21/04/2026
إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
“إنَّ لله ما أخذ، وله ما أعطى، وكلُّ شيءٍ عنده بأجلٍ مسمّى”
Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qeybsaneynaa dhammaan ehelka, qoyska iyo qaraabada uu ka baxay 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐮 𝐧𝐚𝐱𝐚𝐫𝐢𝐢𝐬𝐭𝐞𝐞 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐤𝐡 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaan si gaar ah tacsi ugu diraynaa dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa iyo asxaabtiisa, gaar ahaan Maamulaha Manbacu Al-Culuum, Shiikh Siciid Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed.
Waxaan Alle uga baryeynaa marxuumka in uu ku mannaysto naxariistiisa ballaaran, qabrigana u waasiciyo, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa. Sidoo kale waxaan Allaah uga baryeynaa ehelka iyo qaraabada uu ka baxay sabar iyo iimaan Eebe ka siiyo.
Aamiin Aamiin Aamiin.
26/03/2026
📢 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ardayda iyo culimada ku taxan xalaqaadka kitaabada ka socday 𝐌𝐚𝐬𝐣𝐢𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐥-𝐅𝐚𝐚𝐭𝐢𝐱 𝐞𝐞 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐚𝐱𝐝𝐚, in duruustii dib loo bilaabi doono dhawaan, Insha Allah.
Sidoo kale, waxaa la bilaabi doonaa laba kitaab oo cusub, kuwaas oo kala ah:
𝐒a𝐱i𝐢x M𝐮s𝐥i𝐦 صحيح مســلم
S𝐮n𝐚n A𝐥-𝐍i𝐬a𝐚’𝐢 ســن النســائي
Inshaa Allaah halaga Faaideysto.
31/12/2025
𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗡 & 𝗕𝗢𝗚𝗔𝗔𝗗𝗜𝗡
Alxamdulillaah, waxa si guul iyo barako leh ku soo gabagaboobay 𝐐𝐚𝐭𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐢𝐭𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝟑-𝐚𝐚𝐝, ee akhrinta 𝐔𝐦𝐮𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮 𝐒𝐢𝐭𝐭𝐚𝐡𝐚 (أمهات الستة) ee Axaadiista Suubanaha Nabiga ﷺ, gaar ahaan 𝐊𝐢𝐭𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐧𝐚𝐧 𝐀𝐛𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐚𝐮𝐮𝐝 (𝐑𝐂).
𝐆𝐨𝐨𝐛𝐭𝐚 𝐝𝐚𝐫𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚:Masjidka Al-Faatix
𝐗𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐝𝐚: Liiq liiqato – Degmada Kaxda, Muqdisho
Waxaan hambalyo u diraynaa ardayda ka faa’iideysatay iyo culimada dadaalka ku bixisay, guud ahaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta barnaamijkan kheyrka ah.
Ujeeddadu waa barashada Sunnada Nabiga ﷺ, fahamkeeda iyo ku camal falkeeda.
Dhawaan waxaa bilaaban doona akhrinta 𝐊𝐢𝐭𝐚𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐧𝐚𝐧 𝐀𝐥-𝐍𝐢𝐬𝐚𝐚𝐢 (سنن النسائي), kaas oo ah kii ugu dambeeyey afarta Sunan ee waaweyn, waqtigiisana si gaar ah ayaa idinla wadaagi doonnaa Inshaa Allaah.
12/12/2025
Kulanka galabta iyo.............