08/08/2026
Waxaa si qurux badan xarunta machadka faraciisa 2aad uga qabsoomay munaasabad lagu soo xirayay tartan aqooneedka Machadka ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 Waxaanu leenahay Ardeyda sharafta leh dadaal iyo juhdi ayaad muujiseen ee hambalyo hambalyo h**e usocda.
tartanku waa Aqoon isweydaarsi iyo dhiira gelinta ardeyda.
Hambalyo hambalyo hambalyo
معهدأنصارالسنةللعلوم الشرعيةوالعربيةMachadka Ansaaru Sunnah
01/08/2026
Waa fursad muhiim ah oo loogu tala galay dadka mashquulsan ama shaqadoodu badantahay
معهدأنصارالسنةللعلوم الشرعيةوالعربيةMachadka Ansaaru Sunnah
WhatsApp+252618092924
25/07/2026
HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO
Maamulka iyo macalimiinta iyo ardeyda dhamaan bahda
معهدأنصارالسنةللعلوم الشرعيةوالعربيةMachadka Ansaaru Sunnah Waxey hambalyo diiran udirayaan Ustaad Cabdiwaaxid Cali Muuse oo Maantay ay usoo idlaatay waxbarashada heerka 1aad ee jaamacada waxaanu leenahay Hambalyo Hambalyo waxaad muujisay karti iyo dadaal Allaha kugu anfaco cilmigaad baratay.
18/07/2026
Alxamdulillaah, shalay oo ay taarikhdu kubeegneed 3/2/1448h waafaqsan 17/07/2026 waxaa si guul ah u soo gabagaboobay tartan aqooneedkii udhexeeyay Ardayda Machadka Ansaaru Sunnah ee 2026/2025.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardaydii ka qayb gashay tartanka, gaar ahaan kuwii ku guuleystay kaalmaha h**e. Guushu waa mid mudan in lagu farxo, halka ka qaybgalka laftiisuna uu yahay guul iyo dhiirrigelin.
Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa maamulka machadka, macallimiinta, guddiga qabanqaabada iyo garsoorka, iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta tartankan qiimaha badan.
Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu aqoonta ardayda u barakeeyo, kana dhigo kuwo ku dhaqma wixii ay barteen, tartamadan cilmigana uu noqdo kuwo sii socda oo kor u qaada tayada waxbarashada iyo rabitaanka aqoonta.
Hambalyo dhammaan guuleystayaasha, mahadsanidiinn dhammaantiin, Allena ha idinka abaalmariyo dadaalkiinna.
15/07/2026
OGEYSIIS-----------OGEYSIIS-------OGEYSIIS
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta ubadkooda lajecel waxbarasho tayo leh in Machadka Ansaaru Sunnah uu dib u furay diiwaangelinta ardayda cusub ee sannad dugsiyeedka 2026–2027.
Qeybaha diiwaangelintooda lafuray waxay isagu jiraan:
Qeybta: diyaarinta ardayda yaryar.
1-Qeybta: barashada culuumta Shareecada.
2-Qeybta: xifdinta Qur’aanka Kariimka.
3-Qeybta: akhriska iyo qoraalka.
4-Qeyb: ugaar ah dumarka waaweyn.
Fiiro Gaar ah:
Machadku wuxuu shaqeeyaa 7-da maalmood ee usbuuca.
Waxaan soo dhoweyneynaa carruurta da,yarta ah iyo dadka waaweyn ee doonaya waxbarasho tayo leh.
Fiiro gaar ah:Ardayda la qaadanaayo waa tiro xadidan ee fadlan h**e ugaar xarumaha machadka yaan lagaa buuxin.
Xarumaha machadka waxey kukala yaalaan:
1-Degmada deyniile xaafada raadelka agagaarka (ceelka IFIS).
2-Degmada deyniile wadada (ssta) kasoo horjeedka masjidka cumar binu khadaab.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
+252 615 650058 / 068 5650058
+252 618 092924 / 062 8092924
30/06/2026
الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على نبينا محمد، وعلى آله وصحبه أجمعين
تشرفنا اليوم بالمشاركة في ملتقى حملة الشريعة ، الذي نظمته جامعة الإمام محمد بن نصر المروزي، والذي كان لقاءً علميًا وتربويًا مميزًا، أسهم في تعزيز الوعي الشرعي والفكري لدى الشباب الصومالي
وإننا لنثمن الدور الرائد الذي تقوم به الجامعة في نشر العلم الشرعي، وتوعية الشباب، وخدمة المجتمع، سائلين الله تعالى أن يبارك في جهودها، وأن يجزي إدارة الجامعة وجميع القائمين عليها والعاملين فيها خير الجزاء، وأن يجعل أعمالهم في ميزان حسناتهم، وأن يوفقهم إلى مزيد من التقدم والعطاء
بارك الله فيكم، ونفع بكم الإسلام والمسلمين #
#معهدأنصارالسنةللعلوم الشرعيةوالعربيةMachadka Ansaaru Sunnah