26/08/2025
๐โจ Munaasabadda Qalinjabinta โ Baraka Academyโจ๐
Waxaa xarunta Baraka Academy lagu qabtay xaflad qalinjabineed oo qurux badan, taas oo ay ka qeyb galeen waalidiin, macalimiin iyo marti sharaf kale.
Ardayda qalinjabisay waxay ka kala socdeen qeybaha:
โ
Qurโaan
๐ป Computer
โก Koronto
Xafladda waxaa lagu muujiyey farxad, guul iyo dhiirrigelin, iyadoo ardaydu ay muujiyeen dadaal iyo hufnaan waxbarasho.
Hambalyo dhammaan ardayda guuleysatay! ๐
Baraka Academy โ Aqoon, Anshax iyo Mustaqbal.
03/08/2025
Ma doonaysaa inaad noqoto xirfadle ku takhasusay korontada? Baraka Academy for Development waxay ku siinaysaa tababar dhamaystiran oo ku saabsan aasaaska iyo farsamada korontada, si aad ugu diyaar garowdo mustaqbal shaqo oo ifaya!.
Waxyaabaha aad ka faa'iidi doonto:
๐ Aasaaska Korantada
Fahamka danabka, iyo hababka korontada u shaqeyso.
๐ง Rakibaadda iyo Dayactirka Korontada
Baro sida loo rakibo nidaamyada korontada guryaha iyo shirkadaha iyo sidoo kale dayactirkooda.
โก Amniga Korontada
Hel aqoon ku saabsan sida loo shaqeeyo iyadoo la raacayo hababka badbaadada ee korontada.
Waxbarashada korantada ee Baraka Academy waa waddo sahlan oo aad ku gaarayso mustaqbal guul leh! Nala soo xiriir maanta si aad u bilaabato safarkaaga xirfadeed!
21/07/2025
๐ข OGAYSIIS: Barashada English-ka oo si rasmi ah uga socota Baraka Academy!
Waxaa si rasmi ah uga socda Baraka Academy for Development koorsooyin luuqadda English-ka ah oo ay dhigayaan macallimiin ajaanib ah oo khibrad sare leh.
Ardaydu waxay helayaan casharro si heer sare ah loo soo diyaariy, iyadoo lagu baranayo:
โ
Hadalka iyo fahamka (Speaking & Listening)
โ
Qorista iyo akhriska (Writing & Reading)
โ
Eray-bixin iyo suโaalo nolol maalmeedka la xiriira
๐ฏ Hadafkeennu waa in aan ardayda siino xirfad English ah oo ay kaga faaโiideystaan waxbarasho, shaqo, iyo nolosha caalamka.
๐Goobta: Baraka Academy โ Xarunta Dhexe
๐ Waqtiga: Maalmo walba laga bilaabo 8:30 pm
Duhur nimo .
17/05/2025
Kusoo biir Baraka Academy for Development oo si fudud uga baro aas-aasiga kumbuyuutarka! ๐ป๐.
Waxaan bixinaa koorsooyin xirfadeed oo aad ku baran karto:
โก Windows 11
โก Microsoft Office (Word, Excel, PowerPoint)
Barashada kumbuyuutarka waa xirfad muhiim ah oo qof walba u baahan yahay.
Waa albaabka fura mustaqbalka shaqo, ganacsi, iyo aqoon kororsi. Haddii aad rabto inaad la jaanqaaddo dunida iyo tiknoolajiyadda casriga ah. maanta bilaaw oo horumari xirfadahaga!
28/02/2025
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaynaa billashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ramadaan mubaarak. Farxad, caafimaad iyo cibaado ku sooma, Alle idankiis.
ูู ุนุงู
ูุงูุชู
ุจุฎูุฑ.
ุชูุจู ุงููู ู
ูุง ูู
ููู
ุตุงูุญ ุงูุฃุนู
ุงู.
ุงูููู
ููููุง ูู
ุงุชุญุจู ูุชุฑุถู
ุงูููู
ุจูุบูุง ูููุฉ ุงููุฏุฑ
ุงูููู
ุชูุจู ุตูุงุชูุง ูุตูุงู
ูุง ูููุงู
ูุง ููุฑุงุกุชูุง ูุฑููุนูุง ูุณุฌูุฏูุง ูุณุงุฆุฑ ุงูุฃุนู
ุงููุง ูุง ุฑุจ ุงูุนุงูู
ูู
28/12/2024
waa xarun waxbarasho oo casri ah oo bixisa tababaro xirfadeed oo heer sare ah, si kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada. Akadeemiyada waxay diiradda saartaa barnaamijyo muhiim ah sida:
1: Cilmi barashada -ka: Waxaa lagu bixiyaa koorsooyin ka caawiya ardayda inay bartaan software-ka, hardware-ka, iyo barnaamijyada IT-ga casriga ah.
2: (Electrical Engineering): Waxaa la barayaa farsamooyinka muhiimka ah ee dhismaha iyo dayactirka nidaamyada korontada, taas oo u diyaarinaysa ardayda inay ka shaqeeyaan shirkadaha korontada ama ay abuuraan ganacsiyo u gaar ah.
3: : Qaybtani waxaa si gaar ah loogu talagalay dumarka raba inay kobciyaan hal-abuurkooda, iyadoo xoogga la saarayo xirfadaha samaynta dharka iyo farsamooyinka kale ee farshaxanka. Tababaradani waxay gacan ka geystaan in dumarka ay abuuraan shaqooyin ay isagu filnaadaan oo hal-abuur leh.
Baraka Academy waxay u taagan tahay inay dhalinyarada ka caawiso inay dhistaan mustaqbal xooggan, iyagoo helaya xirfado ay isagu filnaadaan oo suuqyada shaqada kaga dhexmuuqdaan.....
02/11/2024
โจ๐Hambalyo Qalinjabiyasha Baraka Academy for Development! โจ๐
30/10/2024
waa maalin gaar ah oo aan ku xusnay guusha ardaydeena dhammeystay barashada korontada ee Baraka Academy for Development. Waxaan leenahay hambalyo guusha aad gaartayen. dadaalkiina, hal-adayga, iyo himiladiina aan caadiga ahayn ayaa keenay inaad maanta halkan joogtaan.
tani waa bilowga safar cusub oo aad kaga mid noqonaysaan xirfadlayaasha dhisaya mustaqbalka ifaya ee bulshadeena. Waxaan idin rajeyneynaa guul, horumar joogto ah, iyo inaad noqotaan kuwo saamayn weyn ku yeesha bulshada.
Baraka Academy for Development waxay ku faaneysaa ardaydeeda geesiyaasha ah! ๐โก