12/05/2026
๐ซ๐ Xukuumadda Midowga Ardeyda Jaamacadda Caafimaadka Al Hayat ayaa si heer sare ah ugu qabatay ardeyda Seminar aad muhiim u ahaa oo cinwaankiisu ahaa โAdvanced ECG Reading with Clinical Correlation.โ
Seminarkan ayaa diiradda lagu saaray fahamka akhriska ECG-ga casriga ah iyo xiriirka uu la leeyahay xaaladaha caafimaad ee kala duwan, taasoo kor u qaaday aqoonta iyo xirfadaha ardeyda bahda caafimaadka.
Seminarka ayaa noqday madal muhiim ah oo ay ardeydu ku xoojiyeen fahamkooda ku saabsan ECG-ga iyo muhiimadda uu u leeyahay ogaanshaha xaaladaha caafimaad, iyadoo lagu soo bandhigay casharro iyo tusaalooyin wax ku ool ah oo faaโiido weyn u lahaa ka qeybgalayaasha.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Midowga Ardeyda Jaamacadda Caafimaadka Al Hayat waxay sii wadi doontaa qabanqaabada barnaamijyo waxbarasho oo kor u qaadaya tayada aqoonta ardeyda iyo horumarka bahda caafimaadka. โจ
06/05/2026
Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka Adduunka ๐๐คฑ
Maanta oo ku beegan Maalinta Caalamiga ah ee Umulisooyinka, Midowga Ardeyda Jaamacadda Caafimaadka Al-Hayat , gaar ahaan Kuliyadda Midwifery, waxay door muuqda ka qaateen xuska maalintan qiimaha badan leh.
Ardayda ayaa booqday mid kamid ah kaamamka dadka barakacayaasha ah, halkaas oo ay ka fuliyeen adeegyo caafimaad oo muhiim u ah hooyooyinka iyo carruurta, iyagoo muujiyay naxariis, Sidoo kale waxay gaarsiiyeen bacaha ka difaaca roobabka si ay uga qeyb qaataan badbaadada iyo daryeelka qoysaska ku nool xaaladaha adag.
Tallaabadan waxay muujineysaa doorka muhiimka ah ee umulisooyinka iyo ardayda caafimaadku ka ciyaaraan horumarinta caafimaadka bulshada iyo taageeridda dadka nugul.
Hambalyo dhammaan umulisooyinka!
14/04/2026
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo astaan u noqotay horumarka aqoonta iyo tiknoolajiyadda dalka. Waxaa si sharaf leh uga qeyb galay Madaxa Xukuumadda Ardeyda Jaamacadda Caafimaadka Al-Hayat University, taasoo muujinaysa doorka muhiimka ah ee ardaydu ku leeyihiin kobcinta aqoonta iyo horumarka bulshada.
Daahfurka Somali Digital Library (SDL) waa tallaabo muhiim ah oo ardayda u horseedi karta horumar aqooneed, fursado waxbarasho oo ballaaran, iyo helitaan sahlan oo cilmi casri ah.
Waa bilow cusub oo dhisaya mustaqbal ifaya oo ku dhisan aqoon iyo hal-abuur.
hayat University
19/03/2026
Hambalyo Ciid Mubaarak ๐โจ
Guddoomiyaha Midowga Ardeyda Jaamacadda Caafimaadka Al-Hayat University ayaa hambalyo diirran u diraya dhammaan ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan ardayda jaamacadda, munaasabadda barakeysan ee Ciidda.
Ilaahay ha naga aqbalo cibaadadii aan soo gudannay, hana ka dhigo Ciiddaan mid nabad, barwaaqo iyo farxad leh. Waxaa la rajeynayaa in Ciiddaan ay u noqoto dhammaan bulshada mid kheyr iyo horumar xambaarsan.
Ciid Mubaarak ๐ค
16/03/2026
Gudoomiyaha Midowga Ardayda mudane Abdirahmaan Abdulahi Ahmed iyo Maamulka Sare ee Al-Hayat medical University ayaa ka qayb qaatay gurmadka abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan gobolka Bay Region, iyagoo ka fuliyay cunto qaybin iyo biyo gaarsiin loogu talagalay qoysaska ay saameeyeen abaaraha.
Jaamacaddu waxay sii wadi doontaa garab istaagga bulshada Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada howlaha samafalka.
๐ Baidoa, Bay Region โ Somalia
๐ March 2026
17/02/2026
RAMADAAN WANAAGSAN
Xukuumadda Ardayda Jaamacadda Caafimaadka Al Hayat waxay hambalyo u diraysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dhammaan qoyska Red Family meel kasta oo ay joogaan, munaasabadda bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxeyna ku boorineysa dhamaan bulshada jamacada iney ka faa'ideystaan fadliga bisha Ramadaan, isla markaana ay xoojiyaan cibaadada, ugargaarida Dadka Danta yar, io wadajirka
Allah SWT waxaan ka baryeynaa inuu naga dhigo kuwo laga aqbalo soonkooda iyo salaaddooda, nagana yeelo kuwo ka faaโiideysta kheyrka, naxariista iyo fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan.
DHAMMAAD
AMUSA OFFICE
Mogadishu โ Somalia
16/02/2026
"Dhammaanteen Allaha Nabad Nagu garsiyo Bisha Barakeysan Ee Ramadan"
โ (ุงูููููู
ูู ุจููููุบูููุง ุฑูู
ูุถูุงู)
16/02/2026
MAGACAABIS
Madaxweynaha Xukuumadda Ardayda Jaamacadda Caafimaadka Al Hayat University, mudane Abdirahmaan Abdulahi Ahmed, ayaa xeer madaxweyne ku magacaabay isla markaana saxiixay Golaha Wasiirrada Xukuumaddii 3aad, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka u degsan xukuumadda ardayda.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan wasiirrada la magacaabay. Waxaa la idinka rajeynayaa karti, hufnaan, daacadnimo, iyo wada shaqeyn dhab ah oo lagu horumarinayo howlaha iyo danaha ardayda jaamacadda.
Waxaan idiin rajeynayaa guul, horumar, iyo waxqabad miro dhal ah. Ilaahay ha idinku asturo xilka, ha idinku garab galo gudashadiisa, hana idiinka dhigo mid kheyr iyo caddaalad ku dhamaada.
DHAMMAAD
AMUSA OFFICE
Mogadishu โ Somalia
10/02/2026
Ogeysiis:
Xafiiska Xukuumadda Midowga Ardeyda Jaamacadda Caafimaadka Al-Hayat University wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardeyda iyo bahda jaamacadda in beri saacadda markay tahay 6:00 PM (maqribnimo) lagu soo shaacin doono page-kan magaca Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Ardeyda.
Sidoo kale, laga bilaabo berri wixii ka dambeeya, maalin walba waxaa si rasmi ah loo soo bandhigi doonaa xubin kamid ah xubnaha xukuumadda ilaa ay ka dhammaato dhammaan magacaabista.
Fadlan la soco page-ka si aad u hesho wararka rasmiga ah iyo magacaabista cusub.
โ Xafiiska Xukuumadda Midowga Ardeyda