04/10/2025
CALAAMADAHA LAGU GARTO TARBIYADA CARRUURTA INAY DAYACANTAY.
Mas’uuliyadda tarbiyada carruurta, inkastoo ay tahay mas’uuliyad culus oo u baahan dulqaad iyo fiiro gaar ah, haddana inta badan waa la dayacaa. Dayacaaddan waxaa keena arrimo badan sida:
Mararka qaar waalidka oo aan ogeyn mas’uuliyadda adag ee Alla saaray.
Mararka qaarna waalidka oo aanan fahamsanayn habraacyada iyo xeeladaha lagu tarbiyadeeyo carruurta.
Tarbiyada saxda ahi waxay ku dhisan tahay Waxyiga Rabaaniga ah iyo Sunnada Rasuulka (SCW).
Sikastaba ha ahaatee, waxaa dhacda waalidka inuu soo baraarugo mar dambe goor ay xeera iyo faldhaan kala dhaceen oo waxba aan la qaban karin. Waxaa intaa ka sii daran, waalidka qaar inay kubaraarugsaneen masuuliyadda tarbiyada oo la dayaca inay la mid tahay waalidka oo canugiisa garba-duub u xiran ku tuura badweyn, kadibna ku dhaha canugga yar ee aan aqoon sida loo dabaasho: “Isdabar oo naftaada badbaadi.”
Waxaa laga yaabaa midkeen inuu yiraahdo: Waalid sidee sabab ugu noqon karaa canugiisa inuu ku dhaco badweyn? Waxaan leenahay: waalidkaa hadaadan aqoon cudmntada marka aad karineeysa inta qeeyb ee aad isku dareeysa cuntahadaayada aya koobantahay? sidookala kawaran haddaad cunto dabka saarta kadibna aad wax kale ku mashquulno, sow cuntadaa k**a gubaneyso?
Sidaas oo kale, canugaaga ladhalin waalidka waa inuu garanaaya sida u barbaarin lahaa, sida lamid ah sida uu ugaranaayab cuntada uu karinaayo inta qeey ay kakoobantahay inta uu dabka shidin islamarksana waana inuu illaaliya tarbiyada caruurta sida cuntada maraka dabka lasaara looga ilaaliya inay gubata ama aay xumaata. Sidaa darteed waa in isha laguhaaya tarbiyada caruurta lagasoobilaaba maalinta uu dhasha illaa uu canugga kagaara iskufilnaan.
Haddaba, waxaan ogaanay waxyaabaha keena inay xumaato tarbiyada caruurta, inay kamid tahay waalidka oo aan ka baraarugsaneyn in tarbiyada ubadka tahay masuuliyad weyn oo saaran waalidka. Si loo gaara goolkaas looba hela tarbiya isudheelitiran waxaa qasab ah in waalidka uu barta taatikada casriga ah ee lagu tarbiyadeeyo caruurta kahor inta aan la dhalin,lana joogteeya wax barashadaas si markasta loosii hormariya tarbiyada caruurta.
Waxaa intaa dheer waa inaan xasuusnaanna in gurigu yahay iskuulka ugu horeeya ee carruurtu wax ka bartaan, mustaqbalka iyo nolosha caruurta inay noqta mid ifaayana waxay kuxerantahay guriga inuu hagaaga.
Haddaba, si looga gaaro yoolka fog ee tarbiyada wanaagsan, waalidku waa inuu noqdaa qof leh akhlaaq iyo diin wanaagsan oo caruurtu kaga daydaan. Laakiin, haddii waalidku aanu garanayn taatikada lagu tarbiyadeeyo caruurta, isla markaana diintiisa iyo akhlaaqdiisu liidato, waxaa dhici karta in tarbiyada ubadka ka xumaato, xitaa haddii uu waalidku dadaal badan bixiya oo aanu ka jiifin caruurtiisa.
ذكر ابن القيم رحمه الله في كتابه تحفة المودود. بعض الآباء يظنون أنهم يكرّمون أولادهم بإعانتهم على شهواتهم، ولكنهم في الحقيقة يظلمونهم بذلك، فيفوت عليهم انتفاعهم بهم في الدنيا والآخرة.
Ibn al-Qayyim (NNKH) wuxuu sheegay in qaar ka mid ah waalidiinta ay u maleeyaan inay ilmahooda wanaajiyaan iyagoo u caawinaya doonistooda (waxa ay rabaan), laakiin dhab ahaan way dulmiyeen taasoo ka hor istaagaysa inay ka faa’iidaystaan ilmahooda adduunka iyo Akhira.