Aden Adde International University-AAIU

Aden Adde International University-AAIU

Share

official page for Aden Adde International University learn at aden Adde,please visit us: www.aaiu.edu.so.

Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 28/04/2026

Kuliyada Culuumta Indhaha (Optometry) ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) ayaa soo agaasintay munaasabadda โ€œWomenโ€™s Eye Health and Safety Monthโ€.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb qaatay:
๐Ÿ”น Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada
๐Ÿ”น Somali Optometry Association
๐Ÿ”น Somali Ophthalmological Society
๐Ÿ”น Charity Vision Somalia

Barnaamijkan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda wacyiga bulshada, gaar ahaan haweenka, si loo xoojiyo daryeelka caafimaadka indhaha iyo badbaadada aragga.

Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 27/04/2026

Maamulka Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda ๐ƒ๐ซ. ๐‚/๐๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ayaa maanta ka qayb galay ๐ ๐จ๐ ๐จ๐ฌ๐ก๐š ๐ญ๐š๐œ๐ฌ๐ข๐๐š ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐š๐ฅ ๐ ๐ฎ๐ซ๐ข๐ ๐š ๐ช๐จ๐ฒ๐ฌ๐ค๐š ๐‘๐ž๐ž ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐ฅ๐ž, halkaas oo ay uga tacsiyeeyeen geerida ku timid ๐‡๐จ๐จ๐ฒ๐š๐๐จ๐จ๐, ๐Œ๐š๐ซ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐ ๐Œ๐š๐œ๐ž๐ž๐ฒ ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ž, oo dhawaan ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Maamulka Jaamacaddu waxay la-qaybsadeen murugada qoyska, iyagoo Alle uga baryay Marxuumadda inuu u naxariisto, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qabrigeedana u waasiciyo ehelka, qaraabada iyo asxaabta waxay u rajeeyeen samir iyo iimaan.

Ugu dambayn, qoyska Ree Dufle ayaa uga mahadceliyay Maamulka Jaamacadda booqashada iyo tacsida ay la wadaageen.





Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 23/04/2026

๐ŸŒ๐Ÿงช World Laboratory Day 2026

Waxaa maanta Xarunta Dhexe ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde lagu qabtay xuska Maalinta Shaybaarada Adduunka, oo ku beegan 23-April-2026, taasoo ah munaasabad ay jaamacaddu sanad walba si joogto ah u qabato.

Munaasabaddan waxaa ka soo qayb galay Maamulka,macalimiin iyo ardayda Jaamacadda, kuwaas oo si wadajir ah u xusay muhiimadda kobcinta aqoonta iyo dhiirrigelinta hal-abuurka sayniska.

Intii ay munaasabadu socotay, ardayda dhigata qaybaha shaybaarka ayaa soo bandhigay kuna sameeyay baaritaanno iyo tijaabooyin kala duwan, kuwaas oo muujinayay xirfadooda iyo aqoontooda la xiriirta cilmiga sayniska ๐Ÿ”ฌ

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay ka goโ€™an tahay inay sii waddo horumarinta waxbarashada iyo cilmi-baarista si loo gaaro mustaqbal ifaya oo waara.

23/04/2026

TACSI TIIRAANYO LEH ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†.

Maamulka Sare, Golaha Boorka, Macallimiinta iyo Ardayda Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska Ree Dufle, gaar ahaan ๐’๐ž๐ง๐š๐ญ๐จ๐ซ ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐ƒ๐ซ. ๐Ž๐ฌ๐ฆ๐š๐ง ๐ƒ๐ฎ๐Ÿ๐ฅ๐ž, geerida naxdinta leh ee ku timid hooyadood Marxuumad ๐Œ๐š๐œ๐ž๐ž๐ฒ ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ž, oo xalay ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Waxaan Alle uga baryaynaa Marxuumadda inuu u naxariisto, Janatul Firdowsana ka waraabiyo, qabrigeedana u waasiciyo.

Sidoo kale, waxaan samir iyo iimaan u rajaynaynaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxday.

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†






Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 22/04/2026

Waxaa maanta tababar ugu soo gabagaboobay Aden Abdulle Hospital, qaar kamid ah ardayda Kulliyadda Culuumta Caafimaadka (Health Sciences) gaar ahaan qeybta Nursing Batch-8 ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Dr. Abdirizak Ahmed Mohamed โ€“ Hormuudka Kulliyadda Health Sciences, iyo Drs. Ifrah Abdi Aynab โ€“ Madaxa Tababarada Health Sciences, kuwaas oo ardayda ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaalkooda waxbarasho iyo xirfadeed.

Sidoo kale, Maamulka Aden Abdulle Hospital oo uu hormuud u yahay Mr. Abdiqani, Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Mr. Abdirisak Abdullahi Garaad (Kaaliyaha Agaasimaha Caafimaadka) ayaa u hambalyeeyay ardayda, isagoo muujiyay taageerada joogtada ah ee isbitaalku u fidiyo kobcinta aqoonta iyo xirfadaha ardayda caafimaadka.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde ay ku tayaynayso waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha ardayda si ay u noqdaan xirfadlayaal aqoon iyo anshax sare leh oo bulshada caafimaadkeeda ugu adeega si hufan.




22/04/2026

๐ŸŒ๐Ÿงช World Laboratory Day 2026

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay ay qabanaysaa xuska Maalinta Shaybaarada Adduunka ๐Ÿงฌ

Maalintan muhiimka ah waxay u taagan tahay qiimaha ay leeyihiin shaybaaradu ee horumarinta cilmi-baarista, caafimaadka, iyo tiknoolajiyada casriga ah.

Ardayda, macalimiinta, iyo dhammaan bulshada aqoonta jecel waa lagu casuumayaa inay nagala soo qaybgalaan xuskan maalintan qiimaha badan.

๐Ÿ“… Taariikh: 23-April-2026
๐Ÿ“ Goobta: Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde

21/04/2026

๐ŸŽ“Postgraduate Programs Announcement

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) waxay si rasmi ah u shaacinaysaa bilaabashada barnaamijyada Master-ka (Postgraduate Programs) oo ay dhowaan jaamacaddu soo kordhisay.

Agaasimaha Xafiiska Waxbarashada jaamacadda, Dr. C/raxman Macalin Xasan, ayaa ogeysiinaya dhammaan ardayda danaynaysa in Khamiista, 23 April 2026 si rasmi ah loo bilaabi doono hirgelinta barnaamijyada Master-ka.

Tani waa fursad muhiim ah oo loogu talagalay ardayda doonaysa inay horumariyaan aqoontooda, xirfaddooda, iyo mustaqbalkooda waxbarasho.

Ka faaโ€™iidayso fursaddan oo noqo hormuudka aqoonta sare!






20/04/2026

๐ŸŽ“ Postgraduate Programs Announcement

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxay si rasmi ah u shaacinaysaa bilaabashada barnaamijyada Master-ka (Postgraduate Programs) oo ay dhawaan Jaamacaddu Soo kordhisay kordhisay.

Agaasimaha Daraasaadka Sare, Mr. Bashir Abdulkadir Moalim, ayaa ogeysiinaya dhammaan ardayda danaynaysa in Khamiista, 23 April 2026 uu si rasmi ah u bilaaban doono hirgelinta barnaamijyada Master-ka.

Tani waa fursad muhiim ah oo loogu talagalay ardayda doonaysa inay horumariyaan aqoontooda, xirfaddooda, iyo mustaqbalkooda waxbarasho.

Ka faaโ€™iidayso fursaddan oo noqo hormuudka aqoonta sare!






Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 17/04/2026

Waxaa si guul leh maanta u soo dhammaaday Imtixaanka Dhexe (Midterm Exam) ee Sanad Waxbarasheedka 2025โ€“2026 ee dhammaan xarumaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU).

Waxaan hambalyo u direynaa dhammaan ardayda, waxaana u rajeyneynaa natiijooyin farxad leh iyo guulo waaweyn.







Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 16/04/2026

Waxaa si habsami leh uga socda dhammaan xarumaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde (AAIU) Imtixaanka Dhexe (Midterm Exam) ee Sanad Waxbarasheedka 2025โ€“2026.

Waxaan u rajeynaynaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan.







Photos from Aden Adde International University-AAIU's post 06/04/2026

๐ƒ๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ˆ๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐ž๐ฑ๐ž (๐Œ๐ข๐๐ญ๐ž๐ซ๐ฆ ๐„๐ฑ๐š๐ฆ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“โ€“๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”).

Eng. C/Qaadir Aadan Cadde oo kamid ah aas-aasayaasha Jaamacadda, oo uu wehliyo Gudoomiyaha Jaamacadda Dr. C/Qaadir Axmed Mahad, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Dhexe (Midterm Exam) ee sanad-Waxbarasheedka 2025โ€“2026.

Jaamacadda Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa mar walba ka goโ€™an tayeynta waxbarashada iyo hubinta in ardaydu helaan jawi imtixaan oo hufan, cadaalad ah, kana tarjumaya heerka aqooneed ee ardayda.

Waxaan ardayda Jaamacadda u rajaynaynaa guul iyo natiijo wanaagsan.






Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Aden Adde Street
Mogadishu
N/U