sameeyey Dufcaddii 2-aad ee Ardayda Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare, kuwaas oo isu diyaarinaya ka qaybgalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedka 2025โ€“2026.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu dhiirrigelinayey ardayda, lagulana wadaagayey dardaaran iyo ducooyin ku aaddan guusha imtixaanka iyo mustaqbalkooda waxbarasho. Maamulka iyo macallimiintu waxay ardayda u rajeeyeen guul, horumar iyo inay ka soo hooyaan natiijooyin wanaagsan imtixaanka horyaalla.

Maamulka iyo bahda waxbarashada Dugsiga Waaberi dhammaan ardayda Dufcaddii 2-aad u rajaynayaan guul iyo mustaqbal ifaya.

Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waaberi School Godinlabe

โ€œ Waa Furaha Horumarka.โ€
" Hoyga Barbaarinta Jiilka "
" Biir"

~DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta.
Zakariye Shiikh Cabdi
Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe

Photos from Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe's post 12/06/2026

Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Dufcadda 2-aad ee Fasalka 12-aad (Form Four) iyo Dufcadda 10-aad ee Fasalka 8-aad ee Ardayda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Waaberi ayaa lagu qabtay gudaha Degmada Godinlabe, gaar ahaan hoolka dugsiga.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd ducayn iyo sagootin loo sameeyo ardayda fasallada shahaadiga ah ee sanadkan u fariisanaya imtixaannada heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Isku-duwayaal, Maamulka Degmada Godinlabe oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada Godinlabe iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada, Culimaaโ€™udiin, bahda waxbarashada degmada iyo deegaannada hoos yimaada, Maamulka Dugsiga Waaberi, Macallimiin, Waalidiin, Arday iyo marti-sharaf kala duwan.
Masโ€™uuliyiintii, culimada iyo marti-sharaftii ka hadashay munaasabadda ayaa ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, akhlaaq wanaagsan iyo kalsooni, si ay ugu guulaystaan imtixaannada horyaalla, iyagoo sidoo kale u duceeyey ardayda kana rajeeyey mustaqbal wanaagsan, guulo w7aaweyn iyo natiijooyin ay ku farxaan.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday jawi farxad, duco iyo dhiirrigelin, iyadoo dhammaan ka qaybgalayaashu ay muujiyeen taageerada ay u hayaan ardayda u diyaar garoobaysa imtixaannada shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedkan. :::

11/06/2026

Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen Dufcadda 2-aad ee Fasalka 12-aad iyo Dufcadda 10-aad ee Fasalka 8-aad ee Ardayda Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe ayaa lagu qabtay gudaha Degmada Godinlabe, gaar ahaan hoolka dugsiga.

Wariye Zakariye Shiikh Cabdi

06/06/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Ayaa shaacisay Xarumaha lagu galayo Imtixaanka Fasalka 8aad Ee Dugsiga Dhexe.

Guul ayaan urajaynaynaa dhamaan ardayda galaysa Imtixaanka, gaar Ahaan Ardayda Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe

26/05/2026

๐ŸŒ™โœจ Hambalyo Ciidul Adxaa โœจ๐ŸŒ™

Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe waxay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Waalidiinta iyo Ardayda ugu hambalyeynayaan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa.

Waxaan idiin rajeynaynaa Ciid farxad leh, caafimaad, nabad iyo barwaaqo ku dheehan tahay.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana kheyr iyo bashbash ha inagu gaarsiiyo.

๐ŸŽ‰ Ciid Mubaarak ๐ŸŽ‰



Photos from Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe's post 21/05/2026

๐Ÿ†๐Ÿฅ‡๐Ÿ†HAMBALYO FASALKA FORM ONE ๐Ÿ† ๐Ÿฅ‡ ๐Ÿ†

๐Ÿ† AQOON-KAAB
๐ŸŽŠ ๐Ÿ‘

๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š โ€œ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง-๐Š๐š๐š๐›โ€ ๐ž๐ž ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž ๐ˆ๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ซ๐ž ๐„๐ž ๐–๐š๐š๐›๐ž๐ซ๐ข โ€“ ๐†๐จ๐๐ข๐ง๐ฅ๐š๐›๐ž ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐จ๐ฐ๐๐š๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฑ๐š๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐š๐, ๐ค๐ฎ๐ง๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐ฃ๐š๐ฐ๐ข ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฅ, ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐ฅ๐ž๐ก, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š.

๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ก ๐›๐š๐ซ๐ง๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฃ๐ฒ๐š๐๐š ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐š๐๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ค๐จ๐ซ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ช๐š๐š๐๐จ ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ญ๐š ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š, ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐ฌ๐ข ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ฎ๐ ๐š ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ ๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐…๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐Ž๐ง๐ž ๐ข๐ฒ๐จ ๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐“๐ฐ๐จ, ๐ค๐ฎ๐ฐ๐š๐š๐ฌ ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐š๐๐š๐  ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐๐š๐š๐ฅ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ช๐๐š.
๐‰๐š๐ฐ๐ข๐ ๐š ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐š๐ก๐š๐š ๐ฆ๐ข๐ ๐š๐ฒ ๐ค๐š ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š๐ญ๐š๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ข๐ฌ๐จ, ๐ฑ๐š๐ฆ๐š๐š๐ฌ๐š๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ก๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐ข๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง, ๐ข๐ฒ๐š๐๐จ๐จ ๐š๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐›๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง, ๐ค๐š๐ซ๐ญ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ฒ๐š๐š๐ซ ๐ ๐š๐ซ๐จ๐ฐ ๐ฐ๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง.

๐”๐ ๐ฎ ๐๐š๐ฆ๐›๐ž๐ฒ๐ง, ๐ญ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง๐ค๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐ฌ๐ข ๐ช๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฑ ๐›๐š๐๐š๐ง, ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ๐ง๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ก๐ฎ ๐ซ๐š๐š๐œ๐๐š๐ฒ ๐…๐š๐ฌ๐š๐ฅ๐ค๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฆ ๐Ž๐ง๐ž, ๐จ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ฃ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐๐š๐š๐ฅ ๐ฌ๐š๐ซ๐ž.

- ๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ -

Xafiiska Warfaafinta - ISKUUL WAABERI GODINLABE
FB Waaberi Primary and Secondary School Godinlabe
Tik:https://www.tiktok.com/?_r=1&_t=ZM-91RruMQCi1T

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address


Godinlabe
Mogadishu