12/05/2026
Tartanka Semi-Finalka F1 D iyo F4A maanta waxay guusha Raacday F4 A.
Ugu Hagaag Dugsiga 21ka Oktoober Aqoon Iyo Akhlaaq Wanagsan
12/05/2026
Tartanka Semi-Finalka F1 D iyo F4A maanta waxay guusha Raacday F4 A.
25/04/2026
19/03/2026
عيدكم مبارك تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
08/03/2026
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 8/03/2026
Waxaa dugisga sare ee 21-ka oktoober lagu qabtay salaad Roob doon oo Alle looga baryaayay Inuu raxmadiisa Noogu deeqo.
Waxaana si wada jir ah uga qayb qaatay dhamaan Maamulka, Macallimiinta, ardayda, iyo marti sharaf. Waxaa qudbado kala duwan oo qiimo leh ardayda u jeediyay macallimiinta Dugsiga, kuwaas diirada ku saaray qudbadooda
1) Dhiibatooyinka laga dhaxlo dunuubta.
2) Arkaanta iyo qaabka loo dukado salaadda roob doon
3) Muhiimada salaada iyo istiqfaarta ay leedahay .
Ugu dambeyntii waxay inoogu soo dhamaatay si wanaagsan oo qushuuc leh allah ha inoo aqbalo ducada iyo istiqfaarta.
Aamiin
MAAMULKA MACALLIMIINTA IYO ARDAYDA AYAA MAANTA U ISTAAGAY SALAAD ROOBDOON OO ALLE LAGU BARYAY IN UU ALLE UGU DEEQO RAXMADIISA GUUD AHAAN DHULKA SOOMAALIDA IYO MEEL KASTA OO AY KA JIRTO ROOB LA'AAN.
ALLE WAXAAN WAYDISANAYNAA IN UU NAGA AQBALO WAA MAALIN RAMADAAN.
22/02/2026
Maanta waxaan ardeyda dugsiga sare ee 21 Oktoobar loo qabtay tababar ku saabsan Dhisidda hogaamiyaasha Badaha ee Mustaqbalka halkaas oo ardeyda dugsiga sare lagu barey muhiimadda dhaqaalaha Buluuga ah u leeyahay bulshadadeeda iyo sidii ay uga faaideysan lahaayeen.
Tababarka waxaa iska kaashadey Machadka Dhaqaalaha Buluuga iyo hal-abuurka Bariga Afrika iyo Xafiiska Qalinjebiyaasha Jaamacadda SIMAD, waxaana kulanka Martigeliyay Dugsiga sare ee 21 Oktoobar.
Ugu dambeyn kulanka si nabad ah ayuu noogu dhamaadey.
Dad dhisan ayaa dal dhisa
17/02/2026
رمضان كريم
Maamulka iskuulka oo u sharaxaya jaantuska Iskuulka laga soo bilaabo 2020-2026. Ardayda iakuulka kusoo biirtay iyo kuwa ka qalin jibiyay tiradooda Guud.
Ardayda 2020-2021 waxay ahaayeen 420,
2025-206 waxay gaaren 1130 arday
Tirada Ardayda imtixaanka qaranka u fariisatay fasalka 12aad 5 tii sano ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen 306 ardayda Waxaa gudubtay oo ku baastay 299 Ardayda, waxaa ka dhacday 7 arday .
Waxaa kaloo horumarin lagu sameeyay Xeerarka iyo Muqalka iskuulka. Waxaa kaalin wayn ka qaatay Maamulka Macallimiinta iyo waalidiinta Wxaana taageera Buuxda ku siisay Wasaaradda waxbarashada.
Dal dhisan ayaa dad dhisa.
Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Dugsiga 21-ka Oktoobar Waxaana goobta kusoo soo dhaweeyey Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Faarah Shaikh Cabdulqaadir, Agaasimaha Hiddaha iyo Tacliinta sare Maxamexed Cabdullaahi Agaasimha Waaxada Dugsiyada Maxamuud Xasan Cabduulle [Abaro) Iyo Maamulka Dugsiga Cabdulqaadir Nuur Cise.
Waxay u kuur galeen waxbarashada kasocota Dugsiga, ayagoo mid mid u booqday Fasalada Dugisga, waxay aad ugu riyaaqeen Nidaamka iyo Horumarka uu gaaray Dugsiga iyo guud ahaan nidaamka Waxbarasho ee ka jirta Dugsiga.
Sidoo kale waxay la dardaarmeen Ardayda iyo Macallimiinta kuna bogaadiyeen inay joogteeyaan Waxbarashada.
Dhamaad
Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan arrimaha Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Dugsiga 21-ka Oktoobar Waxaana goobta kusoo soo dhaweeyey Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Faarah Shaikh Cabdulqaadir Agaasimaha Hiddaha iyo Tacliinta sare Maxamexed Cabdullaahi Agaasimha WWaaxada Dugisyada Maxamuud Xasan Cabduule [Abaro) Iyo Maamulka Dugsiga Cabdulqaadir Nuur Cise.
Waxay u kuur galeen wqxbarashada kasocota Dugsiga, ayagoo mid mid u galay Fasalada Dugisga, waxay aad ugu riyaaqeen Nidaamka iyo Horumarka uu gaaray Dugsiga iyo guud ahaan Waxbarashada Dalka.
Sidoo kale waxay la dardaarmeen Ardayda iyo Macallimiinta kuna bogaadiyeen inay joogteeyaan Waxbarashada.
Dhamaad