01/05/2026
Hambalyo iyo Bogaadin
Jaamacadda Tayo ee Soomaaliya waxay si sharaf iyo qaddarin leh hambalyo ugu diraysaa Dr. Xasan Maxamed Sayid, Guddoomiyaha University of Somalia (UNISO), munaasabadda loo doortay xilka Guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Soomaaliyeed (ASU).
Tani waa guul muhiim ah oo muujinaysa kalsoonida, hoggaanka hufan, iyo doorka muuqda ee uu ku leeyahay horumarinta waxbarashada sare ee Soomaaliya.
Waxaan Alle uga baryaynaa inuu ku garab galo masuuliyaddan culus, kana siiyo xikmad, caafimaad, iyo guul uu ku hormariyo iskaashiga jaamacadaha Soomaaliyeed, tayeynta aqoonta, iyo horumarka jiilka mustaqbalka.
Hambalyo sharaf leh, waxaana kuu rajaynaynaa guul, horumar, iyo hoggaan miro-dhal ah.
14/06/2025
Ardayd Soomaaliyeed
Guul ayaan u rajeyneynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee fasalka 12aad ee u fariisanaya Imtixaanka Qaranka. Nasiib wacan iyo mustaqbal ifaya ayaan idin leenahay.
Insha,Allah waad guuleysan doontaan!
05/06/2025
Ciidul Adxaa Mubaarak!
Waxaan Umadda Soomaliyeed Dhamaan u rajaynayaa Nabad, Barwaaqo, iyo kheyr badan munaasabaddan Ciida barakaysan In Naxariis, Midnimo, iyo Deeqsinimo, anagoo duco u dirayna isla markaana gargaar la gaarayna kuwa baahan.
Taqabbalallahu minna wa minkum — Allah ha ka aqbalo (camalka wanaagsan) annaga iyo idinkaba.
Tayo University of Somalia
Tayo University Students Union
28/02/2025
Ramadaan Kariim!
Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Somaliyeed, curashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed.
Waxaan Alle innooga baryayaa in uu inna siiyo fadliga iyo barakada bisha barakaysan ee Ramadaan, dalkeenana ku gaadhsiiyo bishan bisheeda nabad, barwaaqo iyo badhaadhe isgaadhsiisan. Ramadaan Kariim.
22/03/2024
Ramadaan Kariim Dhamaan Muslimiinta meel waliba ay joogaan, Nabad ku Sooma, kuna Afura.
Join us
Tayo University of Somalia
Tayo University Students Union
14/02/2024
Jaamacadda Tayo University of Somalia waxa ay xoogga saareeysaa barnaamijka sannadlaha ah ee la yiraahdo “One year foundation” kaas oo ardayda lagu baraayo xirfado kala duwan si aay u helaan aqoon ballaaran oo wax ku kabeeyso aqoontooda kale,
Tayo University of Somalia will focus on and accelerate the one year foundation program teaching students variety, necessary and basic skills that will enable them acquire more knowledge on top of other education and skills they have.
Join Us.
11/01/2024
Jaamacadda Tayo University of Somalia ayaa furtey ( Africa Institute for Strategic Studies) Xarun Cilmi Baaris ah oo lagu daraaseeyo dadyowga Afrika gaar ahaan Ethiopia , Kenya iyo dhamaan dadyowga kale Afrika.
# Africa Institute for Strategic Studies.
Join us and Share.