Mustaqbal Primary & Secondary School

Mustaqbal Primary & Secondary School Kuma qanco hooseynta - K**a quusto guusha - Ma dhibsado rafaadka

15/05/2026

๐ŸŒŸ Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด
Maamulka, Macallimiinta iyo Ardayda School-ka Mustaqbal waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May โ€” Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed .
Maalintani waa maalin lagu xusuusto halgankii iyo geesinimadii dhallinyaradii Soomaaliyeed ee naftooda iyo waqtigooda u huray xorriyadda iyo midnimada dalka. Waxay astaan u tahay waddaniyad, isku duubni iyo himilo sare oo ay dhallinyaradu leeyihiin.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu dalkeenna siiyo nabad, horumar iyo mustaqbal ifaya.
๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด Hambalyo Maalinta SYL ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxa Macalin mudankiisu yahay doqoni waa moog
21/11/2025

Waxa Macalin mudankiisu yahay doqoni waa moog

TacsiMaamulka, macallimiinta iyo dhammaan hawlwadeennada Dugsiga Mustaqbal waxay si murugo iyo tiiraanyo leh uga tacsiye...
01/09/2025

Tacsi

Maamulka, macallimiinta iyo dhammaan hawlwadeennada Dugsiga Mustaqbal waxay si murugo iyo tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid ardaygeennii qaaliga ahaay Ayuub Cabdiraxmaan Maxamuud
Waxaan Alle (SW) uga baryaynaa inuu naxariistii Janno ku gallado, qabrigiisana u waasiciyo, qoyskii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay samir iyo iimaan ka siiyo.
Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

27/08/2025
๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€
07/08/2025

๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€๐Ÿ‘€

Waxaa farxad iyo sharaf noo ah inaan si rasmi ah idinku wargelinno in shaacinta natiijada Imtixaanka ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž (๐—™๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐Ÿด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ) ee sannad-dugsiyeedka ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐโ€“๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ la qaban doono Maalinta Khamiista, ๐Ÿญ๐Ÿฐ-๐—ธ๐—ฎ ๐—”๐—ด๐—ผ๐—ผ๐˜€๐˜๐—ผ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฑ.

Dhammaan ardayda iyo waalidiinta waxaan u rajeynaynaa natiijo ay ku farxaan.

Dugsiga Mustaqbal Primary and Secondary School ayaa qabtay xaflad abaalmarin heer sare ah oo lagu maamuusay ardayda iyo ...
28/05/2025

Dugsiga Mustaqbal Primary and Secondary School ayaa qabtay xaflad abaalmarin heer sare ah oo lagu maamuusay ardayda iyo shaqsiyaadka muujiyay dadaal, karti, iyo akhlaaq wanaagsan sanad dugsiyeedka. Munaasabadda oo ka dhacday garoonka dugsiga ayaa waxaa lagu guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan guuleystayaashii tartamada aqoonta, isboortiga, iyo shaqsiyadii Sannadka. Macallinka Sanadka waxaa loo aqoonsaday Mudane Maxamed Xasan Xuseen (Tamaniya), halka Ardayga Sanadka ay noqotay Maaโ€™ido Ali Hussein. Xafladdu waxay caddeyn u ahayd sida dugsigu ugu heelan yahay dhiirrigelinta tacliinta iyo horumarinta ardayda.

Mahad oo idil waxa ay u sugnaatay Allah (SWT) .Tartan aqooneed kii Galinka dambe ee Mudada dheer  kasocday Mustaqbal Pri...
22/05/2025

Mahad oo idil waxa ay u sugnaatay Allah (SWT) .

Tartan aqooneed kii Galinka dambe ee Mudada dheer kasocday Mustaqbal Primary & Secondary School ayaa soo gabagaboobay Shalay oo Arbaco aheed Taariikhduna ku beegneet 21-5-2025.
Kadib Markii ay Final isugu yimideen labada Fasal Ee kala ah 6aad A iyo 4aad, waxaana halkas Guushu ku raacday Fasalka 4aad .
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO.
*** Fasalka 4aad ***

"Knowledge has bitter roots but sweet fruits."(Aqoontu xididdo qaraar bay leedahay, balse miro macaan bay dhashaa.)Maant...
21/05/2025

"Knowledge has bitter roots but sweet fruits."
(Aqoontu xididdo qaraar bay leedahay, balse miro macaan bay dhashaa.)

Maanta oo ay tahay Talaado, 21-ka May 2025, waxaa Dugsiga H/dhexe iyo sare Ee Mustaqbal lagu qabtay tartan aqooneedkii kadis oo xiiso gaar ah lahaa.

Tartankaas waxaa ku loolamay fasallada Form Three iyo Form Two.

Tartanka wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaana si weyn uga muuqatay labada fasal diyaar garow, firfircooni iyo dadaal muuqda oo ay ugu jireen hanashada guusha.

Natiijada tartanka ayaa ku dambeysay sida tan:

Form Three: 10 dhibcood

Form Two: 12 dhibcood โ€“ Guuleystayaal

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan macallimiinta iyo cid walba oo ka qayb qaadatay hirgelinta tartanka, kuwaasoo juhdi badan geliyey sidii ay ardaydu u heli lahaayeen fursad ay ku muujiyaan aqoontooda iyo hibadooda.
Hambalyo Fasalka Form Two!

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIMMahad iyo ammaan Eebbe weyne ayaa leh, kaasoo noo suurageliyay in aan si guul leh ku soo gaba...
20/05/2025

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

Mahad iyo ammaan Eebbe weyne ayaa leh, kaasoo noo suurageliyay in aan si guul leh ku soo gabangabeeyno tartankii isboorti ee Iskuulka Mustaqbal Primary & Secondary School, kaasoo bilaabmay 18-kii Febraayo 2025 soona dhammaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 20-ka May 2025.

Waxaan si guud ugu mahadcelinaynaa dhammaan ardayda ka qeyb qaadatay tartanka, kuwaasoo muujiyay anshax, edeb iyo ixtiraam sare intii uu tartanku socday Sidoo kale waxaan si gaar ah u xusaynaa uguna mahadcelinaynaa Tababarihii hogaaminayay Fasalka **Form Two** Axmed Maxamuud Xasan , kaasoo muujiyay hoggaan wanaagsan, abaabul heer sare ah, iyo dhiirrigelin joogto ah intii uu tartanku socday..

Waxaan aad iyo aad u bogaadinaynaa garsooraha tartanka, Abdimalik Abdillahi Osman (Caanka), oo ahaa Albiitarihii rasmiga ahaa laga soo bilaabo furitaanka ilaa gabangabada tartanka. Wuxuu muujiyay dulqaad, daacadnimo iyo hufnaan lagu amaano, waxaana si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa dadaalkiisa joogtada ahaa.

Tartankii k**a dambaysta ahaa (Final-ka) waxaa si qurux badan ugu guuleystay **Fasalka 3aad** ee Dugsiga Sare, oo uu hor kacayay Capitano Abdiqani Ismacil Kuulow . Guushaasi waxay ka tarjumaysaa dadaalka, mideysnaanta iyo kartida fasalkaasi uu muujiyay muddadii uu tartanku socday.

HAMBALYO! HAMBALYO! HAMBALYO!.....Fasalka Form Three, guusha aad gaarteen.....

Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Kulankii Kubbadda Cagta ee Fasalada  F2 iyo Class 7Shalay galab waxaa garoonka iskuulka Mu...
25/02/2025

Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Kulankii Kubbadda Cagta ee Fasalada F2 iyo Class 7

Shalay galab waxaa garoonka iskuulka Mustaqbal Primary & Secondary School ka dhacay kulan xiiso leh oo dhex maray Form 2 (F2) iyo Class 7 (C7). Ciyaarta oo ahayd mid adag, waxa ay ku dhammaatay natiijo ah 7 iyo 6, iyadoo Form 2 ay guusha la hoyatay.

Goolasha waxaa dhaliyay:
โœ… F2: Muscab (4), C. Raxman Xuseen (3)
โœ… C7: Salman (3), Maxamed Abshir (2), Ayuub (1)

Labada kooxood waxay soo bandhigeen ciyaar xirfad leh iyo dadaal badan. Tartanka noocan ah wuxuu kor u qaadayaa isboortiga iyo isdhexgalka ardayda iskuulka.

Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Kulamada Kubbadda Cagta Ee   School Kulankii 2aad ee Tartanka Kubadda Cagta ee   School wa...
24/02/2025

Warbixin Kooban oo Ku Saabsan Kulamada Kubbadda Cagta Ee School

Kulankii 2aad ee Tartanka Kubadda Cagta ee School waxaa foodda is daray galabta Fasalada F3 iyo C8, ciyaar ay si weyn u maamuleen ciyaartoyda F3 ayaa natiijada kulanka waxa ay noqotay 8-2 oo ay guushu ku raacday kooxda F3.
ayaa ahaa xiddigii garoonka isagoo dhaliyay 3 gool, C.nuur oo sidoo kale wacdaro dhigay ayaa dhaliyay 2 gool, halka Abdalla, On Goal oo iska dhaliyey Axmed iyo Isxaaq ay min hal gool u dhaliyeen kooxda F3. Kooxda C8, inkastoo ay dadaal sameysay laakiin uma suurtagelin in ay guusha raacdo waxaana mid hal goal u kala dhaliyay Tatima iyo Axmed
Guud ahaan, kulan galabta ayaa ahaa mid xiiso leh, ciyaartoyduna waxay muujiyeen xirfad sare iyo dedaal badan. Tartanku wali waa socdaa, waxaana la sugayaa kulamada kale ee xiisaha badan.

Address

Mogadishu

Telephone

+2521636369

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustaqbal Primary & Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Mustaqbal Primary & Secondary School:

Shortcuts

Share

Category