21/07/2025
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
MA tahay arday dhigta dugsiga sare oo ma dooneysaa in aad barato maaddooyinka scientific subjects-ka ee kala ah Biology, Chemistry, Physics & Mathematics.
Ma dooneysaa macallimiin si hagar la'aan ah oo heer sare ah kuugu dhiga afarta maaddo . Haddaba haddii jawaabtaadu _HAA_ tahay waxaan kugu soo dhaweynaynaa machadka Expert oo ah machad bixiya afarta maaddo ee cilmiga, maaddada caafimaadka, luqadaha Englishka & soomaaliga, waxbarashada aas'aasiga ah sida diyaarinta ardayda dugsiyada hoose & dhexe iyo diyaarinta ardayda shahaadiga ah ee fasalka 8aad iyo form four.
Si gaar ah, waxa uu machadka diiradda u saarayaa ardayda shahaadiga ah ee form four iyo 8aad sidii ay u heli lahaayeen sharaxaad waafi ah iyo caawimaad joogta ah, ilaa lagala shaqeeynaayo imtixaanadii h**e dowladda.
Dhammaan dadweynaha ku nool degmada Wadajir iyo nawaaxigeeda waxaa lagu wargelinayaa in fasalada ay si toos ah u furmayaan maalinka sabtida, taariikhduna ay ku asteysantahay 26-ka July 2025.
Saacdaha uu machadku shaqeynaayo waa duhur ilaa habeen, iyo khamiis iyo jimco.
Ha ka harin fursaddaan dahabiga ah!
Ku soo biir Macadka Expert maantaba!
Machadka wuxuu ku yaalaa degmada wadajir, xaafadda ceelgeelow, nawaaxiga sallaxa doodshe, wuxuu saaranyahay waddada cusub ee kasoo bilaabata dhabarka danbe ee isbitaal wadajir, soona hormarta maqaayadda shariif oo dhanka iyo ceelgeelow soo aadda