11/12/2019
Waxaa Alle mahadii si habsami leh noogu qabsoomay aqoon-isweydaarsi la xariiray "Sida loo bilaabi karo ganacsi cusub", kaas oo dhacay shalay iyo maanta, oo ay taariikhdu ku beegneyd 10 iyo 11 December, 2019, kana dhacay hoolka weyn ee Jaamacadda Horn of Africa, xarunta KM4, kasoo horjeedka Xanaano.
Aqoon-isweydaarsigan oo ay ka faa'iideysteen tiro arday ah oo barata takhasusyo kala duwan ayaa kow ka ahaa dhowr kale oo nuuciisa ah oo ay xarunta qorsheyneyso iney qabato waqtiyada dhaw ee nagu soo aaddan insha Allaah.
Xarunta Waxbarashada iyo Tabararrada ee Raage ayaa u taagan iney ardayda ka saacido baahiyahooda waxbarasho ee kala duwan.