22/04/2026
Tartan cilmiyeedka Dalsan qaybta galableyda oo meel xasaasi ah maraaya ayaa waxaa isku arkay labada fasal ee kala ah 8A iyo 6aad
labada fasal ayaa soo bandhigay tartan cajiib ah oo aan waxba la isku reeban, ugu dambeyn natiijada tartanka ayaa noqotay:
Fasalka 8A= 10 dhibcood, fasalka 6aad= 12 dhibcood waxaan final-ka tartanka iska xaadiriyay fasalka 6aad, hambalyo ayaan leenahay labada fasalba✍️✍️
21/04/2026
Kulanka ugu dambeeya wareegga 8 dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Dalsan ayaa waxaa maalinta berri ah isku arki doono labada fasal ah F3B vs F2B, labada fasalba waxaan u rajeyneyaa guul waxan insh allah...
21/04/2026
DALSAN CUP oo meel xasaasi ah maraya waxaa isku arkaya labada fasal ee kala ah F4B vs F2B oo ka wada tirsan Group B, Nasiib wacan ayaan leenahay labada fasalba.
17/04/2026
Tartan cilmiyeedka Dalsan qaybta fasallada galableyda ayaa isna soo gaaray wareegga afar dhammaadka ah ee tartanka ka dib markii fasalka 7aad uu ka adkaaday fasalka 8B taasoo ka dhigan in fasalka 7aad uu ku biiray fasallada 8A, 6aad iyo 4aad oo horay isaga xaadiriyay wareegga afar dhammaadka ah ee tartanka hambalyo ayaan leenahay fasallada soo gudbay iyo kuwa ka haray tartanka intaba.
15/04/2026
DERBY F1 ayaa maanta si adag la isugu riiqmay.
kulan adag oo ka tirsan wareegga 8 dhammaaadka ee tartan cilmiyeedka Dalsan waxaa isku arkay labada fasal ee F1A iyo F1C labada fasal oo xifaaltan dhanka waxbarashada uu ka dhexeeyo ayaa soo bandhigay tartan cajiib oo ay la dhaceen daawadayaashii tartanka, ugu dameyn waxaa guusha la hoyday fasalka F1C oo 14 dhibcood iyo 11 dhibcood ugu gudbay wareegga 4 dhammaadka ee tartanka hambalyo ayaan leenahay labada fasalba...
05/04/2026
Shalay oo sabti ahayd taariikhduna ku beegneyd 4/4/2026 waa xarunta dugsiga ka bilowday imtixaan bileedkii 2aad ee sannad waxbarasheedka 2025-2026, waxaan Alle sw ka rajeyneynaa inuu si naba ah noogu dhameeyo natiijo ay ku farxaan ardeydeynu Rabi ha siiyo insh allaah.
02/04/2026
Arbaco, 1/4/2026 2 kulan adag oo ka tartan cilmiyeedka Dalsan qaybta galableyda ayaa ka dhacay xarunta weyn ee dugsiga Dalsan.
Kulanka 1aad wuxuu dhex maray labada fasal ee kala ah 8B iyo 6aad, labada tartame ayaa so bandhigay tartan cajiib ah ugu dambeyn natiijada tartanka aya kusoo idlaatay fasalka 8B oo la yimid 6 dhibcood halka fasalka 6aad uu la yimid 12 dhibcood fasalka 6aad ayaan u gudbay wareegga xiga ee tartanka.
Kulanka 2aad wuxuu dhex maray labada fasal ee kala ah 8A iyo 4-aad, tartamayaasha labada fasal waxay muujiyeen tartan cilmyeed ku dhisan aqoon iyo akhlaaq ugu dambeyn natiijada kulanka waxa noqotay fasalka 8A oo la yimid 6 dhibcood halka fasalka 4-aad uu la yimid 8 dhibcood hambalyo ayaan leenahay dhammaan fasallada.....
01/04/2026
Kulan adag oo ka tirsan wareegga 8 dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Dalsan ayaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 1/4/2026 dhex maray labada fasal ee kala ah F2A iyo F1B, labada fasal ayaa so bandhigay tartan cajiib oo aan waxba la iskula harin, ugu dambeyn natiijada tartanka waxay noqotay fasalka
F2a oo la yimid 15 dhibcood halka fasalka F1B uu la yimid 10 dhibcood.
Fasalka F2A ayaa u soo gudbay wareegga 4 dhammaadka ee tartanka nasiib wacan ayaan leenahay fasalka F2A.
31/03/2026
F2A iyo F1B ayaa isku arki doono tartan cilmiyeedka Dalsan wareegiisa 8 dhammaadka, labada fasalba waxaan u rajeyneynaa guul iyo tartan qurux badan insh allah.
27/03/2026
Ardayda Fasalka 8aad gaar ahaan ardayda sannadkaan nagu mataleyso imtixaanka shahaadiga fasalka 8aad waxaan u rajeyneynaa guul diyaar garow wacan insh allah.....
22/03/2026
Waxaa berri oo isniin dib noogu bilaaban doono daraasadda insh allah.
Hala diyaar garoobo oo hala diyaarsado agabka waxbarashada insh allah.
19/03/2026
Ciid mubaarak dhammaan dadka Soomaaliyeed, Alle sw hanaga aqbalo acmaashii wanaagsaneed ee aan so sameynay bishii Ramadaan.
Alle sw Ramadaanka dambe ha inagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo, dalka iyo dadkana Rabi ha inoo hagaajiyo, abaarta iyo colaadana Rabi ha inaga xafido.