30/09/2019
QISO Laka xanuunsado ""Si dagan u aqri Fadlan Waxeyna qisada ku soctaa Macalimiinta&qof walbo oo Mazuul ah
Fatima aya waxbarasho ka bilawday Iskuul la deris ah halkaas oo aan si fiican looga aqon. saddex usbuuc ah ayey kasoo daahday Iskuulka markastana macallinka waa ciqaabayey.
Usbuucii afaraad Fatima ma aysan imaan Iskuulka ardaydii oo dhanna waxay u qaateen inay Iskuulka u joojisay ciqaabta joogtada ah ee macallinka.
Markas ayay timid, Usbuucii 5aad waliba xilli h**e oo aan la gaarin xiisadada ayey soo xaadirtay ardayda oo dhanna waa ay kasoo hormartay.
Markii macallinku uu soo galay fasalka Fatima waa la ciqaabay maaddaama ay ka maqneyd Iskuulka laakiin macallinku wuxuu ku ammaanay inay waqti h**e timid oo ay soo dhaqsatay isagoo intaas ku daray in ciqaabta darteed ay keentay inay soo dhaqsato.
Markaas kaddib ayaa Fatima codsatay inay hadasho Macallinkuna waa ka aqbalay waxayna hadalkeeda ku billawday-"
“Waxaa i soo koriyey Hooyo keli ah oo aan walaal lahayn. Shan usbuuc ka hor ayaa hooyadey xanuunsatay waxaana la dhigay Isbitaal. Saddexdii usbuuc ee aan soo daahayey iyada ayaan caawinayey oo wax u diyaarinayey subax kasta waxaana sii marayey Isbitaalka si aan ugu geeyo wixii aan u diyaariyey. Nasiib-darro hooyadey waxay dhimatay usbuucii h**e taasina waa sababta aan Iskuulka u imaan waayey. Hooyo waxaan aasnay jimcihii la soo dhaafay maanta oo sabti ahna Iskuulka waan u soo dhaqsaday maaddaama aysan jirin Hooyo aan wax u diyaarinayo iyo Isbitaal aan sii marayo Iskuulkana xilli h**e ayaan imaan doonaa maalin kasta”
Markii ay Fatima hadalka dhammeysay aya qof kasta oo fasalka ku jiray ILLIN ceshan waayey oo macallinku ka mid yahay.
(Hadaba adigon ka warhayn Xaladda uu qofku ku jiro ha waydiin Sualaha tiro beelka ah"
Shere dheh Hadii Aad Akhrisy Qisadaan Si Ay Ugaarto Macalimiinta iyo Qofwalbo Mzula