Machadka Al Minhaaj

Machadka Al Minhaaj

Share

Machadka Minhaaj waa goob lagu barta Culuumta kala duwan, lagu so saara arday ka dhisan dhinac walba.

04/10/2025

CALAAMADAHA LAGU GARTO TARBIYADA CARRUURTA INAY DAYACANTAY.

Mas’uuliyadda tarbiyada carruurta, inkastoo ay tahay mas’uuliyad culus oo u baahan dulqaad iyo fiiro gaar ah, haddana inta badan waa la dayacaa. Dayacaaddan waxaa keena arrimo badan sida:

Mararka qaar waalidka oo aan ogeyn mas’uuliyadda adag ee Alla saaray.

Mararka qaarna waalidka oo aanan fahamsanayn habraacyada iyo xeeladaha lagu tarbiyadeeyo carruurta.

Tarbiyada saxda ahi waxay ku dhisan tahay Waxyiga Rabaaniga ah iyo Sunnada Rasuulka (SCW).

Sikastaba ha ahaatee, waxaa dhacda waalidka inuu soo baraarugo mar dambe goor ay xeera iyo faldhaan kala dhaceen oo waxba aan la qaban karin. Waxaa intaa ka sii daran, waalidka qaar inay kubaraarugsaneen masuuliyadda tarbiyada oo la dayaca inay la mid tahay waalidka oo canugiisa garba-duub u xiran ku tuura badweyn, kadibna ku dhaha canugga yar ee aan aqoon sida loo dabaasho: “Isdabar oo naftaada badbaadi.”

Waxaa laga yaabaa midkeen inuu yiraahdo: Waalid sidee sabab ugu noqon karaa canugiisa inuu ku dhaco badweyn? Waxaan leenahay: waalidkaa hadaadan aqoon cudmntada marka aad karineeysa inta qeeyb ee aad isku dareeysa cuntahadaayada aya koobantahay? sidookala kawaran haddaad cunto dabka saarta kadibna aad wax kale ku mashquulno, sow cuntadaa k**a gubaneyso?

Sidaas oo kale, canugaaga ladhalin waalidka waa inuu garanaaya sida u barbaarin lahaa, sida lamid ah sida uu ugaranaayab cuntada uu karinaayo inta qeey ay kakoobantahay inta uu dabka shidin islamarksana waana inuu illaaliya tarbiyada caruurta sida cuntada maraka dabka lasaara looga ilaaliya inay gubata ama aay xumaata. Sidaa darteed waa in isha laguhaaya tarbiyada caruurta lagasoobilaaba maalinta uu dhasha illaa uu canugga kagaara iskufilnaan.

Haddaba, waxaan ogaanay waxyaabaha keena inay xumaato tarbiyada caruurta, inay kamid tahay waalidka oo aan ka baraarugsaneyn in tarbiyada ubadka tahay masuuliyad weyn oo saaran waalidka. Si loo gaara goolkaas looba hela tarbiya isudheelitiran waxaa qasab ah in waalidka uu barta taatikada casriga ah ee lagu tarbiyadeeyo caruurta kahor inta aan la dhalin,lana joogteeya wax barashadaas si markasta loosii hormariya tarbiyada caruurta.

Waxaa intaa dheer waa inaan xasuusnaanna in gurigu yahay iskuulka ugu horeeya ee carruurtu wax ka bartaan, mustaqbalka iyo nolosha caruurta inay noqta mid ifaayana waxay kuxerantahay guriga inuu hagaaga.

Haddaba, si looga gaaro yoolka fog ee tarbiyada wanaagsan, waalidku waa inuu noqdaa qof leh akhlaaq iyo diin wanaagsan oo caruurtu kaga daydaan. Laakiin, haddii waalidku aanu garanayn taatikada lagu tarbiyadeeyo caruurta, isla markaana diintiisa iyo akhlaaqdiisu liidato, waxaa dhici karta in tarbiyada ubadka ka xumaato, xitaa haddii uu waalidku dadaal badan bixiya oo aanu ka jiifin caruurtiisa.

ذكر ابن القيم رحمه الله في كتابه تحفة المودود. بعض الآباء يظنون أنهم يكرّمون أولادهم بإعانتهم على شهواتهم، ولكنهم في الحقيقة يظلمونهم بذلك، فيفوت عليهم انتفاعهم بهم في الدنيا والآخرة.

Ibn al-Qayyim (NNKH) wuxuu sheegay in qaar ka mid ah waalidiinta ay u maleeyaan inay ilmahooda wanaajiyaan iyagoo u caawinaya doonistooda (waxa ay rabaan), laakiin dhab ahaan way dulmiyeen taasoo ka hor istaagaysa inay ka faa’iidaystaan ilmahooda adduunka iyo Akhira.

HOME - Bogga H**e - Machadka Alminhaaj 04/10/2025

TARBIYADA CARUURTA OO LADAYACA.
Waalidka sida uu xuquuq ugu leeyahay carruurtiisa oo ay waajib ku tahay carruurta inay adeecaan, ayaa carruurtuna iyaguna xuquuq kuleeyahiin waalidkooda. Allaahna wuu ka dardaarmay xuquuqda carruurta iyo masuuliyadda weyn ee saaran waalidka. Haddii uu waalidku dayaco, wuxuu khilaafay amarka Allaah, khiyaano weyna ayuu ka galay carruurtiisa.
Allaah wuxuu yiri:Aayadda 58 ee Suuradda An-Nisaa:
إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تُؤدُّواْ ٱلۡأَمَٰنَٰتِ إِلَىٰٓ أَهۡلِهَاۖ وَإِذَا حَكَمۡتُم بَيۡنَ ٱلنَّاسِ أَن تَحۡكُمُواْ بِٱلۡعَدۡلِۚ إِنَّ ٱللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِۦٓۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ سَمِيعَۢا بَصِيرٗا(الاية58)
Qof kasta waa masuul, waxaana loo dhiibay amaano, waana inuu kasoo baxaa masuuliyadda saaran.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا قُوا أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ ۖ عَلَيْهَا مَلَائِكَةٌ غِلَاظٌ شِدَادٌ لَّا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ.
Aayadda 6 ee Suuradda At-Taxriim: Kuwa xaqa rumeeyayow! Kadbadbaadiya naftiinna iyo ehelkiinna Naar lagu shido dhagxaan iyo dad.
قال النبي ﷺ ألا كلكم راعٍ، وكلكم مسؤول عن رعيته
Rasuulkeenna (NNKH) wuxuu yiri: “Qof kasta waa masuul, waxaana laga weydiin doonaa waxa masuul looga dhigay; qofkii loo dhiibay masuuliyadna waa inuu kasoo baxaa.

://machadkaalminhaaj.com

://www.facebook.com/share/17cUKW6ktS/

HOME - Bogga H**e - Machadka Alminhaaj Meel kasta iyo Waqti kasta Nagala soco Caalamka oo dhan Tababarro iyo Koorsooyin Koorsooyin iyo Casharro kala duwan oo muddo kooban Soconaya. Shahaadooyin Ka dib markaad dhameysid koorsada, waxaad heli doontaa shahaado cadeyneysa aqoontaada. Every Journey Begins with Bismillah — Here’s Yours Wat...

REGISTRATION FORM 14/06/2024

FURSAD

Alminhaj waxaa uu qadanayaa Arday cusub oo ( online ) waa fasala kooban isdiiwangalinta
waxaay bilaabaneysa _5 jun 2024
Waxaayna ku egtahay _20 ju 2024

Hadaba qofka Doonaaya inuu kamidnoqda Ardayda cusub Asiga&ubadkiisa ha iska diiwaangaliya linkiga hoosta kuqoran.

👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇👇
https://forms.gle/cvgYe8XP83eKR6TP8

👇👇👇👇👇👇👇👇👇
Waxii faafaahin ah oo intaa dheer
cinwaanada hoosta kuqoran kala xariir.

https://t.me/ALMMINHAJ

https://www.facebook.com/Machadkaalminhaaj

https.//alminhaj7

[email protected]

Tel. +447424766206

Tel + 252610859381

REGISTRATION FORM

14/08/2023

Machadka Al Minhaaj waxa uu qaadanayaa
Arday cusub, oo ka kooban
Da'yar iyo dad waaweyn.

Machadka Al Minhaaj

14/08/2023

Qeeybaha Machadka:
1: Quraanka iyo Culuumtiisa
2: Fiqiga iyo Siirada Rasuulka "scw"
3: Caqiidada iyo Xadiis ka Shariifka
4: Naxwo, Sarfi iyo Balaaqa
5: Fikirka iyo fahamka Taarikhda
6: Tababar Macalimiin Rag iyo Dumar

Machadka Al Minhaaj

14/08/2023

Ugu danbeyn waxaan ku soo biirnay Facebook iyo Instagram!
Machadka Al Minhaaj

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Daaru Salaam
Mogadishu