Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris

Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris

Share

DAARIS FOUNDATION FOR PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL ( D.F.P.S.S )

Dugsiga Daaris Wuxuu Diyaar Kuula Yahay Inuu Kaa Haqabtiro Baahiyadaaha Waxbarasho Iskuulka Wuxuu Bixiyaa Waxbarashada dugsiyada Hoose Dhexe Iyo Sarre Dugsiga Wuxuu kale Uu Leeyahay Qeybta Xifdinta Quraanka Kariimka Iyo Qeyb Jiif Ah

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 17/12/2025

πŸ† TARTAN AQOONEEDKA BARATAN & MASKAX-SHIIL – SANNAD DUGSIYEEDKA 2025–2026

πŸ“šπŸ”₯ Kulanka Maanta

πŸ“… Arbaco, 17 December 2025
πŸ“ Xarunta Daaris School

Maanta waxaa si guul leh uga qabsoomay Iskuulka Daaris kulan ka mid ah Tartanka Aqooneedka Baratan & Maskax-Shiil ee sannad dugsiyeedka 2025–2026, iyadoo ay kulanka maanta ku tartameen Fasalka 9-aad iyo Fasalka 3-aad.

Labada fasalba waxay soo bandhigeen tartan xiiso leh oo ay ka muuqatay feejignaan, aqoon, wada-shaqeyn iyo diyaar garow wanaagsan, taas oo sare u qaaday tayada kulanka.

βš”οΈ Kulanka Maanta:

Fasalka 9-aad VS Fasalka 3-aad

πŸ“Š Natiijada:

Fasalka 9-aad: 12 dhibcood

Fasalka 3-aad: 10 dhibcood

πŸ₯‡ Guusha & Dhibcaha:

Fasalka 9-aad ayaa ku guuleystay kulanka maanta, iyagoo helay dhibcaha ugu badan, taasoo muujinaysa dadaalkooda iyo aqoontooda tartan.

Maamulka iyo macallimiinta Iskuulka Daaris waxay bogaadin u dirayaan labada fasalba, gaar ahaan fasalka guuleystay, iyagoo ku amaanaya anshaxa, tartan-wanaagga iyo sida ay u mataleen fasalladooda.

Waxaan sidoo kale ku dhiirrigelinaynaa Fasalka 3-aad in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, maadaama ay muujiyeen karti iyo is-diyaarin wanaagsan.

πŸ‘ Hambalyo:

Fasalka 9-aad: Guul mudan iyo bandhig aqooneed oo heer sare ah

Fasalka 3-aad: Dadaal muuqdaβ€”horumar weyn ayaad muujiseen







Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 03/12/2025

πŸ† Tartan Aqooneedka Baratan & Maskax-Shiil – Sannad Dugsiyeedka 2025–2026
Furitaankii Tartanka & Kulankii Ugu Horreyay ee Group A πŸ“šπŸ”₯

Arbaco, 3-da December 2025
πŸ“ Xarunta Daaris School

Maanta waxaa si rasmi ah u furmay Tartan Aqooneedka Baratan & Maskax-Shiil ee sanad dugsiyeedka 2025–2026, waxaana bilowga tartanka lagu daahfuray kulan ka tirsan Group A, oo dhexmaray Fasalka 2-aad iyo Fasalka 4-aad.

Labada fasal waxay soo bandhigeen tartan xiiso leh oo ay ka muuqato feejignaan, hal-abuur iyo diyaar garow muuqda.

βš”οΈ Kulanka Group A:

Fasalka 2-aad VS Fasalka 4-aad

πŸ“Š Natiijada:

Fasalka 2-aad: 8 dhibcood

Fasalka 4-aad: 6 dhibcood

πŸ₯‡ Guusha & Dhibcaha:

Sida nidaamka sanadkan dhigayo, kooxda badisa waxay qaadataa 3 dhibcood.

Fasalka 2-aad ayaa ku adkaaday kulanka, waxayna ku hantay 3 dhibcood, taas oo ka dhigtay:

πŸš€ Hoggaamiyaha rasmiga ah ee Group A

🎊 Bogaadin:

Maamulka iyo macallimiintu waxay ammaan u jeediyeen labada fasal, iyagoo ku bogaadiyay anshaxa, dadaalka iyo sidii ay tartanka u qaateen si hufan.

Waxaan ku dhiirrigelinaynaa fasallada kale ee Group A inay si fiican isu diyaariyaan kulamada soo socda.

πŸ‘ Hambalyo!

Fasalka 2-aad: Bilow cajiib ah iyo hoggaamin qurux badan!

Fasalka 4-aad: Dadaal muuqdaβ€”kulamada xiga ayaad ka soo kaban kartaan insha’Allah.









26/11/2025

🌟 BARATAN & MASKAX-SHIIL – TARTANKA AQOONEED EE DAARIS 2025/2026 🌟

Dugsiga Daaris wuxuu si rasmi ah u shaaciyey jadwalkii tartanka aqooneed ee sanad-dugsiyeedka 2025/2026.

Tartankani waa mid lagu kobcinayo garaadka, hal-abuurka, aqoonta iyo niyadda tartan-wanaagga ee ardayda.

πŸ“… Tartanku wuxuu bilaabanayaa: 03 December 2025
Waxa uu ka kooban yahay wareegyo kala duwan oo ardaydu ku soo bandhigi doonaan fikir, faham iyo karti sare.

Guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ka qaybgalayaasha.
Daaris – Aqoon, Anshax & Horumar. πŸ“šβœ¨

Designed by Ustaad Hussein Abdulkadir Ugaas

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 20/11/2025

Dugsiga Daaris oo si weyn u xusay Maalinta Macallinka Soomaaliyeed – 21 November

Muqdisho , 21 Nofeembar 2025

Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, iyadoo munaasabado kala duwan lagu qabtay dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada si loogu muujiyo qadarin iyo mahadnaq macallimiinta Soomaaliyeed.

21-ka November, oo loo asteeyey sanadkii 1974-kii, ayaa ka mid ah maalmaha ugu qiimaha badan ee qaranka, laguna xuso kaalinta macalinka uu ku leeyahay dhismaha aqoonta, kobcinta jiilka cusub iyo horumarinta dalka.

Maalintan waxaa sidoo kale fasax rasmi ah loo siiya dugsiyada iyo goobaha waxbarashada, iyadoo loo marqaati furayo muhiimadda shaqada macalinku bulshada u hayo.

Mid ka mid ah goobaha si weyn looga xusay munaasabaddan maanta ayaa ahayd Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris, halkaas oo ay ka dhacday xaflad ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen maamulka sare ee dugsiga, macallimiinta iyo ardayda.

Intii ay munaasabadda socotay, ardaydu waxay soo bandhigeen barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen gabayo, heeso waddani ah, hadallo dhiirrigelin ah iyo casharo kooban oo ku saabsan doorka macalinka.

Qeybtii ugu xiisaha badnayd ee xafladda ayaa ahayd markii ardaydu guddoonsiiyeen hadiyado ay si gaar ah u diyaariyeen macallimiintooda, taas oo farxad iyo qiimeyn muuqata ku reysay macallimiinta.

Maamulka Dugsiga Daaris oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dugsigu ku faano macallimiin leh aqoon, akhlaaq iyo dadaal joogto ah, kuwaas oo wax weyn ka beddelay nolosha ardayda.

Waxay sheegeen in maalintan ay tahay fursad lagu xoojiyo xiriirka ardayga iyo macalinka, isla markaana lagu bogaadiyo juhdiga maalinkasta lagu bixiyo tarbiyadda iyo aqoonta.

β€œMacalinku waa iftiinka bulshada, waa dhisaha jiilasha iyo hormuudka horumarka,” ayey ku sheegeen maamulka oo hambalyo u diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Dugsiga Daaris.

Munaasabadda maanta ayaa mar kale caddeyn u noqotay sida ay waxbarashadu u tahay tiir udub-dhexaad u ah horumarka bulshada iyo sida Dugsiga Daaris uga go’an tahay kobcinta tayada waxbarashada iyo abaalmarinta macallimiinta ku hawlan dhismaha mustaqbalka dalka.

Mahadsanid macalinkii hal xaraf ku kordhiyay naf kasta oo aqoon raadisa.
Hambalyo Macallimiinta Soomaaliyeed.



Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 12/10/2025

Daaris School oo si Qurux Badan u Xustay Maalinta Calanka Soomaaliyeed

Maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Oktoobar, ayaa Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Daaris lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu xusayey Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay.

Maalintan qaran oo leh qiime taariikheed iyo mid ruuxi ah ayaa xusuusinaysa maalintii ugu horreysay ee calanka buluugga ah ee xiddigta cadda leh cirka lagu babiyey sanadkii 1954, taas oo astaan u noqotay midnimada iyo madax-bannaanida shacabka Soomaaliyeed.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay Maamulka dugsiga, macallimiinta, iyo ardayda ,kuwaas oo si wadajir ah u muujiyeen farxad, isku duubni iyo kalgacal waddani ah.

Ardaydu waxay xirnaayeen uniform-kooda rasmiga ah, garbahoodana ku xardhanaa marada calanka Soomaaliyeed, taas oo muujinaysay daacadnimada iyo jacaylka ay u qabaan dalkooda.

Munaasabadda ayaa lagu furay heesta calanka Soomaaliyeed, waxaana la soo bandhigay riwaayado, gabayo iyo heeso waddani ah, oo dhammaantood ay curiyeen oo ay soo jeediyeen ardayda. Sidoo kale, waxaa la jeediyey khudbado dhiirrigelin iyo wacyigelin leh, kuwaas oo lagu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo doorka calanku ku leeyahay jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, maamulka dugsigu wuxuu duco iyo dardaaran u jeediyey ardayda, isagoo ku boorriyey in ay ku dadaalaan waxbarashada, u adeegaan dalkooda, kana mid noqdaan difaacyada astaamaha qaran.

Xafladdan oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu quruxda badnaa ee sanadkan lagu qabtay Daaris, ayaa si weyn looga dareemay ruux waddaniyadeed, midnimo iyo farxad qaranimo, taas oo markale muujisay sida ay ardayda Daaris u jecel yihiin calankooda iyo dalkooda hooyo.

πŸ‡ΈπŸ‡΄
| | | |

07/09/2025

Maamulka Dugsiga Daaris waxa uu ku faraxsan yahay go’aanka ay soo saareen Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ee lagu mamnuucay isticmaalka Smartphone-ka ee ardayda. βœ…πŸ“΅

Go’aankan waxa uu xoojinayaa dadaallada aan horey ugu wadnay ilaalinta tayada waxbarashada iyo ka hortagga wax kasta oo carqalad ku noqon kara mustaqbalka ardaydeena. πŸŽ“πŸ“š

Dugsiga Daaris mar walba waxa uu u taagan yahay dhiirrigelinta anshaxa, waxbarashada wanaagsan, iyo dhisidda jiil iftiin u noqda Soomaaliya. πŸ‡ΈπŸ‡΄βœ¨

14/08/2025

πŸ“’ HAMBALYO & BARAARUJIN πŸ“’
DAARIS FOUNDATION SCHOOL
πŸ“ Mogadishu – Somalia

Waxaa sharaf weyn noo ah inaan u dirno hambalyo iyo bogaadin dhammaan ardayda sida geesinimada leh ugu dadaalay waxbarashada, gaar ahaan kuwii ka mid noqday tobanka arday ee ugu sarreeyay imtixaanka sanad-dugsiyeedka.

πŸŽ“ Guusha aad gaadheen waa miraha juhdi, dulqaad, iyo halgan joogto ah. Waa tusaale cad oo dhiirrigelin u ah dhammaan ardayda kale ee rajo ka leh mustaqbal ifaya.

πŸ’‘ Waxaan sidoo kale u diraynaa fariin baraarujin ah ardayda kale:
Ha niyad jabin, guushu ma aha mid ku timaada hal maalin – waa dadaalka joogtada ah ee aad geliso maanta si aad berri uga dhabayso riyadaada.

πŸ“˜ Waxbarashadu waa furaha nolosha.
πŸ‘¨β€πŸ« Maamulka, macalimiinta iyo waalidiinta waxaan leenahay: waad ku mahadsan tihiin taageeradiinna joogtada ah.

✨ Waxaan sii xoojin doonnaa dadaalka, si aan u helno jiil aqoonyahan ah oo dalkooda iyo diintooda anfacaya inshaAllah.






Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 13/06/2025

🌟 MAALINTA GUUSHA! πŸŽ“πŸ’™
Kulan Qado Sharaf & Dalxiis – Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah

Maamulka Dugsiga Daaris wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan ardayda sanadkan u fariisatay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8aad – kuwaas oo muddadii waxbarashada muujiyay karti, dadaal iyo adkaysi aan caadi ahayn.

πŸ’ Si loo xuso dadaalkooda, loona dhiirrigeliyo, waxaa shalay loo sameeyay Kulan Qado Sharaf ah iyo Dalxiis xiiso leh oo Abaay Dhaxan ah – waqti ay ardaydu ku nasteen, ku farxeen, kuna xasuusan doonaan sida maamulka iyo macallimiintoodu u garab taagnaayeen safarkooda waxbarasho.

πŸ“Έ Waxaa laga dareemay wejiyadooda farxad, rajo iyo kalsooni. Arday walba wuxuu ahaa halyey, maanta ka haray buugaagta si uu u furo bog cusub oo nolosha ah.

πŸ’¬ β€œGuusha maaha dhammaadka, imtixaankuna maaha caqabad; waa bilowga waddada guusha.”

πŸ™ Waxaan u rajeyneynaa dhammaan ardaydeena natiijooyin heer sare ah, mustaqbal ifaya, iyo guulo is-daba joog ah.
Daaris way idinla jirtaa – mar walba!







Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 05/06/2025

πŸ† Tartan Aqooneedkii Baratan & Maskax Shiil 2024–2025 oo si rasmi ah u soo gebogeboobay! πŸŽ‰πŸ“š

πŸ“… Arbaco, 4-ta Juun 2025

Shalay oo Arbaco ahayd waxaa si rasmi ah ugu soo dhammaaday Dugsiga Daaris tartankii sanadlaha ahaa ee Baratan & Maskax Shiil. Final-kii tartanka waxa si adag isugu arkay Fasalka 3-aad iyo Fasalka 7-aad, kuwaas oo muujiyey karti, garasho iyo feejignaan.

πŸ₯‡ Fasalka 7-aad ayaa ku guuleystay tartanka, kadib ciyaar xiiso leh, iyagoo hantiyey koobkii iyo biladaha sharafka leh.

🎊 Waxaa la qabtay xaflad kooban oo lagu maamuusay guuleystayaasha, iyadoo sidoo kale abaalmarin la siiyey labada fasal ee Final-ka is haleelay.

πŸ•Œ Isla maalintaas waxaa sidoo kale la qabtay kulan duco & dardaaran ah oo loo sameeyey ardeyda Fasalka 8-aad ee sanadkan u fadhiisanaysa Imtixaanka Shahaadiga ah.

Macallimiin, maamulka, iyo ardaydu waxay si wadajir ah ugu duceeyeen guul, akhlaaq iyo iftiin mustaqbaleed.

Ardayda waxaa lagu dhiirrigeliyey in ay kalsooni ku galaan imtixaanka, kana dhigaan guushooda mid ay umadda la qeybsato.

πŸ‘ Hambalyo Fasalka 7-aad guushiina tartanka!
πŸ’ Duco iyo guulna Fasalka 8-aad – waxaan idiin rajaynaynaa inaad imtixaanka si wanaagsan uga soo baxdaan, noqotaanna iftiinka mustaqbalka!








Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 10/04/2025

πŸ“’ Natiijo Rasmi ah – Tartanka Aqoonta "Baratan iyo Maskax-Shiil" 2024/2025 πŸ†πŸ“š

Arbaco, 9-ka Abriil 2025, waxaa dhacay kulankii bug-baxa (knockout) ee tartanka aqoonta Dugsiga Daaris ee sanad dugsiyeedka 2024/2025. Kulankaas waxaa foodda is daray Fasalka 8aad iyo Fasalka 7aad, iyadoo uu tartanku ahaa mid xamaasad leh oo xiiso gaar ah lahaa.

πŸ”· NATIJADA:
βœ… Fasalka 7aad – 10 dhibcood πŸ†
βœ… Fasalka 8aad – 6 dhibcood

πŸŽ‰ Fasalka 7aad ayaa guusha ku raaxeystay, kuna gudbay wareegga xiga ee tartanka, iyagoo muujiyay karti, diyaargarow iyo maskax furnaan heer sare ah.

πŸ“Œ Lasoco kulamada kale ee bug-baxa iyo kooxaha u gudba Semi-finalka!

🏫 🧠

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 05/03/2025

πŸ“’ Natiijada Tartanka Aqoonta "Baratan iyo Maskax-Shiil" πŸ†πŸ“š

Maanta waxaa loollan adag ku yeeshay tartanka Fasalka 3-aad iyo Fasalka 5-aad. Ardaydu waxay soo bandhigeen feejignaan iyo aqoon sare, iyadoo tartanku uu ahaa mid aad u xiiso badan!

πŸ”· NATIJADA:
βœ… Fasalka 3-aad – 6 dhibcood πŸ†
βœ… Fasalka 5-aad – 4 dhibcood

πŸŽ‰ Guushu waxay raacday fasalka 3-aad, oo dadaal badan bixiyay si ay dhibcaha sare u helaan. Tartanku wali waa socda – yaa u gudbi doona wareega xiga? πŸ€”πŸ”₯

πŸ’¬ Aragtidaada noogu reeb: Fasalkee ayaad filaysaa inuu tartanka ku guuleysan doono? πŸ‘‡βœ¨

🏫 πŸ†

Photos from Dugsiga Hoose Dhexe & Sarre Ee Daaris's post 27/02/2025

πŸ“’ Natiijada Tartanka Aqoonta "Baratan iyo Maskax-Shiil" πŸ†πŸ“š

Shalay oo Arbaco ahayd waxaa tartamay fasalada 6aad iyo 1aad, iyadoo uu kulanku ahaa mid aad u xiiso badan. Ardaydu waxay soo bandhigeen tartan adag iyo garaad sare!

πŸ”· NATIJADA:
βœ… Fasalka 1aad – 8 dhibcood πŸ†
βœ… Fasalka 6aad – 4 dhibcood

πŸŽ‰ Guushu waxay raacday fasalka 1aad, oo soo bandhigay dadaal iyo aqoon sare. Tartanku wali waa socda – fasalada xiga maxaa u qorsheysan? πŸ€”πŸ”₯

πŸ’¬ Fasalkee ayaad filaysaa inuu u gudbi doono wareega xiga? πŸ‘‡βœ¨

🏫 πŸ†

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address


Mogadishu
252