KING MOHA

KING MOHA

Share

waaqica hada jira ku saleesan Aragti Fog iyo waxyaabaha bulshada faaidada u leh iyo ka wacyi galinta bulshada somaaliyeed

22/05/2019

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aanadii Kenya ay qaadanaysay mudooyinkii dambe.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in DFS ay ka walaacsan tahay go’aanadda Kenya ay qaadatay kuwaasi oo qaarkood lagu bahdilay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowladda.

“Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo qaddarinaysa Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Kenya (“Dowladda Kenya”), waxay aad uga walaacsan tahay go’aankii ay dhowaan qaadatay Dowladda Kenya ee lagu xadaynayey Dalkugalka xubnaha xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxay si gaar ah uga walaacsantahay in xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhowaan u safray magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen wasiirro iyo xildhibaanno, ay xinnibaad ku sameeyeen saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka Kenya, Baasaboorradoodii laga qaaday, ka bacdina dib loogu soo celiyay Muqdisho”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Dowladda ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay In dib loo soo celiyay baaritaankii Wajeer, iyada oo qasab looga dhigay inay magaaladda Wajeer ku hakadaan si baaritaan amni loogu sameeyo diyaaradaha magaaladda muqdisho ka baxa.
Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda ka go’an ayaa lagu yiri warka inay ilaaliso xiriirka saaxiibtinimo ee ay la leedahay dowladda Kenya.

21/05/2019

DEG DEG: KENYA OO XIRTAY QAAR KAMID AH XAEAALADAHA SOOMAALIDA EE NAIROBI.

Ciidamada Kenya ayaa maanta xiray xawaalado ka mid ah kuwa Soomaalida oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr xawaalad la xiray, xawaaladahaas waxaa kamid ah AMAL iyo TAAJ, kuwaas oo ay tageen ciidamada booliiska kadibna amreen in la xiro, ayaga oo baaritaan ka wada gudaha.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay weli gudaha ugu jiraan xawaaladahan, oo ay baaritaan ka wadaan weli, lamana oga in baaritaanka kadib dib loo furi doono iyo in kale.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan sababta loo xiray xawaaladaha, hase yeeshee waxay u muuqataa inay qeyb ka tahay dagaal iyo olole xooggan oo ka dhan ah Soomaalida iyo hantidooda oo dowladda Kenya ay waddo.

Kenya ayaa xalay Visaha dalkaas u diiday mas’uuliyiin Soomaali ah, kuwaas oo saddex ka mid ah baryey garoonka Jomo Kenyatta, halka qaar ay ku baxsadeen baasabooro ajnabi ah.

Kenya ayaa sidoo kale toddobaad ka hor joojisay in duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi kuna amartay inay soo maraan Wajeer.

Ololahan ayaa qeyb ka ah dadaal Kenya ku dooneyso inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska badda ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, oo u muuqda mid ay guul-darro uga soo socota.

Photos from KING MOHA's post 21/05/2019

Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka biyaha Cusmaan Libaax iyo Senetarada kala ah Ilyaas Cali iyo Zamzam Cali ayaa loo diiday in ay galaan magaaladda Nairobi.

Madaxa Hay’ada socdaalka Kenya Gilbert Kibe oo la hadlay Wargayska Daily Nation, waxa uu ku micneeyay sababta loogu diiday dal-ku-galka wasiir iyo xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ay la xiriirto arrimo amni.

Saraakiisha Laanta Socdaalka ayaa u sheegay masuuliyiinta Soomaalida inay dib ugu laabtaan Muqdisho oo Visaha ka soo qaataan Safaarada Kenya ee Muqdisho, halkii markii h**e fiisaha laga siin jiray Garoonka Jomo Kenyata.

Inkastoo 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda loo diiday Magaaladda Nairobi,islamarkaana lagu soo celiyay maanta muqdisho,hadana waxaa Nairobi loo ogolaaday 3-mas’uul kale.

Wasiirka qorshaynta dowladda federaalka Jamaal Xasan, Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abikar iyo La taliyaha qaranka madaxweyne Farmaajo oo ka mid ah waftiga Soomaalida ayaa loo ogolaaday inay galaan Nairobi, kadib markii ay la soo baxeen Baasaboorada Yurub iyo Canada.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay haatan dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loogu hadlaayo go’aanka Dowladda Kenya ay qaadatay

20/05/2019

Wasaarada Waxbarashada ayaa iclaamisay Jadwalka Imtixaanka kaaso bilaabadan doono 27da bishaan kuna eg 31 bishaan .

Photos from KING MOHA's post 20/05/2019

Madaxweynaha Koonfurta Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen ) ayaa magacaabey sadax Wasiir Dowlayaal.

15/05/2019

Taariikhda SYL Billow illaa Dhammaad

Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1943-dii, waxaa ay ahaayeen dhallinyaro da’doodu u dhxeeya 15-21 jir, koox Suufiyo oo Aways iyo Qaadiriya ahayd sida {Dahir Xaji Cusman Dhagawayne, Maxamed Xirsi Nuur Sayidiin, Cusmaan Geedi Raage iyo Maxamed C/llaahi farax xayeysi.

Koox kale oo aqoon yahan ayaa ku jiray aasaasayaashii SYL sida {Yaasin Xaaji Cusman, Maxamed Cali Nuur} iyo koox 3-aad oo aad u yaraa sida Cali Verdura, Dahir Dhagaweyne iyo iyo Maxamed Hilowle, sidaa waxaa xaqiijiyay Cali Verdura.

Dalka Sidee Buu Ahaa:

Xilliga la dhisayo SYL, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay gumeysi ba’an gaadiidka gadaal ayaa laga raaci jiray, shaneemooyinka gadaal ayaa laga fariisan jiray, si looga hortago gumeystaha ayaa waxaa la dhisay naadigii SYL oo loola jeeday in lagu qaldo gumeystaha.

Habeenkii la dhisayey Leegada ma wada joogin 13-ka dhallinyaro, balse nasiib wanaag Cali Verdura waxaa uu ka mid ahaa kooxdii joogtay, Waxaa SYL lagu dhisay guri ku yaalla Wadada Via Roma ee magaalada Muqdisho.

Dastuurkii SYL:

Yaasiin Xaaji Cusmaan ayaa dhallinyarada soo hor dhigay barnaamijka xisbiga, qodobadii ugu muhiimsanaa waxaa ka mid ahaa:

-In Soomaaliwayn la isu raadiyo,

-Qaabyaaladda iyo Dariiqooyinka laga fogaado.

-In dadka wax la baro.

Waxaa halkaas lagu doortay 3 qof oo aqoon lahayd, kuwaas oo kala ahaa:

-Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin – Guddoomiye

-Xaaji Maxamad Xuseen – Guddoomiye-xigeen

-Yaasiin Xaaji Cismaan.-Xoghayaha guud ee ururka SYL

Geesiyaddii SYL:

Magacyadii 13-kii Dhallinyaro waa: C/qaadir Sheekh Saqaawadiin,. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed ,Cismaan Geedi Raage, Dheere Xaaji Dheere , Daahir Xaaji Cusmaan ,Cali Xasan Maslax ,Maxamed Cali Nuur ,Maxamed Faarax Hilowle , Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi} ,Huudoow Macalin Cabdulle ,. Maxamed Cusmaan Baarbe .

Laga bilaabo 1943, waxaa Xisbiga laga furay gobollada Soomaaliya oo idil, waxaa batay taageerayaashiisii qeybaha kala duwan ee bulshada sida dhallinyarada, odayaasha, culimada, dumarka iwm.

1947 ayaa waxaa la go’aansaday in isbedel lagu sameeyo magaca Xisbiga, sanadkaas ayaa laga dhigay SYL.

Waxaa xusid mudan in uu xanuunsaday Yaasiin Xaaji Cismaan kadibna uu xanuunkaas u geeriyooday, Waxaa uu ka dardaarmay sida la sheegay in jagadiisii lagu bedelo Cabdullaahi Ciise Maxamud.

Dhacdadii 11ka Jannaayo 1948

11 Janaanyo 1948: Waxaa dhacay dagaalkii Ha noolaato, maalintaas waxaa dibad bax ka dhacay magaalada Muqdishu.

Dhacdadaas dadkii Soomaalida ka shahiiday waxaa ka mid ahaa Xaawo Taako oo astaan u noqotay gumeysi diidka iyo midnimada.

11-kii Janaayo 1948-dii waxaa dalka soo booqanayey guddi UNada raacsan oo ahaa dalalkii ku adkaaday dagaalkii labaad ee Aduunka sida Maraykanka, Ingiriiska, Faransiska, Ruushka, iyo Talyaniga. Maalintaas waxay adeegsadeen dadka daba-dhilifka ah.

SYL, waxaa ay sameeyeen tab la yaab leh, boqolkii qofba waxaa loo dhiibay hal hogaamiye , labo calanka sida iyo afar ilaalo ah…Cali Berduda oo taariikhdan aan ka qornay waxaa uu sheegay in isaga callamada uu qeybiyay.

Dagaalkaas Hanoolaato waxaa Soomaalida ka shahiiday 14 oo ay ku jirto Xaawo Taako, halka Talyaaniga laga dilay 52 Talyaani ah, waxaa gumeystihii lagu aruuriyay bilaajo Carab.

Dhacdadii Dhagaxtuur:

September 1949 ayaa waxaa furmay kalfadhigii golaha guud ee Qaramada Midoobay. kalfadhigaas ayaa laga sugayey inuu go’aan ka gaaro aayatiinka dalalkii Talyaanigu gumeeysan jiray oo ay Soomaaliya ka mid ahayd. Leegadu waxay New York u dirtay Cabdilahi Ciise Maxamud si uu u cabbiro Mawqifka Leegada .

October 5, 1949 ayaa Leegadu mudaaharaad ka dhan ah Talyaaniga ku sameeysey goobta loo yaqaan Dhagaxtuur.

Dagaalkan Dhagaxtuur, Waxaa uu dhex maray Soomaalida iyo Ingiriiska, dowladda Ingiriiska waxaa ay is bidday xoog, Waxaa ay bandow kusoo rogtay dadka, kadib waxaa Dhagaxtuur bilaabay Soomaalidii, dagaal is burbursi ah kadib,. Waxaa halkaas ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay 50. Afar booliska Ingiriiska ah ayaa halkaas lagu dhaawacay.

Labadaas dhacdo ee taariikhiga ah kadib, November 21, 1949 ayey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay soo saareen go’aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo Maamul Talyaani ah oo 10 sano ah, Qaramada Midoobayna ku ilaaliyaan.

Xukunkii Daakhiliga:

April 1950 ayaa maamulkii Talyaanigu la wareegay xilkii Soomaaliya, Waxaa Talyaaniga weheliyey Guddi ka kooban saddex dal: Masar, Philibin iyo Colombia oo wakiil ka ah Qaramada Midoobay, ilaalinayana sida Talyaanigu u fulinayo hawsha lagu aaminay.

SYL waxaa ay sidoo kale ku guuleysatay 12ka Oktoobar 1954 in la taago calanka Soomaaliya kaas uu sameeyay nin SYL ka tirsan Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan.

Madaxbanaani:

Ugu Dambeyntii guushii halgankii waxaa la gaaray 1da July 1960 markii laba gobol oo xor ah oo Soomaali ah isu tageen oo dhiseen Jamhuuriyadda Soomaaliya.

SYL, Waxaa ay ku guuleysatay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay intii u dhaxeysay 1954-1969-kii, waxaa ay dhiseen dhamaan xukuumadihii rayidka ahaa sida Xukuumadii Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Cabdirisaq Xaaji Xuseen iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal, waxaa xilligaas dhacday doorasho dimoqoraadi ah tii ugu h**eysay Afrika, waa markii uu Sharma’arke xilka kala wareegay Aden Cadde June 10, 1967-dii.

SYL iyo Afgambigii Jaalle Siyaad:

SYL 9 sano oo xukun Madani ah iyo doorashooyin xor ah ay wadeen waxaa afgambiyay Maxamed Siyaad Barre isagoo xiray madaxdii xisbiga uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, Xisbigii SYL siyaasadda ayaa laga mamnuucay wixii maalintaa ka dambeeyay.

Cali Berdura oo Inqilaabkaas uga sheekeeyay waxaa uu yiri“- Haa, waxaa jirtay in ay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo Inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidla ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo gacantooda ku sababsaday markii dambe….Siyaad Barre waa i xiray xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday…wax xil inaan qabto waligeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan ku soo gaaray adeer.

SYL waxaa soo afjaray Maxamed Siyaad, waxaa uu mamnuucay xisbiga iyo dhamaan axsaabta kale, hogaamiyeyaasha SYL waxaa la dhigay kuwa la xiro, koox dalka isaga cararay iyo in kaloo tacab iyo Beeraley iska noqday sida Berdura.

73 kadib aasaaskii SYL, maanta da’da ugu badan Soomaalida waa inta ka yar 35 sano oo waxaa lagu qiyaasaa 75%, malaha hogaamiyeyaal, malahan ururo siyaasadeed, qabiil iyo kooxo kale ayaa kala jiitay, Waddaniyaddii ayaa meesha ka baxday, waxaana baahi loo qabaa dhallinyaro dalka ka bixisa qabyaaladda, 4.5-ka, kooxeysiga, shisheeye kalkaalnimada iyo dhamaan afkaarta dib u dhaca u keentay dalka…….Dalka waxaa uu u baahan yahay in la soo celiyo eraygii caanka ahaa “Soomaaliya, Soomaalibaa leh” iyo Dhallinyaro ku midowda danta guud ee dalka, dadka iyo diinta.

09/05/2019

Taakuleenta Hormuud Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe oo ka socoto xabsiga dhexe.

Photos from KING MOHA's post 07/05/2019

Magaalada Muqdisho oo maanta roobeesatay.

Waa nimca ilaah umadeena siiyay

07/05/2019

Xaqiiq: Tirada Shaqaalaha Rayidka Ee Dowladda Federaalka Ah iyo Puntland Oo Isku Mid Ah

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowlad goboleedka Puntland Jaamaca Faarx Muuse ayaa sheegay in shaqaalaha Puntland inta badan la diiwaan galiyay loona sameeyay kaarar aqoonsi ah.

Mudane Jaamaca Faarx Muuse oo ka hadlayey shaqaalaha rayidka ee Puntland ayaa sheegay “Shaqaalaha rayidka ah ee biometric lagu sameeyey ee hadda miisaaniyadda dowladda ku jira ee ay leedahay dowladda Puntland ilaa 5,500”.

Dhanka dowladda federaalka ah , tan iyo markii la doortay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa la qorayey shaqaale aan rasmi aheyn, kuna jirin miisaaniyadda dowladda.

Shaqaalaha rasmiga waa intii ay ka tagtay dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh, waa sida: 5,526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502,

Aniga Weli Ma Hadlin!

07/05/2019

Garoowe: Qodobbo Si Horudhac Ah Isku Af-garteen Dowladda Federaalka Ah iyo Maamul Goboleedyada.

Wararka ay Goobjoog News ka heleyso shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ugu socda Garoowe ayaa sheegaya in la isla soo qaadey, isla markaana is afgarad laga gaarey qodobo muhiim ah.

Qodobadaas waxaa ku jira:

1. Sameynta golaha iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah

2. In dib loogu noqdo xeerarka doorashooyinka iyo Petroolka ee baarlamanka horyaala

3. La dagaalanka argagixisada

4. Galmudugna in halsano maamulka xaaf loogu daro, Baarlamankana Cadaado la soo celiyo, si taasu loo dhameeyo waxaa kulan gaar ah wada leh Madaxweyne Farmaajo iyo Xaaf-ka Galmudug.

5. Wadaxaajoodka Soomalilnad in la bilaabo.

6. Wadashaqeynta Wasaaradaha.

Photos from KING MOHA's post 07/05/2019

Shil Gaadhi oo Naxdin leh Ayaa Hadda Ka Dhacay Inta U Dhaxaysa Xamaas Iyo Lafaruug.

Labada Gaadhi Ee Isku Dhacay Ayaa Kala Ahaa Gaadhi Basaska Rakaabka ah Iyo Gaadhi Xamuula /Candho Maydle.

Dhaawaca Iyo Maydkaba Waxa La Gayeeyay Cisbitaalka Berbera.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address


Mogadishu