22/03/2023
Muqdishu maarso, 22, 2023 – guddoonka ardayada dufcadii 9aad ee iskuulka towfik, ayaa shacabka Somaliyeed iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ah ugu hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Guddoonku waxa uu si gaar ah dufacdii 9aad ee iskuulka towfiq u xasuusinayaa inay ka faa’iidaystaan khayraadka bisha Ramadaan, dhexdooda isu naxariistaan oo is caawiyaan, “Ummadda islaamka oo dhan gaar ahaan ummadda Somaliyeed waxa aan ugu hambalyeynaynaa curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo haddii Eebbe yidhaahdo berri inoo bilaabmi doonta. Waa bishii cibaadada, waa bishii Qur’aanku soo degay, waana bil barakaysane Ilaahay khayrkeeda ha ina siiyo, wixii shar ahna Alle ha inaga xijaabo. Asxaabta waxan xasuusinaynaa bisha Ramadaan barakadeeda in sida Diinta islaamku ina fartay in la isu naxariisto, sadaqada la bixiyo, dadka jilicsanna wax la taro, ka wax hayaana waa inuu xasuustaa ka baahan,”
Bishaan barakeeysan ee Ramadaan waa bishi ummada Muslimiintu meel kasta oo ay joogaan ay is cafin jireen isu ducayn jireen, wanaag iyo khayrna isku dardaarmi jireen.
Waa bisha qura ee qura’aanka lagu sheegay waa bishii uu rasuulka scw uu nooleyn jiray, waaana bishii uu uu rasuulku quraanka uu aad u akhrin jiray si kabadan bilaha kale. Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”
Waxaan ilaah ka baryeenna dhamaanteen inaan noqono kuwii ka faa’iideysta fadliga bishaan barakeeysan sidoo kale naxariis iyo nimco dalkeena ku maneesto.
Ramadaan mubaarak.