Dugsiga Hoose Dhaxe ee Kaxda

Dugsiga Hoose Dhaxe ee Kaxda Waxbarasho tayo leh oo lacag la`aan ah.

Maamuuska iyo abaalmarinta Ardayda Kaalmaha H**eMaamulka Dugsiga Kaxda ayaa abaalmarinno ka kooban agab waxbarasho guddo...
23/09/2026

Maamuuska iyo abaalmarinta Ardayda Kaalmaha H**e

Maamulka Dugsiga Kaxda ayaa abaalmarinno ka kooban agab waxbarasho guddoonsiiyay ardaydii kaalmaha h**e ka galay sanad-dugsiyeedka 2025–2026, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda, kartidooda iyo guulaha ay ka gaareen waxbarashada.

Maamulka Dugsigu wuxuu ku boorrinayaa ardayda la maamuusay inay sii wadaan dadaalkooda, halka dhammaan ardaydana lagu dhiirrigelinayo inay ku daydaan dadaalka iyo horumarka ay muujiyeen.

Hambalyo dhammaan ardayda guuleysatay!

Imtixaanka Qiimeynta Fasallada 1aad–6aadWaxaa si guul leh noogu soo dhammaaday qaadista iyo shaacinta natiijooyinka Imti...
13/09/2026

Imtixaanka Qiimeynta Fasallada 1aad–6aad

Waxaa si guul leh noogu soo dhammaaday qaadista iyo shaacinta natiijooyinka Imtixaanka Qiimeynta Fasallada 1aad ilaa 6aad, kaas oo ay u fariisteen ku dhawaad 100 arday.

Imtixaankan waxaa loogu talagalay in lagu qiimeeyo heerka aqoonta, fahamka iyo awoodda waxbarasho ee ardayda, si loo ogaado heerka ay joogaan, loona kala habeeyo fasallo ku habboon aqoontooda iyo fahamkooda.

Natiijooyinka qiimeyntan waxay ka caawin doonaan maamulka iyo macallimiinta in arday kasta lagu meeleeyo fasalka iyo heerka waxbarasho ee ku habboon, si loo xoojiyo waxbarashadiisa, loona hubiyo in uu si wanaagsan ula jaanqaadi karo manhajka iyo heerka fasalka loo qoondeeyo.

Dugsiga Kaxda wuxuu sii wadaa dadaalka lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo in arday kasta helo waxbarasho ku habboon awooddiisa iyo heerkiisa aqooneed.

05/09/2026

Maxaa Sabab u ahaa Guusha taariikhda ah Dugsiga Hoose Dhaxe ee Kaxda ?

Ahmed Mohamed Dahir
Maamulaha dugsiga.

05/09/2026

Hordhaca Qudbadaha Xafladda maamuuska fasalka 8aad.

Maamulka Dugsiga Kaxda, oo ay garab taagan yihiin Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaxda, bahda...
03/09/2026

Maamulka Dugsiga Kaxda, oo ay garab taagan yihiin Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Maamulka Degmada Kaxda, bahda waxbarashada, odayaasha dhaqanka iyo culumaa’udiinka, ayaa bilado iyo shahaadooyin ku maamuusay ardayda Fasalka 8aad iyo macallimiintii gacan ka geystay guusha taariikhiga ah ee Dugsiga Kaxda.

Ardayda iyo macallimiintu waxay Dugsiga Kaxda iyo guud ahaan Degmada Kaxda u soo hoyiyeen guul weyn, kaddib markii Dugsigu kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir.

Guushan waxay markhaati u tahay dadaalka ardayda, hufnaanta macallimiinta, taageerada waalidiinta iyo wadajirka bulshada Kaxda.

Hambalyo Dugsiga Kaxda! 🎓🏆
Hambalyo Degmada Kaxda! 🎉
Guusha maanta waa bilowga hiigsiga berri.

Hordhac: Sawirrada Xafladda Maamuuska iyo Hambalyada Guusha Dugsiga Kaxda 🎓Guushan taariikhiga ah waxaa loo dabaaldegay ...
03/09/2026

Hordhac: Sawirrada Xafladda Maamuuska iyo Hambalyada Guusha Dugsiga Kaxda 🎓

Guushan taariikhiga ah waxaa loo dabaaldegay guushii ay macallimiinta iyo ardayda Fasalka 8aad ka soo hoyeen Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir.

Waxay ahayd maalin xusuus iyo farxad gaar ah u leh Dugsiga Kaxda, iyadoo la maamuusay dadaalka iyo kaalinta ay macallimiintu iyo ardaydu ka qaateen guushan.

Hambalyo dhammaan ardayda iyo macallimiinta Dugsiga Kaxda!

Ku: Maamulka iyo Shaqaalaha Daris SystemMAHADNAQ IYO AMMAAN GAAR AHMaamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Kaxda wuxuu...
20/08/2026

Ku: Maamulka iyo Shaqaalaha Daris System

MAHADNAQ IYO AMMAAN GAAR AH

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Kaxda wuxuu mahadnaq iyo bogaadin aan la soo koobi karin u jeedinayaa Maamulka iyo dhammaan shaqaalaha Daris System, oo ah nidaam platform iyo app ah, kaas oo saddexdii sano ee la soo dhaafay si weyn uga qayb qaatay halganka Dugsiga Kaxda ee ku aaddan gaarista yoolalkiisa iyo horumarinta nidaamka maamulka dugsiga.

Muddo saddex sano ah oo aan wada shaqaynaynay, Daris System wuxuu wax weyn ka tari jiray habsami-u-socodka iyo maareynta hawlaha maalinlaha ah ee dugsiga, gaar ahaan maamulka iyo maaraynta xogta ardayda, diiwaangelinta, xiriirka iyo adeegyada waalidiinta, hawlaha waxbarashada iyo shaqooyinka kala duwan ee maamulka dugsiga.

Adeegsiga nidaamkan wuxuu Dugsiga Kaxda ka caawiyey in hawlo badan oo h**e u baahnaa waqti iyo dadaal badan loo maareeyo si nidaamsan, fudud, hufan oo casri ah.

Maamulka Dugsiga Kaxda wuxuu si weyn u aaminsan yahay in bahda Daris System ay qayb muuqata ka qaateen guusha taariikhiga ah ee dugsigu sanadkan ka gaaray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir, halkaas oo Dugsiga Kaxda uu ka gaaray natiijo heer sare ah oo ka dhigtay mid ka mid ah dugsiyada ugu wanaagsan dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guushan waxaa ka dambeeya dadaalka ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo maamulka, balse sidoo kale waxaa muhiim ah in la aqoonsado doorka nidaamyada casriga ah ee maamulka iyo xogta, oo Daris System uu qayb muhiim ah ka ahaa.

Mahadnaq Gaar ah

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa:
Eng. Ismaaciil Maxamed Jamaal
oo suurto-geliyey in Dugsiga Kaxda uu Daris System ku helo deeq ahaan, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin, taas oo ahayd taageero qiimo weyn u leh dugsiga iyo horumarkiisa.
Sidoo kale, mahadnaq gaar ah waxaan u jeedinaynaa:
Eng. Cabdimaalik Cusmaan Axmed (Eng. Niinile)
oo mar walba heegan u ahaa horumarinta iyo hagaajinta nidaamka, isla markaana Dugsiga Kaxda si joogto ah u siin jiray taageero farsamo iyo talo, saacad kasta oo loo baahdo.
Dhammaan walaalaha Daris System, waxaan idiinka mahadcelinaynaa aqoonta, waqtiga, dadaalka, dulqaadka iyo taageerada aad siisay Dugsiga Kaxda saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo horumar joogto ah, waxaana Alle SWT ka baryaynaa inuu aqoontiinna iyo xirfaddiinna idiin barakeeyo, dadaalkiinna ka dhigo mid miro dhal ah, idinkana abaalmariyo khayr badan.

Daris System — Aqoontiinnu waxay qayb ka noqotay horumarkeenna.

Maamulka Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Kaxda

OGAYSIIS MUHIIM AH – DIIWAANGELINTA ARDAYDA CUSUB Dugsiga Kaxda, oo ka mid ah Dugsiyada Dowladda (Public Schools), wuxuu...
16/08/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH – DIIWAANGELINTA ARDAYDA CUSUB

Dugsiga Kaxda, oo ka mid ah Dugsiyada Dowladda (Public Schools), wuxuu ku wargelinayaa waalidiinta in dugsigu qaadan doono arday cusub sanad-dugsiyeedka 2026–2027, laga bilaabo:

• Fasalka 1aad ee dugsiga hoose ilaa Fasalka 1aad ee dugsiga sare.

 Dugsiga waxaad ka heli doontaa
 Adeeg Waxbarasho Tayo leh oo Lacag La’aan ah
 Macallimiin Qaranka oo leh Aqoon iyo Khibrad Sare oo la tijaabiyay
 Deegaan waxbarashada ku haboon.

Goobta: Xaafadda Boqolka-Degmada Kaxda, Muqdisho
Nagala soo xiriir: 61 7468080
www.kahdaschool.so
Fursadda ha seegin — hadda isdiiwaangeli!

Mahadnaq Macallimiinta Dugsiga KaxdaWaxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa Dhammaan macallimiinta Dugsiga Kaxda, ...
15/08/2026

Mahadnaq Macallimiinta Dugsiga Kaxda

Waxaan si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa Dhammaan macallimiinta Dugsiga Kaxda, gaar ahaan kuwa horseeday guulaha iyo natiijooyinka muuqda ee sanadkan. Dadaalkiinna, samirka, aqoonta iyo hagiddiinna ayaa qayb weyn ka qaatay guulaha ardaydeena.

Macallin kasta oo dadaalay, waqti geliyay, ardaydiisana garab istaagay -mahadsanid.

Guushu waa wadajir, waxaana idin leenahay: "Malaayiin jeer mahadsanidiin, macallimiin!"

Guushu waa bilow, hiigsiguna waa ka sarreeyaa.

🏆 HALYEYGA HOREEDA GUUSHA 🌟Halyeeyga horseeday guusha Dugsiga Kaxda ee MaadadaTiknolaji, kaalin muuqata ka galay Natiija...
15/08/2026

🏆 HALYEYGA HOREEDA GUUSHA 🌟

Halyeeyga horseeday guusha Dugsiga Kaxda ee MaadadaTiknolaji, kaalin muuqata ka galay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8aad ee Gobolka Banaadir.

Waxaan hambalyo iyo mahadnaq gaar ah u diraynaa Bare Cumar Maxamed Maxamuud, oo dadaalkiisa, aqoontiisa iyo hagitaankiisa ku gaarsiiyey Dugsiga Kaxda Kaalinta 8aad ee Maadada Cilmi Bulsho

👨‍🏫Bare Cumar, guushani waxay ka tarjumaysaa dadaalkaaga, dulqaadkaaga iyo sida hagar la’aanta ah ee aad ugu shaqaysay horumarinta aqoonta ardayda.

Mahadsanid macallin — malaayiin jeer!

Address

Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 22:30
Tuesday 08:00 - 22:30
Wednesday 08:00 - 22:30
Thursday 08:00 - 22:30
Friday 09:30 - 22:30
Saturday 08:00 - 22:30
Sunday 08:00 - 22:30

Telephone

+252617468080

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dugsiga Hoose Dhaxe ee Kaxda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Dugsiga Hoose Dhaxe ee Kaxda:

Shortcuts

Share