23/11/2025
Maalinta Macallinka Soomaaliyeed โ Xus Qaran & Xushmad Macallimeed
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sanadkan u asteeysay in maalmaha 21-ka ilaa 23-ka November guud ahaan dalka laga xuso Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, taas oo muujinaysa qiimaha iyo kaalinta macallinku ku leeyahay bulshada iyo horumarka dalka.
Sidaas awgeed, dugsigeennu maalmahan fasax ayuu ku yahay, si loogu maamuuso looguna qadariyo macallimiinta na baray aqoonta, akhlaaqda iyo hoggaaminta iftiinka mustaqbalka.
Aniga oo ahaan jiray Maamulaha dugsiga, haddana ka mid ah laf-dhabarta iyo masuuliyiinta schoolka, waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa dugsigeenna, kuwa nagu tabcay, na barbaariyay, na baray.
Macallin waa lafdhabarta bulshada. Waa dhidibbada u taagan aqoonta. Waa hormuudka horumarka.
Hambalyo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed!
Ixtiraam, qadarin iyo duco.