19/03/2026
CIID WANAAGSAN
كل عام وانتم بخير
Maamulka, Macallimiinta, Waaliddiinta, Ardayda iyo guud ahaan bahda iskuulka ALWASIC waxa ay hambalyada Ciidul Fidriga si diirran ugu dirayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta ay joogaan.
Munaasabaddan barakeysan awgeed, waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu naga wada aqbalo soonkii, salaaddii, iyo acmaashii suubbanaa ee aynu soo gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, isla markaana uu dalkeenna iyo dadkeenna nooga dhigo nabad waarta, barwaaqo iyo midnimo.
Waxaan rajeyneynaa in Ciida ay idin noqoto mid xambaarsan farxad, isjaceyl, isqaddarin, iyo horumar guud oo ay gaaraan ummadda Muslimiinta ah.